Wednesday, January 22, 2025
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Afgooye: Beeraley nolol maalmeedka qoysaskooda ku maareeya dallaalnimo, deyn iyo xoogsi markii ay biyo u waayeen tacbashada khudaarta

Ganacsato cabasho ka muujiyay baaritaano ay kala kulmaan jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye
Sawir kayd/Ergo

Roob yarida iyo webiga oo biyo yareeyay ayaa sababay in qaar ka tirsan beeraleyda degmada Afgooye ay ku adkaato inay abuuraan khudaarta u baahan biyaha badan. Waxay saamayn ku yeelatay dhaqaalihi soo gali jiray qoysaska ku tiirsaaa beeraha, inkastoo ay jiraan beeraley ceelal qotay oo beertay dalagyo khudaar ah.

Cisman Axmed Qaasim oo qoyskiisu ka kooban yahay sagaal qof oo toddobo carruur tahay ayaa sheegay in beer laba hiktar ah oo ku taalla deegaanka Jambaluul uusan abuurin toddobadii bil ee la soo dhaafay. Sababta ayuu ku sheegay in uu waayay biyo uu ku waraabiyo, isla markaana uu awoodi waayay in uu ceel qoto.

“Waligeyba beeraley ayaan ahaa, ganacsi iyo howl kale maba aqaani. Waxaan beeri jirey karootada, bagalka iyo ansalaatada. Marka laga reebo qarashaadka abuurka, lacagta shaqaalaha iyo waraabka, celcelis ahaan waxaan ka heli jiray kun iyo sideed boqol ilaa laba kun oo dollar,” ayuu yiri Cismaan.

Cismaan ayaa markii uu waayay dhaqaalihi ka soo gali jiray beerta wuxuu billaabay shaqo dallaalnimo ah si uu u maareeyo nolasha qoyskiisa. Wuxuu xoolaha u kala iibiya dadka xoolaha leh iyo kuwa doonaya inay iibsadaan.

Wuxuu ka helaa lacag dhan 20 doollar maalmaha Arbacada iyo Sabtida ah oo ah labada maalmood ee suuqa magaalada Afgooye la keeno xoolaha. Lacagtan ayuu ku bixiyaa cuntada iyo waxbarashada mid ka mid ah labo wiil oo dhigta dugsiga sare oo 12 doolar ah. Cismaan ayaa sheegay in wiilka kale uu maamulka iskuul ka codsaday inay u sii wadaan waxbarashada oo ay dib ka bixin doona lacagta.

“Dallaalkaas oo suuqa ariga wixii aan ka soo qaraabto oo dadka aan is garanayo ariga ay keensadaan ayaan dallaalaa oo aan ka qaataa xoogaa lacag,” ayuu yiri Cismaan.

Cismaan oo carruurtiisa uu ugu wayn yahay 14 jir ayaa shaqadan wada muddo afar bilood ah.

Kamaal Axmed Maxamed oo tabcan jiray beer shan hiktar ah oo ku taalla tuulada Bangaley ayaa sheegay in marki uu dhammaaday kaydkii dhaqaale ee uu haystay uu hadda qoyskiisa ku nool yahay lacag deyn ah.

“Afartii bidood ee ugu horreysay waxaan isticmaaleynay waxyaabaha ka harey beerta laakiin hadda waxaan isticmaalaa lacag deyn oo maalin walba sii badaneysa, ayaan ciyaalka iskuulkooda iyo raashiinka guriga ku bixiyaa,” ayuu yiri Kamaal.

Xilligi uu beertiisa falan jiray waxaa ka soo gali jiray dhaqaale gaarayay shan kun oo dollar sanadki. Waxaa beertiisa ka bixi jiray khudaar noocyo kala duwan ah sida yaanyada, barbarooninga, koostada, basha iyo kuwa kale oo loo iibgayn jiray suuqyada magaalooyinka Afgooye iyo Muqdisho.

“Carruurta iskuulka way u lugeeyaan. Waagi hore baabuur ayaan saari jiray oo lacag ayaan ka bixin jiray, waxaan kaloo siin jiray lacag ay wax ku gataan marka bareegga loo soo baxo. laakiin hadda ma hayo,” ayuu yiri Kamaal.

Carruuta oo sedex wiil ah oo 12 jir ugu waynyahay ayaa laba saac ay qaatadaa inay u lugeeyaan iskuulka maalin walba.

Webiga Shabeelle oo bishi sideedaad ee sanadkan biyo keenay ayaa beeralayda qaar waxaa ku adag inay dib u abuuraan dalagyo maadaama aysan haysan dhaqaale ay ku soo iibsadaan abuurka.

Ibraahim Cabdullahi Cabdi oo beer 3 Hektar ah ku leh tuulada Gaalwore oo Afgooye u jirta 3 kiilo mitir ayaa Radio Ergo u sheegay in uusan tabar u aheyn in uu wax beerto, Sababta ayuu ku sheegay in uusan haysan lacag uu ku soo iibsada abuurka dalagyada uu u baahan yahay, wuxuu isku dayay in uu deyn raadsada laakiin ma helin. Wuxuu naawilayay in uu ka faa’ideysto webiga.

“Waxaa la rabaa abuur iyo qarashaad kale mana hayo. Deyn waan soo waayay qof wax ku siinaayo ma lahan halka gasac ee abuukra karootada konton dollar ayuu joogaa, galley lee heli karaa halkoo suus iska abuuranaa,” ayuu yiri Ibaarihim.

Ibraahim ayaa sheegay in hadda u shaqo tago dhismayaasha oo uu ka xamaasho, wuxuu qabtaa in fuudiyaasha uu ka caawiyo in uu u geeyo ciidda iyo shamiitada. Shaqadan maaha mid joogta ah, marka uu helo waxaa ka soo gasha ugu badnaan shan dollar.

“Waan isku filaa. Beer wayn oo waraab ah ayaan leeyahay. Xaaskeyga ayaa khudaarta gadan jirtay oo haddii Afgooye raqiis ku noqoqto Xamar ayay u iibgeyn jirtay, laakiin nasiib darro ayaa nagu dhacdey. Waxaan iska raacaa dadka dhismaha ka shaqeeyo,” ayuu yiri.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2025 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.