Ciidamada DFS oo la wareegay Baydhabo

Ciidamada DFS oo la wareegay Baydhabo

Baydhabo (WDN) – Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si buuxda ula wareegay magaalada Baydhabo, oo ah caasimadda ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kadib iska horimaadyo dhex maray ciidamada federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed, wararka ayaa sheegaya in ciidanka dowladda ay gacanta ku dhigeen magaalada isla markaana ay hadda si buuxda u maamulaan Baydhabo.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saraakiisha ammaanka ayaa la sheegay inay ka wadaan magaaalada Baydhabo hawlgallo lagu xasilinayo magaalada laguna sugayo amniga shacabka. Dowladda ayaa sidoo kale shaacisay in dib loo furay waddada muhiimka ah ee isku xirta Baydhabo iyo Muqdisho, taasoo dib u soo celinaysa marin nololeed muhiim ah oo u dhexeeya labada magaalo.

Dad badan oo ka mid ah shacabka ayaa toddobaadkii la soo dhaafay ka barakacay Baydhabo, halka qaar ka mid ah hay’adaha gargaarka ay hakad geliyeen shaqadii iyagoo ka cabsi qabay in dagaallo ka qarxaan magaalada oo u dhexeeya ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka.

Wasiirka Dekedaha ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa ku dhawaaqay in ciidamada dowladda federaalka ay la wareegeen Baydhabo iyagoo aan waxyeello gaadhin shacabka ama burbur hanti. Wasiirku wuxuu sheegay in ciidamada qaranku ay si nabad ah u sugeen goobaha ugu muhiimsan magaalada, “iyadoo aan dhiig daadan, aan waxyeello loo geysan shacabka, isla markaana aan la burburin hanti.” Wuxuu intaas ku daray in kuwa is dhiibay ay ammaan yihiin, wuxuuna ku baaqay in kuwa kale ay hubka dhigaan. “Kuwa is dhiibay waa ammaan, inta kale waa inaysan sii wadin dagaalka,” ayuu yiri.

Wararka ayaa sheegaya in shacabka Baydhabo ay soo dhaweeyeen imaanshaha ciidamada federaalka, iyagoo muujiyay nafis iyo farxad ay ka qabaan in aysan dhicin burbur iyo khasaare naf oo ay hore uga cabsi qabeen.

Dhanka kale, ciidamada dowladda federaalka ayaa la sheegay inay qabteen dhowr dagaalyahan oo la safnaa Laftagareen. Muuqaallo lagu faafiyay internet-ka ayaa u muuqda inay muujinayaan saraakiil dowladda ka tirsan oo u oggolaanaya qaar ka mid ah dadka la qabtay inay ku laabtaan qoysaskooda.

Warqad uu soo saaray Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen, ayaa lagu sheegay in uu magacaabay Ku Sime Madaxweyne: Mudane Axmed Maxamed Xuseen, Wasiirkii Maaliyadda u magcabaaby Ku Sime Madaxweyne.

Madaxweynaha Cabdicasiis Laftagareen, ayaa la sheegay inuu ka baxay magaalada isaga iyo qoyskiisa, inkastoo aan si cad loo ogeyn halka uu u socdo. Ilo-wareedyo ayaa sheegaya inuu raacay diyaarad gaar ah oo hore loo sii diyaariyay, isla markaana laga yaabo inuu u safray deegaano ka tirsan Jubbaland sida Doolow ama Kismaayo. Faahfaahinta bixitaankiisa weli ma cadda, oo ay ku jirto cidda fududeysay. Si kastaba, warar hore ayaa tilmaamayay in ciidamada Itoobiya ay diyaariyeen helikobtar si loogu daadgureeyo haddii xaaladdu kasii darto.

War kale ayaa sheegay in laba wasiir oo ka tirsan Koonfur Galbeed ay isu dhiibeen Ciidanka Federaalka – Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Isaaq Axmed iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Nuur Siidow Baaba.

WardheerNews