Muqdisho (WDN)- Dagaal xooggan ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacay magaalada ku taala xuduudka Kenya ee Beled-Xaawo, gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland, kadib markii ay halkaasi gaareen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayo wasiirkii hore ee amniga Jubaland Cabdirashiid Janan. Ciidamadan oo laga soo daabulay magaalada Muqdisho, ayaa dagaal fool ka fool ah la galay ciidamada Daraawiishta Jubbaland, arintaasi oo sii kordhisay xiisadda u dhaxeysa dowladda Federaalka iyo maamul goboleedka Jubaland.
Iska horimaadka ayaa yimid wax yar kadib markii diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ay soo caga dhigatay magaalada Balad Xaawo, iyadoo halkaasi geysay Cabdirashiid Janan iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo dhawaanahan laga soo abaabulayay Muqdisho. Howlgalka ayaa ahaa mid Villa Soomaaliya rabtay in ay gacanta ku qabato gobolka Gedo, hase yeeshee waxa halkaasi ka dhacay dagaal ka dhex qarxay ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee horay ugu sugnaa Beled-Xaawo iyo kuwa DFS.
Warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda amniga gudaha dowladda federaalka Soomaaliya ayay ku cambaareysay madaxda maamulka Jubbaland, iyadoo ku eedeysay madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) inuu uu masu’uul ka yahay dagaalka ka dhacay Balad Xaawo.
“Wasaaradda amniga gudaha waxa ay ka xuntahay oo cambaareyneysaa fal dambiyeedka uu Axmed Maxamed Islaam ka geystay magaalada Beled-Xaawo,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Maleeshiyaadka Axmed Madoobe waxay weerar arxan darro ah ku qaadeen xarumaha adeegga dadweynaha iyo xerooyinka Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (SNA), taasoo halis gelisay shacabka, waxayna wiiqday xasilloonida qaranka.”
Dowladda Federaalka ayaa intaa ku dartay iyada oo Jubaland ku eedeysay in ay dagaalka hurisay xilli dadka rayidka ah ay ku mashquulsanaayeen howl maalmeedkooda, taasoo ay ku tilmaantay fal mas’uuliyad darro ah oo dhibaataynaya daryeelka shacabka.
Saraakiisha Jubbaland oo arrintaasi ka jawaabaya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadooda ay ku guuleysteen inay iska caabiyaan weerarka Villa Soomaaliya, islamarkaana ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta magaalada.
“Beled-Xaawo waxaa hadda si buuxda gacanta ugu haya ciidamada Jubaland,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay dowladda Jubaland. “Dhowr maleeshiyaad ah oo ammaanka magaalada khalkhal geliyey ayaa gacanta lagu dhigay, ciidamadeenna waxay ku raad-joogaan kuwa kale oo baxsaday – oo uu ku jiro Cabdirashiid Janan, oo maanta oo Talaado ah yimid diyaarad milateri oo laga soo diray Muqdisho.”
Ilaa hadda ma jiraan warar sugan oo xaqiijinaya khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac, mana cadda in dad rayid ah ay wax ka so ogaadheen dagaalka. Xaalada goobta ayaa weli ah mid kacsan, ganacsigii ayaa xidhmay, waxaana la soo sheegayaa in dadka deegaanka ay ku eg yihiin guryahooda oo aan dibada la joobin, iyadoo laga cabsi qabo in mar kale uu dagaal dhaco.
Dagaalka Beled-Xaawo ayaa xaqiijinaya xiisada sii kordheysa iyo xiriirka aan wanaagsaneyn ee u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah, gaar ahaan gobollada Gedo, halkaasoo iska hor imaadyadan ay halis ugu jiraan in ay sii kala fogaadaan siyaasadda, isla markaana ay wiiqaan dadaallada dib u heshiisiin qaran.
WardheerNews
Leave a Reply