Dawlad Goboleedkii 6-aad ee Dawladda Federaalka Soomaaliya oo Lagu Dhisay Laascaanood – Waqooyibari Soomaaliya

Dawlad Goboleedkii 6-aad ee Dawladda Federaalka Soomaaliya oo Lagu Dhisay Laascaanood – Waqooyibari Soomaaliya

Laascaanood (WDN)- Waxaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool usbuucyadii u dambeeyay ka socday shir lagu dhammaystirayo maamulka SSC-Maakhir, iyada oo lagu midaynayo gobollada Maakhir iyo Khaatumo. Shirkan muddada soo jiitamayay ayaa guul ku soo dhammaaday 30 Julaay, 2025, waxaana maamulka cusub ee ku soo biiray maamullada xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya. Maamulkaasi ayaa loo bixiyay Maamul Goboleedka Waqooyibari Soomaaliya, sidoo kale waxaa la yagleelay calan iyo astaan cusub.

417 ergay oo ka kala socda ama kala metelaya qabiillada dega gobollada Maakhir iyo Khaatumo oo shirka ka qaybgalayna waxa ay ansixiyeen dastuurka maamulka cusub. Ansixinta kaddib isla xalay ayay Dawladda Federaalka Soomaaliya aqoonsatay maamulka cusub ee Waqooyibari Soomaaliya.

Xubnaha xildhibaannada maamulka cusub oo uu bilowgii ka aloosmay khilaaf badan ayaa tiradooda laga dhigay 83 xildhibaan, 45 laga soo dooranayo Khaatumo iyo 38 laga soo dooranayo Maakhir. Waxaana si rasmi ah caasimadda looga dhigay Laascaanood,  halka magaalada ganacsiga ahna caasimadda labaad laga dhigay Laasqoray, iyada oo jagada madaxweynaha lagu heshiiyay in ay noqoto meerto.

Bilowgii shirkan waxaa baaq diidmo ah oo ku aadan shirka soo saaray badi isimada Maakhir, iyaga oo tilmaamay in aanay qayb ka ahayn, hasa yeeshee baaqoodaasi ma baajin doonista shacabka gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn in ay  dhistan maamul Gobolled, iyada oo  Dawladda Federaalka Soomaaliya ay u muujisay taageero, qeyb weya ka qaadatay agaasinkii shirka.

WardheerNews oo waxa ka weydiisay sida ay u arkaan maamulka cusub shacabka reer Sanaaag, khaasatan magaalooyinka Badhan iyo Dhahar, waxaa muuqata in reer Maakhir ay soo dhaweeyeen maamulka cusub iyaga oo ku sababaynaya in duruufaha ku xeeran ay kaga jawaabi karaan maamul ay lahaanshiyihiisa dareemayaan.

Gobolladan ku midoobay Waqooyibari Soomaaliya ayaa sannadihii u danbeeyay dhexda ugu jiray isqab-qabsiga Soomaalilaan iyo Buntland taas oo ay ku waayeen xuquuqo badan oo ay lahaayeen.

Dhismaha maamulkan cusub ee Waqooyibari, ayaa lafilayaa in uu meesha ka saaro khilaafkaas iyo in deegaanak Sool, Sanaag iyo Ceyn uu yahay mid lagu muransan yahay.

Horraanta bisha siddeedaad ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo dhismaha dawladda cusub oo la soo xulo xildhibaannada, lana doorto madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. 

WardheerNews