W/Q Mukhtar Qoransay
Imaanshaheeni dunida kahor, Ilaahay (SW) wuxuu isugu yeeray Malaa’ikta iyo Ibliis oo uu ku wargeliyay go’aankiisa; in uu dhulka u samaynayo Khaliif. Sida ku xusan suuratul Baqarah Malaa’iiktu waxay la galeen Ilaahay dood oranaysa; ma waxaad u dhiibaysaa dhulka cid fasahaadin doonta, dhiigna ku daadin doonta. Xujeyn kadib, Malaa’iktii waa qanceen, waana aqbaleen, waana u sujuudeen aabaheen Nabi Adam ee u sharaxnaa Madaxnimada dhulka. Ibliis isagu waaba iskibriyay, waana faanay, wuxuuna ku andacooday isagoo ah laandheere laga abuuray dab-ifaya, in aysan marna macquul aheyn inuu u sujuudo, xukun aduunyana u daba fariisto insaan laangaab ah oo dhoobo-madow laga abuuray.
Qisadaas waxay ku qoran tahay kutubta Samaawiga ah oo dhan Quraanka, Towraadka iyo Injiilka. Qaar ayaa xusa in Ibliis intaan lasoo tuurin, uu isku dayay inuu ka dhex samaysto Malaa’ikta midow lid ku ah insaanka. Wuxuu isyiri waa laangaabyo ku adeecaya. Taas oo aanan sina dhici karin, haddana maadama labaduba ay bilowgii dood geliyeen in insaanka laga dhigo Khaliifka dhulka, suurayso haddii ay ku midoobi lahaayeen jilaafeynta Adam iyo ilmihiisa oo lagu siri karo dhaldhalaalka dunida, maxaa kadhici lahaa dhulka?
Jawaabta aan helayno haddaan si qoto dheer ugu fiirsano waa sedex arrin oo kala ah, abuurka, dabiicadaha iyo ujeedada sedexdan makhluuq. Malaa’iktu dabiici ahaan u samaysan yihiin in aysan kucaasin waxa uu Ilaahay amro, fuliyaana waxa uu faro, qorshahoodana waxaa lagu xiriiriyay in ay ku taageeraan insaanka maamulidda dunida. Lagamana abuurin naar oo ah walaxda laga abuuray Ibliis, ujeedada loo abuurayna tahay; inuu insaanka la tartamo, lumiyo, manipulate-gareeyo, jilaafeeyo, khiyaano, kufashiliyo xukunka dunida, dabiicadiisuna kudhisan tahay naceyb iyo xaasidnimo. Meesha insaanka laga abuuray dhoobo, dabiicad ahaan yahay daciif-jilicsan, dhaadhac badan, mar khaldamaya, marna soo-noqonaya, laakin ogaal-badan, caqli badan, waxna qaban kara, Ilaahayna jecel yahay, ujeedaduna tahay inuu Khaliifa noqdo. Sidaa awgeed, haddii Malaa’ikta iyo Ibliis midoobi lahaayeen, marna waxba ma dhaceen, midowgooduna waa fashilmi lahaa, waayo dab iyo biyo wada socda, uma midoobi karaan cows; isku ujeedana maaha, midna waxbuu gubaa, midna waxbuu damiyaa. Haddii ay been isku raacaana, iyagaa isla damaya muddo kadib ama is lugoyn lahaa.
Dhulka Kaalay
Maadama dhulka nala keenay, cirka naga soo daji oo bal aan taariikhaha dhulka u nimaano. Kahor inta uu Xisbiga Naziga Jarmalka xukunka qabsan, madaxa-dowladda Jarmalka Chancellor Heinrich Brunning wuu uga sii daray dalka xaaladiisi aheyd “Great Depression”, shaqo la’aantii waxay sii dhashay shaqo la’aan, gaajadii waxay sii dhashay gaajo, lacagta uu qoys kusoo iibsan karo xabad-ukun ah tiro-badnideeda waxaa lagu qaadi jiray gaari-gacan, boobkii iyo khilaafkii siyaasadeed ayaa baahay, sida ay hadda tahay xaaladda Soomaaliya mid lamid ah.
Franz von Papen oo ahaa madaxa Catholic Centre Party, rabayna inuu ka aargutto saaxiib hore wuxuu la midoobay Xisbiga Naziga, wuxuuna Madaxweynaha Jarmalka Hindenburg kuqanciyay in uu Hitler u magacaabo Chancellor. Nazigu waxay markaa dowladda kuyeesheen 3-kursi keliya, laakin Hitler fursaddii ayuu ka faa’iideystay, wuxuuna aakhiro u kala diray xubnihii xisbigii la midoobay, dhanka kale xisbiga Social Democrats kadhigay mid jaba, mid jiisa iyo mid qaxa, dhowr dal iyo qowmiyado uu yiri waa laangaab ayuu xasuuqay, dunidiina wuxuu galiyay dagaalkii 2aad oo ay ku naf waayeen qiyaastii 60 milyan oo ruux. Tani waa tusaalle taarikheed waxa Jarmal kadhacay markii ay midoobeen xisbiyo iyo shakhsiyaad dab iyo biyo kala ah, laakin siyaasiyan isku danaysanayay, danahoodi iyo dadkoodiina dab kushiday.
Isbahaysigii Sheydaanka – Hitler iyo Stalin Roger
Moorhouse wuxuu qoray buug labaxay is-xulufeysigii Shayaadiinta ee dhexmaray Hitler iyo Stalin (The Devil’s Alliance: Hitler’s Pact with Stalin, 1939–1941). Heshiiskan wuxuu ahaa mid ku qottomay in Jarmalka iyo Soofiyeetku kala qaybsadaan bartamaha iyo Yurubta Bari, maadama labadooda laga qadiyay boobkii dunida ee 1884. Laakin heshiisku wuxuu ahaa mid aan la barakeyn “unholy covenant”, waayo Hitler wuxuu khiyaamiyay Stalin, kanna wuxuu khiyaamayay Hitler, natiijaduna waxay ku dhamaatay in labadoodu iska laayaan tiro dadkii ugu badnaa ebed, Stalin kubiiro awoodihii-midoobay “Allied powers” oo Jarmalka kala qaybsaday. Tanna waa tusaale kale natiijada ka dhalatay marka ay midow ku dhawaaqaan labo xisbi oo aan isku ujeedo iyo abuurba aheyn; meesha midna isku arkayay inuu yahay laandheere Aryan ah oo insaanka intiisa kale ka fiican, midna beeraleey aaminsan hanti-wadaag iyo in dadku kala goostaan xabad-rooti ah iyo wada-qaybsi bakeeri caano ah.
Kasoo bilow qisadaas cirka, kusoo xir taarikhda dhulka insaanka kala dabeecadda iyo ujeedka duwan ee isbahaystay, markaan kusii xirno wadasocodka muuqda iyo kala socodka qarsoon ee Midowga Haybad Qaran labaxay iyo shakhsiyaad aan isqaadan karin, waxaa isweydiin mudan sidee ku dhamaan doonaa midow 10 ruux oo aan wadaagin dabiicad, abuur iyo ujeeddo; hal nin loosii xiray inuu suud usii tosho Ra’isul Wasaarnimada, oo berri looga boodi karo, midna gobolka suud usii tolo lagu yiri, qaar hadda kumuransan yihiin wasiirkii reerka qofka qaadan doona, qaar sidii Hitler isku arkaan laandheere Aryan ah, qaar aaminsan yihiin in laangaab lawada noqdo mooyee in aysan dowlad dhismi karin, qaarna u joogto in qolodooda horta la ictiraafo, qaar usocdaan aargudasho ilaa la isla aado Aakhiro, qaar gobolo iyo kuraas laga soo eryaday, qaarna aaminsan yihiin in insaanku wali saaran yahay doontii badbaadada ee Nabi Nuux cs, wax caqiido ama yool siyaasadeedna uusan kadhaxayn? Markaa yaa ciyaaraya dowrka Malaa’ikta, yaase ciyaaraya dowrka Ibliis, yaase ah Hitler, yaase ah Stalin? Yaa weeye wiilka Nabi Aadam uu dhalay ee loo midoobayo?
Inagu haddaan nahay shacabka Soomaaliyeed ee Ilaahay jecel yahay waa inaan ku duceysanaa, kana hortagnaa in aanan magaca hayba’ddeena nalagu hay’bad tirin, sidii Hitler iyo Stalin dano shakhsiyadeed dadkooda u gumaadeen, dhib nagu filan oo aan naqaan cidda na xadaysa ayaa na haysata, waana ka dabaalan karnaa, laakin haybad shaydaanimo kama dabaalan karno.
W/Q Mukhtar Qoransay
Email: qoransay@gmail.com
——-
Senior Strategist & Geopolitics Analyst
