Fashil Diblomaasiyadeed

Fashil Diblomaasiyadeed

Muqdisho (WDN)- Muuqaalka diblomaasiyaddeed ee Geeska Afrika ayaa isbedel weyn ku yimid tan iyo bishii Janaayo, 2024-kii, wakhtigaasi oo Itoobiya heshiis is-afgarad oo muran badan dhaliyay la saxeexatay Soomaaliland; Is afgaradkaas oo  Addis Ababa u ogolaaday in ay ka haleen marin  Badda Cas, sidoo kalen ay Itoobiya ka samaysato saldhig ciidan xeebaha badda cas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u aragtay arinkaasi mid ku xad-gudbay Qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaaliyeed. Waxaa Muqdisho ka dhashay cambaareyn xooggan, iyo tallabooyin diblomaasiyaddeed oo lagaga hortagayo in uu heshiiskaasi dhaqan galo, taasi oo sii xoojisay xiisadda gobolka geeska Afrika iyo mandiqada Badda Cas.

Haddaba sida uu sheegay jariidada Al-Carab Al-Jadiid, xiisad siyaasaddeed ayaa ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Masar, kadib markii uu hakad ku yimid heshiiskii iskaashiga milatari ee ay kala saxiixdeen Agoosto 2024, xilli Muqdisho ay si lama filaan ah ugu dhowaatay Addis Ababa – arrinkasi oo ka cadhaysiiyay Qaahira.

Jariidadaasi ayaa sheegtay in Masar, oo horey u ballanqaadday taageero milatari oo xooggan, ayaa si caro leh u hakisay qorshayaashii ay Soomaaliya ku taageeri lahayd, kaddib markii DFS ogolaatay heshiis “kirayn xeebeed” oo Itoobiya ku doonayso marin badeed. Qaahira waxay u aragtaa talaabadan mid khatar gelinaysa xasilloonida Geeska Afrika iyo danaha biyaha Nile.

Sidoo kale, xiriirkii saddex-geesoodka ahaa ee Soomaaliya, Masar iyo Ereteriya ayaan meel marin kaddib markii Turkiga uu isu geeyay madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya, taasoo Ereteriya iyo Masar u arkayeen halis cusub.

Xaqiiqdu waxay tahay: Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay luminaysaa laba saaxiib oo istiraatiiji ah – Masar iyo Ereteriya – halka ay gacanta u gelinayso Itoobiya oo dano gaara leh.  

Ma jiraan calaamado muujinaya in DFS ay leedahay qorshe diblomaasiyadeed oo lagu maareeyo dano isdiidan. Mise tani waa caddayn kale oo muujinaysa khibrad la’aanta iyo aragti-darro siyaasadeed oo ka jirta Villa Soomaaliya.

Hakatka soo kala dhex galay xidhiidhka Soomaaliya ay la leedahay wadamada Masar iyo Ereteriya, waxa ay halis gelin kartaa kaalmada milatari, iskaashiga sirdoonka, iyo taageerada ballaaran ee diblumaasiyadeed ee fagaarayaasha caalamiga ah, oo ay ku jiraan Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika .

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.