Mogadishu (WDN) – Iyadoo hoggaanka siyaasadda Soomaaliya uu weli ku mashquulsan yahay ismariwaaga daba dheeraaday ee dastuurka iyo doorashooyinka, Al-Shabaab ayaa mar kale muujinaysa awood walaac leh oo ay ku qaadi karto weerarro gobollo badan oo dalka ah. Taas oo dhalisay su’aalo ku aadan qalalaasaha siyaasaddeed in uu siinayo fursado halis ah.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo gobolka Hiiraan, dagaal culus oo socday in ka badan 48 saacaddood oo u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa ku dhammaaday iyadoo Al Shabaab la wareegtay gacan ku haynta deegaannada istaraatiijiga ah ee Teedaan, Suulaay, iyo Xasan Raqay, kadib markii ciidamada dowladda ay sameeyeen waxa saraakiishu ku tilmaameen dib-u-gurasho xeeladaysan.
Dagaalladan ayaa ka mid ahaa kuwii ugu xoogganaa ee la soo sheegay bilihii u dambeeyay. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in boqolaal ka tirsan labada dhinac ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen, iyadoo la rumeysan yahay in Al-Shabaab ay la kulantay khasaare culus. Si kastaba ha ahaatee, tirada khasaaraha si madax-bannaan looma xaqiijin.
Ilo militari ayaa guul-darrada dowladda qayb ahaan ku sababeeyay khilaaf la sheegay inuu soo kala dhex galay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda, kuwaas oo iskaashigoodu uu laf-dhabar u ahaa guulihii hore ee dagaalka lagula jiray Al Shabaab bartamaha Soomaaliya. Iskaashiga iyo wadashaqeynta oo burburtay ayaa la sheegay inay wiiqday difaacyada dowladda xilli aad u xasaasi ah.
Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa la sheegay inay xoojisay weerarkeeda iyadoo kumannaan Maleeshiyo dheeraad ah ka soo daadgureysay gobollo kale oo dalka ah, taas oo mar kale muujisay awoodda ay u leedahay inay si degdeg ah u dhaqaajiso ciidamadeeda isla markaana ay dagaallo ka waddo jihooyin badan isku mar.
Koox Ka Dagaallamaysa Jihooyin Badan
Falanqeeyayaasha amniga ayaa sheegaya in dhacdooyinkan ay muujinayaan isbeddel ballaaran oo sii adkaanaya in la iska indho tiro. Inkasta oo muddo badan ololey military, taageero caalami iyo dhawaaqyo isdaba joog ah oo dowladda ka soo baxay ay sheegeen in Al-Shabaab laga adkaanayo, haddana kooxda ayaa sii wadday inay muujiso xeeladdo hawlgal oo aad u sarreeya. Waxay si joogto ah u caddeysay inay awood u leedahay inay weerarro isku mar ah ka fuliso dhowr Dowlad-Gobolleedyo, iyadoo isla mar ahaantaana sii wadday cadaadiska ay ka waddo xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Awoodda ay u leedahay inay xoojiso dagaallada Hiiraan iyadoo weliba sii wada hawlgallada gobollo kale ayaa ka tarjumaysa heer abaabul, saadka iyo talis oo weli caqabad weyn ku ah ciidamada ammaanka Soomaaliya.
Siyaasadda iyo Amniga oo Isku Milmay
Weerarrada cusub ee Al-Shabaab ee furimaha dagaalka ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay ku jirto mid ka mid ah qalalaasayaashii siyaasaddeed ee ugu qotada dheeraa sannadihii u dambeeyay.
Dowladda Federaalka iyo mucaaradka ayaa weli isku haya arrimaha doorashooyinka, wax-ka badelka dastuurka iyo sharciyadda hay’addaha qaranka. Xiriirka u dhexeeya Muqdisho iyo dhowr Dowlad-Gobolleed ayaa sidoo kale sii xumaaday, taasoo xaddidaysa jawaabta mideysan ee ay khubarada amnigu aaminsan yihiin inay lagama maarmaan u tahay jabinta Al-Shabaab.
Dadka dhaliila dowladda ayaa ku dooddaya in iska horimaadka siyaasaddeed ee daba saameeyay qorshayaashii iyo dhaqaalihii loogu talagalay la dagaallanka argagixisada xilli Al-Shabaab ay dib isu abaabulayso isla markaana ka faa’iidaysanaysa duruufaha cusub.
Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa sidoo kale ku dooddaya in murannada la xiriira iibinta dhulka danta guud ee Muqdisho, oo ay sheegeen inay sababeen barakaca boqolaal kun oo qof, ay sii kordhiyeen culaysyada bulsho iyo dhaqaale. Waxay ka digayaan in barakaca baahsan, shaqo la’aanta iyo kalsoonida shacabka ee hay’adaha dowladda oo sii daciifaysa ay abuuri karaan xaaladdo ay kooxaha xagjirka ahi uga faa’iideystaan qorista xubno cusub, inkastoo baaxadda saameyntaasi ay weli adag tahay in si sax ah loo cabbiro.
Walaac Istaraatiiji ah oo Sii Kordhaya
Falanqeeyayaal badan oo la hadley WardheerNews ayaa sheegay in dagaanada Hiiraan ay ku badan yihiin luminta dhowr deegaan oo miyiga ah, oo Al Shabab dib u qabsatay. Waxay ka tarjumayaan walaac sii kordhaya oo ah in kala qaybsanaanta siyaasaddeed ee Soomaaliya ay bilaabayso inay burburiso guulihii militari ee si dhib badan loo gaaray sannadihii la soo dhaafay.
Iyadoo hay’addaha dowladda ay weli ku mashquulsan yihiin khilaafaadka siyaasaddeed, Al-Shabaab waxay u muuqataa inay doonayso inay muujiso awood, dhaqdhaqaaq iyo inay ka faa’iidaysato fursad kasta oo ka dhalata kala qaybsanaanta ka dhex jirta cidda la dagaallamaysa.
In guulaha ugu dambeeyay ee kooxda ay noqon doonaan kuwo ku meel gaar ah ama ay muujinayaan isbeddel weyn oo ka dhacay furimaha dagaalka weli waa arrin la sugayo. Waxa sii caddaanaya, si kastaba ha ahaatee, ayaa ah in dhibaatooyinka amniga iyo siyaasadda Soomaaliya aysan hadda ahayn laba caqabad oo kala go’an. Mid kastaa wuxuu sii xoojinayaa kan kale.
Haddii aan dib loo soo celin is-afgarad siyaasaddeed oo qaran, isla markaana hawlgallada militari lagu lammaanin maamul iyo dowladnimo waarta, khubaradu waxay ka digayaan in Al-Shabaab ay sii wadi doonto ka faa’iidaysiga kala qaybsanaanta, dibna u soo ceshan doonto saameynteeda deegaannadii hore looga saaray.
WardheerNews

Leave a Reply