Taariikhda Waxbarashadii Soomaaliya

Taariikhda Waxbarashadii Soomaaliya

W/Q Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan

Gumaysiga ka hor

Maqaalkani wuxuua billow u yahay maqaallo dhowr ah oo aan uga hadli doonno taxanaha taariikhda waxbarashada Soomaaliya labadii qarni ee la soo dhaafay. Wuxuuna qeyb ka yahay daraasad kooban oo aan ku soo ururiyay buug aan cinwaankiisa ka dhigay: “Waxbarashada Soomaaliya—shalay, maanta iyo berri.” Wixii talo ah ama falcelin iyo sixid ah, waad ila wadaagi kartaan idinka oo mahadsan.

Xaaladda waxbarashada Soomaaliya ee maanta, haddii ay ahaan lahayd faa’idooyin iyo guulo laga gaaray iyo haddii ay ahaan lahayd khasaaro iyo dib u dhacba, waxaa raad weyn ku leh waaya aragnimadii laga dhaxlay nidaamyadii waxbarasho ee uu dalku soo maray labadii qarni ee ugu dambeeyay. Waxaa la isku raacsan yahay in taariikhda waxbarashada dalku gaar ahaan xagga dhaqanka, fikirka iyo aragtida iyo xagga cilmigaba ay ka soo dhimbil qaataday oo ay salka ku hayso saddexdan falsafadood:

1) Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed
2) Caqiiddada Islaamka, taas oo ay Soomaalidu aaminsan yihiin
3) Dhaxalkii gumesystayaashii reer Yurub ee dalka soo gumesytay

Haddii la doonayo in si dhab ah loo fahmo xaaladda waxbarashada dalka ee waqtigan maanta la joogo, waxaa lama huraan ah in si gun dheer oo cilmiyeysan la isugu xiro sooyaalka taariikheed iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay waxbarashadu soo martay iyadoo loo kala qaybinayo waqtiyo cayiman si ay taariikhdu tilmaan uga bixiso waqtiyadaa kala duwan; sidaa daraaddeed waxaan taxanaha taariikheed u kala qaadaynaa shan marxaladood oo kala ah:

a) Xilligii gumeysiga ka horreeyay (Intii ka horreysay 1890kii)
b) Xilligii Gumeysiga (1890—1950kii)
c) Xilligii xornima gaarsiinta iyo dowladdii rayidka ahayd (1950—1969kii)
d) Xilligii dowladdii milliteriga ahayd ee xukunka dalka xoogga ku qabsatay (Oktoobar 1969—Jannaayo 1991kii), iyo
e) Intii ka dambaysay 1991kii ee ay billowdeen dagaallada sokeeye ilaa iyo waqtigan maanta la joogo.

Waxaa la rumeysan yahay in ilbaxnimada Soomaalida ay ku keydsanayd kuna waartay oo ku badbaadday dhaqanka iyo Suugaanta, maxaa yeelay Soomaalidu waa dad ku tilmaaman aftahnnimo, hadal iyo hawraarna uu Eebbe ku mannaystay, lehna luqad hodan ah oo tix iyo tiraab leh. Afka Soomaaliga ayay aqoonta isugu gudbin jireen, haddii ay ahaan lahayd, hadal, hees, heello, hawraar, gabay, geeraar, guurow, maanso, masafo, maad, maahmaah, buraanbur iyo sheeko xariir. 

Si qoto dheer halkan looguma soo bandhigi karo taariikhdaa dheer iyo sida jiilashii hore ay aqoonta u kala dhaxleen, laakiin waxaa muhiim ah in aan wax ka soo qaadanno. Xaqiiqdu waxay tahay in Waxbarashada Soomaalida intii ka horreysay xilligii gumeysiga, ay diinta Islaamku asal u ahayd. Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa ay waxbarasho u doonan jireen dalalka ku teedsan labada dhinac ee badda cas ee aan deriska nahay, kuwaas oo dalka dib ugu soo laaban jiray iyagoo soo bartay aqoon diini ah, aqoon maaddi ah iyo iyagoo haysta waaya aragnimo iyo wacyi sare, waxayna fure u noqdeen soo gelitaanka dariiqooyinkii suufiyada oo ay ugu waaweynaayeen Saalixiyada iyo Qaadiriyada. Waxay keeneen hannaan cusub oo dadka wax lagu baro gaar ahaan diinta Islaamka, kaas oo ah cibaadeysi nashaad huwan oo tix ama hees ahaan loogu luuqeynayo, iyagoo is dhex geliyay dhaqanka Soomaalida iyo diinta Islaamka isla markaana dhisay xarumo lagu barto diinta islaamka, si nidaamsanna u abaabulay dadka oo ka dhigay jameecooyin dan-wadaag ah oo meel wada deggen, taasoo iyadana meesha ka saaraysa ku dhaqanka qabiilka.

Marka aan ka hadlayno taariikhda waxbarashada Soomaalida ee ka horreysay xilligii gumeysiga, waxaa muhiim ah oo loo baahan yahay in la xuso xarumihii faca weynaa ee barashada islaamka sida Baraawe, Muqdisho iyo xaruntii Saylac, kuwaasoo ina tusaya oo daliil u ah in waxbarashada Soomaalidu, heerkii la doono ha noqotee ay ka horreysay gumeystayaashii Talayaaniga iyo Ingriiska ee dalka ku soo duulay ku dhawaad laba qarni horteed, isla markaana ay Soomaalidu lahaayeen nidaam waxbarasho oo maxalli ah oo ay iyagu samaysteen.

Waxbarashadii xilligii gumeysiga

Biritish Soomaalilaand

Nidaamka casriga ah ee waxbarashada dalka Soomaaliya waxaa salka u dhigay gumeystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga, kuwaas oo dalka qabsaday dhammaadkii qarnigii 19aad iyo horraantii qarnigii 20aad. Labada gumeyste ee Ingiriiska iyo Talyaaniga, labaduba aad ayay ugu adkaatay inay dalka ka hirgeliyaan falsafadohooda waxbarasho, waxaana ay shacabka kala kulmeen laba jawaabood oo kala duwan, kuwaas oo kala ah; soo dhaweyn iyo iska caabbin. Dadka qaar waxay u arkayeen in gumeystayaasha laga dhaxli karo aqoon casri ah iyo ilbaxnimo, waxayna doonayeen in ay carruurtooda uga faa’ideeyaan nidaamka waxbarasho ee ay gumeystayaashu keeneen, si ay u bartaan luqadaha Ingiriiska, Talyaaniga iyo xirfado kala duwan oo ay shaqo ku heli karaan. Laakiin waxaa kaloo ay la kulmeen iska caabbin xoog leh oo ay kala kulmeen bulshada inteeda badan iyo culimada diinta oo iyagu waagaa maamulayay xarumaha waxbarashada Islaamiga ah oo ahaa kuwa keliya ee xilligaas dalka ka jiray.

Taariikhda waxbarashada Soomaalida waxaa si weyn looga dhex dheehanayaa, in mar walba lagu tartami jiray shacabka. Tartankani wuxuu u dhexeeyay laba kooxood oo ka soo kala jeeda laba manhaj oo kala duwan, kuwaas oo salka ku kala haya manhaj ku salaysan diinta Islaamka iyo mid ku salaysan falsafado kala duwan. Koox waa culimada diinta oo dhinac ah oo aaminsan manhajka soo jireenka ama taqliidiga ah, iyo hoggaamiyayaasha siyaasadda iyo maamulka iyo qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha dhaqanka oo dhinac kale ah, kuwaasoo doonayo manhajka reer galbeedka. Marka dib loo milicsado taariikhda halganka waxbarashada ee Soomaaliya, loollanka ugu weyn wuxuu ka dhexeeyay labadaa kooxood oo uu fikirkoodu iska soo hor jeedo, isla markaana kala aaminsan aragtiyo kala duwan. Hase yeeshee labada kooxoodba waxay isticmaali jireen xeelado lagu soo jiidanayo shacabka. Tusaale ahaan gumeystihii Ingiriisku isagoo dagaal kula jiray dhaqdhaqaaqii gumeysidiidka ahaa ee Daraawiishta wuxuu mamnuucay faafinta diin aan Islaam ahayn, arrintani waxaa uu ku soo jiidanayay dadka Soomaaliyeed si uu isugu muujiyo inuusan diintooda weerar ku ahayn. Dhanka kale, wuxuu magaalooyinka Berbera, Bullaxaar iyo Saylac oo ka mid ah maxmiyaddiisa ka furay dugsiyo hoose oo bixinaya waxbarasho rasmi ah oo ku dhisan manhajka Biritishka. Sidoo kale, 1920 kii wuxuu canshuur ku soo rogay magaalada Burco, isagoo doonayay inuu lacagta canshurta ku dhiso dugsiyo hoose/dhexe oo bixinaya waxbarasho ku dhisan manhajkiisa. 

Culimadii iyo qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha dhaqankuna waxay billaabeen inay shacabka kiciyaan, taas oo keentay in uu kacdoon shacab ka billowday degmada Burco waxayna sababtay in guddoomiyihii degmadaas oo lagu magacaabi jiray Captain Allan Gibb lagu dilay, isla markaana mashruucii sidaa ayuu ku baaba’ay. Ingiriisku wuxuu garwaaqsaday inuu beddelo xeeladdiisa si uu u gaaro hadafkiisa, wuxuuna keenay xeelad cusub isagoo u qoray lacag yar, qaar ka mid ah macallimiinta dugsiyada Quraanka kuna xiraya sharuudo ay ka mid yihiin in ay manhajkooda ballaariyaan oo ay ku daraan af Carabiga iyo xisaabta.[i] (Cassanelli, Somalia: Education in Transition, 2007).

1945kii, 400 oo wiil oo arday ah ayaa wax ka baranaysay toddoba dugsi oo hoose oo ka furnaa gobolladii British Soomaalilaand ee uu Ingiriisku gumeysanayay, sidoo kale 19 dugsi Quraan ayaa iyaguna caawinaad ka helayay si ay carruurta u baraan af Carabi iyo xisaab. 1950kii laba ka mid ah toddobadii dugsi ee hoose waxay u gudbeen dugsi dhexe, iyadoo la qorsheynayay in dugsi sare la furi doono.[ii] (Dawson, (1964): p.199–214.). Waxaa billaabatay dabeyshii xorriyadda, dadkuna waxay fahmeen muhiimadda ay leedahay waxbarashada, sidaa daraaddeed ayaa marba marka ka dambaysa waxaa soo kordhayay tirada ardayda dugsiyada galeysa. Sannadkii 1955kii, tiro lagu qiyaasay 1000 arday ayaa wax ka baranayay 19 dugsi oo ku yaallay gobollada British Soomaalilaand, iyadoo hal dugsi oo ka mid ah uu u gaar ahaa gabdhaha oo ay wax ka baranayeen 64 gabdhood. Xorriyaddii ayaa soo dhawaatay, waxbarashaduna way sii ballaaratay. 1957kii Ingiriisku wuxuu u qoondeeyay waxbarashada gobollada British Soomaalilaand 340,000 £ oo geniga istarliinka ah, oo uu ugu talagalay qorsho saddex sannadood ah.

1960kii, in ka badan 2,020 arday ayaa wax ka baranayay 38 dugsi hoose oo wiilasha keliya ah, iyadoo 319 ardayna ay wax ka baranayeen saddex dugsi hoose oo loogu talagalay gabdhaha keliya. Sidoo kale, 1,039 arday ayaa dhiganayay 12 dugsi dhexe oo wiilasha keliya ah, iyo 70 arday oo iyaguna ku jiray saddex dugsi oo sare oo wiilasha keliya ah. Xilligaas waxaa deeq waxbarasho dalka dibaddiisa ugu maqnaa 150 dhallinyaro ah oo dhammaantood ka tagay gobollada British Soomaalilaand, iyadoo ay tirada macallimiinta tababbaranna ay kor u dhaafayeen 45 macallin.[iii] (Lewis, 1988)

Dhanka koofurta ama dhulkii Itaaliyan Soomalilaand, wuxuu leeyahay ahmiyad taariikheed oo weyn waxaana jira daraasado badan oo laga sameeyay iyo buugaag badan oo laga qoray gumeystihii Talyaaniga, gaar ahaan magaalada Muqdisho xilligii ay ku hoos jirtay xukunkii Talyaaniga. Sidaa daraaddeed, aad ayay lama huraan u tahay inaan wax ka xusno isbeddellada taariikheed ee ku dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan xilligii gumeystaha Talyaaniga.

Muqdisho waxay ahayd caasimaddii Soomaaliya-Itaaliya (Somalia-Italiana) qaybtii koowaad ee qarnigii 20aad. Luqadda Talyaaniga waxaa lagu dhihi jiray (Mogadiscio-italiana), dadka degganna waxaa loogu yeeri jiray Muqdishaawi, af Talyaanina waxaa lagu yiraahdaa “Mogadini”. Sannadihii 1880aadkii oo ah markii uu gumeystaha Talyaanigu dalka  maamulkiisa qabsaday, Muqdisho waxay ahayd magaalo aad u yar oo ay ku noolaayeen qiyaastii 1,500 oo qof keliya, laakiin  qiyaastii nus qarni oo uu xukumayay gumeystihii Talyaanigu, magaaladu waxay isku beddeshay magaalo weyn oo nashaad leh oo ay deggen yihiin ku dhawaad ​​150,000 oo qof (Eeg shaxda 1). Talyaanigu wuxuu dalka gacanta ku hayay intii u dhaxeysay 1885—1941kii, si rasmi ahna waxaa loogala wareegay Heshiiskii Nabadda ee lagu gaaray dalka Faransiiska sannadkii 1947kii dagaalkii labaad ee dunida kadib, markaas oo ahayd xilligii uu Talyaanigu lumiyey dhammaan dalalkii uu gumeysan jiray. Waqtiyadaas magaalada Mogadiscio-italiana waxaa lagu naanaysi jiray “The White Pearl of Indian Ocean”.[iv] (Morone, (2011): p. 75-92).

Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan  
Email: buulaay1@gmail.com


[i] Bildhaan Vol. 7 (Cassanelli, Somalia: Education in Transition, 2007)

[ii] Lewis, pp. 132–33. (Lewis, 1988)

[iii] Bildhaan Vol. 7 (Dawson, (1964): p.199–214.)

[iv] Politica e istruzione nella Somalia sotto tutela italiana; di Antonio M. Morone (Morone, (2011): p. 75-92)