Waa Maxay Waxa Guusha Zohran Mamdani Muhiimka ka Dhigaya?

Waa Maxay Waxa Guusha Zohran Mamdani Muhiimka ka Dhigaya?

W/Q Tilmaame Guutaale

Ilmihii dhashay sannadkii 2001-dii, maanta waa afar iyo labaatan jir. Sharciga iyo dastuurka Maraykankaba qofkaasi waa codayn karaa doorosho walba, si kale, waa qof qaangaadh ah. Intiina xasuusata, rubuc qarni baa laga joogaa markii labo diyaaradood isku qarxiyeen xarunta ganacsiga adduunka (World Trade Center) ee magaalada New York, dalka Maraykanka. Waxa ay ahayd maalin madow oo argagax ku abuurtay dadka Maraykanka, si gaar ah dadka reer New York. Waxaa dhintay kumanaan ruux, waxaa gebi ahaanba burburay dhismayaashii iyo rikaabkii diyaaridihii kooxda arggagixisada soo afduubateen.

Weeraradaas argagaxa abuuray, wax ay beddeleen siyaasadda arrimaha dibedda ee Maraykanka, amniga safarada diyaaradaha iyo amniga gudaha ee dalka Maraykanka. Dowladda Maraykanku waxa ay iclaamisay dagaalka argagixisada (War on Terror), kana bilaabmaya kooxda Al-Qaacida. Kooxdii sheegatay weerarka. Madaxwayne George W. Bushna waa tii uu yidhi: “Either you are with us or you are with the terrorists”. Intaas kaddibna weerar ku qaaday Al-Qaacida, Afghanistan, Ciraaq iyo meelo kale oo bariga dhexe ah.

Sida ay tabisay wargayska New York Times kitaabka Quraanka ayaa noqday buugga loogu iibsiga badan yahay magaalada New York, goobaha lagu iibiyo buugta. Dadka iibsanaya buugga ujeedkoodu waa sida uu ku doodday Professor Mahmuud Mamdani in ay kitaabka ka ogaadaan Muslimka isqarxiyey, waxa dhiirigaliyey oo ku kalifay in ay naftooda iyo kumanaanka kaleba haligaan. Sidaas si lamid ah muslimtiina ku nool magaalada New York ayaa dhibane noqday. Waxaa la soo daristay cabsi daran, diintooda darteed. Waxa ay bilaabeen in ay si walba hoos ugu dhigaan wax walba oo muujinaya in ay Muslim yihiin, si aanay naftoodu halis u galin. Nacayb iyo cunsuriyad darteed.

Waxaa suuq fiican helay afkaartii Professor Samuel Huntington ee uu ku soo bandhigay buuggiisa, “The Clash of Civilizations”, dhammaadkii qarnigii labaatanaad, kaddib markii Sofiyeedka lagu jabiyey dagaalkii qaboobaa. Jabkii Soofiyeedka kaddib mufakiriinta reer Galbeedku. waxa ay is-waydiiyeen: adduunku dhankee u jihaysanayaa, haddii la jabiyey awoodda kaliya ee la tartamaysay Maraykanka? Francis Fukuyama buuggiisa: “The End of History”, waxa uu ku doodday in tadawurka afkaaraha dowladnimada uu dhammaad yahay, aragtida xorta ah ee dimuqraadiyadda iyo suuqa hantigoosadku (Liberal democracy and Market Capitalism) yahay nooca u danbeeyey ee dowladnimada. Si kooban waa in la isugu yimadaa nidaamka maamul iyo dhaqaale ee reer Galbeedka.

Samuel Huntington waa khilaafay Francis Fukuyama, waxa uuna ku doodday dagaalka soo socdaa waa mid u dhaxayn doona reer Galbeedka oo Kiristan ah hoggaaminayona Maraykanku iyo dunida Islaamka ah. Waxaa  raacaya Shiinaha, waxa uuna u bixiyey labadaas xadaaradood oo caqabad ku noqon doona xadaaradda Maraykanka, Challenger Civilizations. Ugu yaraan waxaa la oran karaa 9/11 kaddib, aqalka cad ee looga arrimiyo Maraykanka iyo sameeyaasha siyaasadda Maraykanku waxaa saamayn wayn ku yeeshay doodda Samuel Huntington iyo ninka uu ka soo qaatay ciwaanka uu buuggiisa siiyey ee The Clash of Civilizations, mudane Bernard Lewis, kaas oo qudhiisu qoray sannadkii 1990 maqaal uu ugu magac daray: “The Roots of Muslim Rage”.

Rubuc qarni kaddib waxaa saaxada siyaasadda ee magaalada New York ka soo baxay si lama filaan ah Zohran Kwama Mamdani, kaas oo noqday muslimkii, Uganda-Hindigii, Democratic socialistgii, ugu horreeyey ee mayor ka noqda magaalada New York tan iyo markii ay yeelatay mayorkii ugu horreeyey sannadkii 1665, New York, magaalada dhaqanka (Cultural), magaalada ugu dadka badan magaaloyinka Maraykanka, taas oo lagu qiyaaso 8.4 milyan, magaalada ugu hodonsan dalka Maraykanka maaliyad ahaan (Financially). Magaalada ugu badan ay ku nool yihiin Yuhuudu marka laga yimaado Israel. Magaalada ugu maalqabeenka badan dunida, milyaneeriska magaaladaas ku nool waa 340, 000 oo qof; bilyaneeriska waxaa lagu sheegaa sida Forbes tabisay 84 qof.

Markii qaraxyadu ka dhacayeen magaalada New York sannadkii 2001-dii Zohran Kwama Mamdani waxa uu jiray sagaal sanno, labo sanno oo kaliyana waxa uu joogay magaalada New York iyo dalka Maraykanka. Isaga iyo qoyskiisu waxa ay ka soo diga rogteen South Africa, halkaas oo ay uga soo guureen Uganda. Zohran waxa uu ku dhashay magaalada Kampala ee dalka Uganda. Asal ahaanse waa Uganda-Hindi. Aabbihii waa Professor Mahmuud Mamdani oo ka tirsan jaamacadda Colombia. Xorriyadii Uganda kaddib, dowladda Maraykanka ayaa deeq waxbarasho siisay dhowr iyo labaatan qof oo reer Uganda ah. Mahmuud Mamdaani waxa uu kamid noqday ardaydii helay deeqdaa waxbarasho. Waa qoraa, waa mufakar culus, waa indheergarad, waana critic aad u naqdiya siyaasadda, dhaqanka, gumaysiga iyo Imbiraadooriyadda (Empire) Galbeedka, si gaar ah Marakaykanka. Buugtiisana waxaa kamid ah: “Good Muslim, Bad Muslim: America, the Cold War and the Roots of Terror”. kaas oo soo baxay dhowr sanno kaddib qaraxyadii New York. Zohran hooyadii, Mira Nair, waa film sameeya saamayn leh, bilado dhowr ahna ku guulaysatay.

Marka aad aragtid aqoonta, wacyiga, aftahannimada, burjiga (Charisma), luuqadaha badan ee uu ku hadlo, sida uu u degan yahay xilliga culaysku jiro, qorshahiisa siyaasaddeed, labiska, dhoolacadaynta iyo dhexgalka dadka ee Zohran Mamdani waxaad dareemaysaa saamaynta hooyadii iyo aabbihii ku yeeshaan. Sannad ka ka hor markii uu shaaciyey in uu u sharraxan yahay Mayorka magaalada ugu muhiimsan Maraykanka, waxaa ka dhashay guux badan, waxa ay abuurtay argagax (Panic). Sababta oo ah ma ahayn wax xagjirku, jeebwayntu iyo Israel ba filanayeen in uu soo bixi doono nin noocaas ah.

Zohran waxaa markiiba khatar u arkay xagjirka cadaanka ah ee uu oday u yahay madexwaynaha Maraykanka Donald Trump laguna magcaabo Make America Great Again (MAGA), sababtuna waa nin Muslim ah, dhaqaale ahaan u janjareera afkaarta Bernie Sanders ee Democratic Socialist, sida oo kale waa nin critic ku ah maalqaabeenka magaalada New York oo doonaya in uu canshuur ku soo rogo, nin si dhab ah u raba in loo matalo dabaqadda xoogsatada ah (Working Class) iyo si lamid ah nin si bareer ah uga soo horjeeda siyaasadda ay Israel ku wado dadka reer Falastiin. Geesinimadiisuna waxa ay ka yaabisay dad badan markii uu yidhi: “Haddii raa’isul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu yimaado magaalada New York waan xirayaa, aniga oo u hoggaansamaya amarka Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (International Criminal Court). Inkasta oo Maraykanku aannu qayb ka ahayn saxiixayaasha maxkamaddaas.

Sida oo kale, waxaa dagaal la galay xisbigiisa dimuqraadiga gaar ahaan garabka Establishment-ga, kuwaas oo khatar u arka afkaaraha dhaqaale iyo siyaasaddeed ee Bernie Sanders. Garabkan waxa ay ka haajireen afkaartii asaaska u ahayd xisbiga dimuqraadiga ee Maraykanka oo salka ku haysay in xisbigu matalo dabaqadda dhexe ee xoogsatada ah, dadka awoodda iyo dhaqaalaha ka fog, waxa ayna u gacan galeen dabaqada jeebwaynta ee burjuwaasiyiinta (Oligarchy). Malcom X been ma sheegin markii uu buugga xusuuq qorkiisa ee uu Alex Haley uga warramay uu ku yidhi: “Maraykanka siyaasaddiisa waxaa maamula koox danlay gaar ah (Special-interest block) iyo kooxaha wax u ololeeya (Lobbies). Waxaa sida oo kale dagaal bareer ah la galay qayb warbaahinta waa wayn ee Maraykanka, sida: New York Times, The Wall Street Journal iyo Fox news.

Qolooyinka jeebwaynta ah ee u ololeeya arrimaha Israel ayaa iyaguna la galay dagaal aan kala joogsi lahayn. Waxa xiisaha leh waa, sida ay The Times of Israel daabacday, daraasad ay samaysay Zenith Research and Public Progress Solution 43% dadka Yuhuudda ee magaalada New York ayaa taageeray Zohran Kwama Mamdani, 67% dadkaasi da’doodu waxa ay u dhaxaysaa 18 ilaa 44. Koox kalena waxa ay sameeyen Jews for Zohran, iyaga oo u ololaynaya Mamdani. Dhowr sanno ka hor waxa ay ahayd arrin aan la filanayn. Waa astaan muujinaysa isbeddelka ka dhacay magaalo ay khasab ahayd qofka mayorka ka noqonaya in uu jeclaado Israel.

Guusha Zohran maaha mid ku timid dariiq sahlan, waxa uu la kulmay cunsuriyad aan kala joogsi lahayn, sida: diintiisa, dhaqankiisa, sida uu wax u cuno iyo halka uu ka soo jeedo. Sida oo kale waxa uu la kulmay hanjabaado dil, taas oo ku khasabtay in la kordhiyo ilaalidiisa gaarka ah. Halkii lagala dooddi lahaa ajandihiisa siyaasaddeed waxaa lagu mashquulay in shakhsiyadiisa la dilo (Character assassination), waxaa lagu shaanbadeeyey shuuci aan biyo ismarin (Pure Communist) oo marka Maraykanka la joogo canbaar wayn ah. Waxaa lagu shaanbadeeyey in uu Yuhuudda neceb yahay (Antisemitism) oo iyaduna ah shaanbad wayn oo lagu dhufto marka dunida Galbeedka la joogo qofka la diidan yahay. Haddii aan la dilin sidii Malcom X iyo Martin Luther King, waxa uu qofku la kulmi karaa magac dil, cunsuriyad iyo hanjabaad sida Zohran Mamdani.

Waxa ayse ugu darnayd, caado dhaafna la oran karaa, dad badanna la yaab ku noqotay markii nin asal raac ah barnaamij uu martigaliyo, Andrew Cuomo oo ah ninka la tartamaayey Zohranna lagu martiqaaday, kaddibna barnaamijka ninka xiriirinayay yidhi: “Haddii qaraxyo kale oo lamid ah September/11 dhacaan Zohran Mamdani waa u dabaaldegayaa”. Cuomo waa u riyaaqay, kuna raacay hadalkaas. Waxaana uu yidhi: “Waa dhibaato kale”. Bishii tobnaad Cuomo waxa uu yidhi: “ilaahay kama dhigee, mar kale iyo 9/11 bal sawiro Mamdani oo mayor ah”.  Mayorka uu beddelayo Zohran, ninka lagu magcaabo Eric Adams ayaa isaguna yidhi: “Ma oggolaan karno in magaalada New York noqoto Yurub”. Isaga u duurxulaya mayorka magaalada London, Sadiiq Khan, oo isaguna ah nin muslim ah. Sidaas si lamid ah Eric waxa uu Zohran barbardhigay kooxo argagaxiso ah. Marar badanna waxa ay Zohran Kwama Mamdani ku dhaleeceeyeen in uu taageero kooxaha jihaad doonka caalamiga ah.

Balse, Zohran dib uma laaban, ma niyad jabin, iskumana dhiibin kooxaha isku bahaystay oo runtii Maraykanka siyaasaddiisa maamula, mana raalli-galin. Waxa uu yidhi: Riyada qof walba oo Muslim ah oo reer New York ah waa in loola dhaqmo sida qof walba oo kale oo reer New York ah. Mudose waxaa naloo sheegayey in aanan dalban xuquuqdaas, kuna qanacno waxa yar ee nagu soo hagaaga. Ma sii soconayso. Waxa uu hadalkiisa ku soo koobay: “Ma beddeli doono qofka aan ahay. Sida aan wax u cuno iyo diintayda aan ku faano in ay taydii tahay. Waxaase jira hal shay aan beddeli doono. Kuma sii jiri doono hoosaynta, cabsida, shakiga iyo qarinta naftayada. Waxaan u soo bixi doonaa iftiinka iyo bannaanka.”

Waa geesi aan aqoon in dib loo laabto, waa mar la’arag siyaasadeed (a generational political talent), waa nin hadalkiisu cad yahay, waa hoggaamiye burji leh (Charismatic leader) waa aftahan aan waxba laga laqin, waana fariid aan dabin loo dhigi karin, waa nin qab leh, waana qiyam, waa nin feejigan,waa nin mabda’ u saaxiib ah. Waa nin garanaya waxa uu doonayo, cida uu ka doonayo iyo sida uu u doonayo. Muddo hadda laga joogo lixdan sanno in ka badan Malcom X waxa uu yidhi: “Haddii aadan diyaar u ahayn in aad u dhimato, xorriyaddaada ka saar eraygaa qaamuskaaga”.

W/Q Tilmaame Guutaale
Email: tilmaame2017@gmail.com