Dadkii ka barkacay Baled Xaawo oo soo noqonaya, xili ay wali magaaladu ku jirto waji collaad

Dadkii ka barkacay Baled Xaawo oo soo noqonaya, xili ay wali magaaladu ku jirto waji collaad

Kismaayo (WDN)- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Baled Xaawo ee gobolka Gedo, oo dhawaan ay ka dhaceen iska-horimaadyo sababay dhimasho, dhaawac iyo barkac badan, ayaa la sheegayaa in dadkii barkacay ay bilaabeen in ay dib ugu soo noqdaan magaalada. Dagaalada ka dhacay Baled Xaawo ayaa u dhaxeeyey ciidamo laga keenay Muqdisho oo ay soo abaabushay DFS iyo kuwa Daraawiishta ee Dowlad Gobolleedka Jubaland, oo horey u joogay magalaada Balat-Xaawo.

Dowlada Federaalka oo dhawaanahanba ka waday abaabulo ciidan gobolka Gedo, sidii ay u gacanta ugu qaban laheyd, halkaasi oo ay kala kulmeen difaac ciidamada Daraawiishta ee Jubaland.

Hase yeeshee, ciidamada Daraawiishta Jubaland, ayaa ka baxay magaalada taasi oo u suurta gelisay in ciidamada DFS, ay soo galaan, iyaga oo aan la kulmin wax iska horimaad ah.

Ciidamada Jubaland ayaa sheeegay in ay dib isugu abaabulayaan sidii mar kale ay gacanta ugu dhigi lahaayeen magaaalada Baled Xaawo.

Dadka ka barkacay magaalada oo isugu jira kuwo ka gudbay xuduuda Kenya, oo tagey magaalada Mandheera iyo kuwo markaasi deegaanada ku dhow Baled-Xaawo ee gudaha Soomaaliya u kacay.

Dadka ku soo noqonaya magaalada oo isuga jira kuwo lug ku soo galay iyo kuwa ka imanaya dageenada fog oo gaadiid ku soo galaya ayaa lagu arkayay magaalada.

Sidoo kale magaalada ayaa lagu soo waramayaa in ay hadda degen tahay, oo ay gacanta ugu jirto DF, balse ay ku jirta jawi dagaal.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.