Bari: Muruq-maalka Boosaaso oo wajahay shaqo xumo sababtay cunno yari

Bari: Muruq-maalka Boosaaso oo wajahay shaqo xumo sababtay cunno yari

(ERGO) – In ka badan 300 oo xoogsato ah oo ku nool magaalada Boosaaso ayaa wajahaya shaqo la’aan keentay in qoysaaskooda ay dabka shidan waayaan. Waxaa ka mid Mowliid Axmed Cabdi oo cunno u la’ qoyskiisa 23 qof ah.

Arrintan ayaa ka dhalatay tirada sii kordhaysa ee gaadiidka tagaasida iyo wiish-shaash casri ah oo horseeday in shaqooyinkii uu qaban jiray ee xammaaliga ay si tartar-tiib ah ula wareegaan halkii il ee ay ku tiirsanaayeen.

Mowliid ayaa sheegay in tan iyo bishii Maarso ee sanadkan ay galeen xaalad hubanti la’aan ah, taas oo ku qasabtay qoyskiisa inuu miciin-bido dawarsi si ay u helaan cunno hal mar ah maalintii.

“Habeenkii oo kaliya ayaan wax cunnaan. Qado iyo quraac midna ma helno. Intaasna waxaan ku keenaa baryo iyo inaan magaalada dhex galo si dad aan is naqaan igu caawiyaan, kuwaas ayaa midba mar kilooyin cunto ah aan weydiista, sababto ah meelkale oo aan wax ka keeno ma aqaanno. Waa nolol aan tilmaami karin xaaladeeda.”

Mowliid wuxuu ahaa qofka kaliya ee reerkiisa ay ku tiirsanayeen, wuxuu tilmaamay in markii hore uu shaqadiisa ka heli jiray $17 maalintii, taas oo u suuragelin jirtay reerka inay helaan saddex wakhti oo cunno ah, balse hadda wuxuu sheegay in laba bilood gudahood uu hal maalin oo kaliya shaqo helay taas oo ay ka soo gashay $10.

Wuxuu sidoo kale isku dayay inuu gabadhiisa curud oo 16 jir ah u raadiyo shaqo nadaafadeed, hase yeeshee uma helin.

Xaaladda qoyska ayaa sii xumaatay, markii uu hoygoodu noqday labo qol oo jiingad ah oo qadiimi ah, oo aan ka celin karin qabowga iyo kulaylka Boosaaso. Mowliid wuxuu sheegay inuu guriga uga maqan yahay maalintii oo dhan si uu indhaha uga qariyo duruufaha carruurtiisa haysta.

“Waa daremi karta qof aabo ah oo carrurtiisa ay xalay ugu danbeysay waxay cunaan, qado iyo qurac toona helin oo beerka dhulka ku hayo hadaad u tagto waxbuu ka filanaya marka danta kugu qasbeyso.Habeenkii kaliya ayaan guriga ku noqdaa.”

Saddex ka mid ah carruurtiisa ayaa laga soo eryay dugsiga dhamaadkiis bishii Maarso kadib markii uu bixin waayay $60 oo dugsiga looga lahaa. Intaas waxaa dheer deyn gaaraysa $700 oo looga leeyahay dukaamo uu cunno iyo dhar uga soo qaaday labadii ciidood ee u dambeeyay.

Mowliid, oo 31 sano ka shaqeynayay xamaaliga, wuxuu kasoo barakacay magaalada Buula-Burde ee gobolka Hiiraan sanadkii 1992 xilligii dagaalladii sokeeye. Wuxuu sheegay in inta uu shaqeynayay uusan wax keyd ah sameysan.

Qoyska Burhaan oo ka kooban 9 qof ayaa la daalaa-dhacaya helidda cunno hal mar maalintii ah. Wuxuu sheegay in qoyskiisu ay ku tiirsan yihiin deyn joogto ah oo uu raashin uga soo qaato dukaamo ay horey macmiil ugu ahaayeen, hase yeeshee mararka qaar waa loo diidaa, taasina waxay ku qasabta inay cunno la’aan joogaan.

Burhaan wuxuu horey uga shaqayn jiray shaqo xamaali ah oo uu ka heli jiray $50 maalintii marka ay shaqo jirto. Hadda wuxuu sheegay in mar kasta uu suuqa tago uu ugu badnaan ka helo $2 illaa $3, taasoo aan waxba ka tarin baahidooda, isagoo sheegay in ay hadda ku nool yihiin nolol u dhaxeysa deyn iyo rajo.

‘’Qoyskaygu qamadi iyo digir la isku daray ayay dabka saartan oo ay cunaan labo mar ah maalinkii inta ay keydsadan. Markii horrana bahidooda waan ka aadka lakiin hadda maya. Xita waxaa igu adkaatay inaan ciyalkeyga ciidsiiyo ciidkii u danbeeyay oo waan awoodi wayay, hadda deyn deyn ku gud baan taaganahay.”

Wuxuu sidoo kale sheegay in 10-kii bishan uu ka rajeynayay in hay’adda WFP ay ka caawiso raashin, balse loo sheegay in aan qoyskiisa lagu darin liiska qoysaska la diiwaangeliyay.

Dhibaatada kale ee qoyska Burhaan heysata waa biyo yari. Maalin kasta waxay lacag ku iibsadaan hal jirgaan oo biyo ah oo laga siiyo $0.1, taas oo ay mararka qaar awoodin, iyadoo sidoo kale qoyskiisa oo barakac ku ah xerada Girible 1 ee magaalada Boosaaso ay ku noolyihiin hal qol oo ah buul ka sameeysan baco iyo ulo la-isku-geeyay, kaas oo ka celin karin qorraxda maalinkii iyo qabowga habeenkii.

Wuxuu gocanaya inuusan heli karin lacag uu dib ugu dayactiro, maaddama uu sheegay inay sameeyeen roobobkii gu’ga ee magaalada ka da’ay bartamihi bishii shanaad.

“Roobkii Gu’ga baa baabi’iyay maradii hooyga noo saarneyd. Waxaan ku noolahay meel danta igu qasabtay inaan guri ka dhigano, balse runtii lama oran karo waa hoy. Nin maro deggan wad garan karta xaalkiisa, waagii hore waan dhisan-jirnay oo guri qurxan baan ka dhigan jiray lakiin hada ma dhisan karo oo ma awoodno.”

Ragga muruq-maalka ah ayaa weli ku arkeysa bakhaarada ku yaala bartamaha magaalada, Boosteejooyinka laga raro gawaarida u baxda goboladda iyo meheradaha ka soo horjeedda dekedda weyn ee Boosaaso. Qarkood ayaa kartoomo ay ku jiifsadaan hor dhigtay goobahan si haddii xamaal loo bahdo aan looga hormarin.

Cabdilaahi Maxamed Shire, oo 51 jir ah, wuxuu sheegay inuu hadda maalintii oo dhan derbiyada suuqa iska fadhiyo isagoo sugaya shaqo xamaali ah oo aan imaan. Wuxuu ku tiirsan yahay wixii uu ka helo dad ay saaxiibo iyo qaraabo yihiin oo ku caawiya wax ay hal mar dabka saartaan.

“Aniga Aabahay oo waayeel xanuunsan ah baan gacanta ku haya, magaalada haddan ka bixi lahana kama tagi karo, dad saaxiibaday oo qaraabana aan nahay baan saddexda waqti naagu caawiyo waxaan cunno. Mar marka qaar bad heleysa hal qof oo aad alab u qaado oo aad hal dollar ka hesho, hal dollar-na waxbo nooma goysaa.”

Aabbihiis oo waayeel ah, kana cabanaya cudurrada dhiig-karka iyo macaanka oo ay dhaqatirta ku sheegeen ayuu gacanta ku haya, balse ma awoodo inuu u soo iibiyo dawo. Wuxuu sheegay in horey uu u heli jiray $30–$40 maalintii, balse hadda uu bilaa shaqo yahay.

Wuxuu gocanaya in shaqadan oo il dhaqaale u ahayd muddo labaatan iyo sideed sano ah ay mar qura meesha ka baxday. Wuxuu xusay inuusan heyn xal kale oo uu noloshan uga samatabixiyo aabihiis, sido kalana uusan laheyn xirfad kale uu ku shaqeeysto. Wuxuu sheegay in xaaladan oo kale uusan horray ula kulmin.

“Rag Probox wata baa suuqa yimaaday, iyaga la siyaa shaqadii annaga aan heli jirnay. Waxaan arkaa shaqo la’aan baahsan iyo kuleyl magaalada ka jira. Weligay lama kulmin xaalada noocaan ee baagamuudanimada ah, waxaan ka shaqeysan jiray bakhaarada suuqa oo aan ku noola.”

Cabdilaahi wuxuu kasoo barakacay Muqdisho sanadkii 1993, isagoo sheegay in dagaalladii sokeeye ay ka saareen shaqadii xamaali ee uu ka qaban jiray suuqa Bakaaraha.

Xigasho: Radio Ergo

Leave a Reply

Your email address will not be published.