Shankaroon: Shankaroon Axmed Sagal, miyaa maantana hoyatey? 

Shankaroon: Shankaroon Axmed Sagal, miyaa maantana hoyatey? 

WQ Axmed Yuusuf

Soomaalinimadii aan ku soo koray, waxaa ugu xusuus dheer tii 1970-yadii, inkasta oo waraabuhu soo bilaabay inuuu halabsadu taana dabyaaqadii sannaddaa. Xusuustaa waddaninimo, jecaylka dadkayga, dalkayga iyo Soomaalinimada qabkeeda aan ilaa maanta sido, waxaa horyaal u ahaa fannaaniinta Soomaaliyeed ee xilligaa kacaamaay, waxaana calan gaar ah u ahaa halabuurkii abwaannadii hana qaaday waagaa.  Miyuusigii lagu soo hagi jirey hibadaa, dhadhankiisa marna kama bogan karo ilaa maanta.   

Haddaba intaas oo la isku duubo waxaa ku deeqsiin jirey codadkii cidoonaa iyo sawdkii sixinta ahaa ee hoboladdii Soomaaliyeed. 

Waxaa markaa ayaan daro ah, oo aad iyo aad ii damqda marka maalinwalba mid cidla iyo carro aan garanayn ku geeriyoodo. Kaga darene inta magacdhowaana—waxa kaliya afkooda soo dhaafa waa afar aray oo aan kuligeen iska dayano, waa, “Ilaahay ha u naxariisto.”  Waan gartay taasi waa xaq, laakiin taban eray oo aad ku xusuusato halyeygaa/halyeyadaa, oo tusaalaya hubadiisii/teedii ma sheeki kartid miyaa?  Kuwa kula hadlayaase, ma ku wayddinkari waayeen intaa inaad wax dhaafsiiso?   

Waxa intaa iga keenay waa geerida Shankaroon Axmed Sagal oo xitaa magaceeda qudha “Shankaroon” kuugu filan yahay xusuus. Haddaba haddaan anigu tayda taabo, taariiikhdeeda se cid kale u daayo, hees kaliya aan soo qaato, “Axmed Gurey ma uu Dhiman.” 

Inkasta oo halyeyga heesta lahaa, wa Hadraawi’ eh, hibo u gaar ah lahaa, heestaa waxaa caan ka dhigay laguna xasuustaa waa Shankaroon.  Heestsa laxankeedu waa baroor, cadka ay ku qaadaysaana waa la haleeshay inuu muujiyo murugadooda.  Marka aad maqasho codka soo dhaafaya Shankaroon afkeeda, intaan eraygu kuu dhadhamin, waxaa dhaawac xiskaaga ku reebeya dhiillada ay ku dareensiinayso, markaad dhuuxdo midhaha waxaa kuu dhaadhacaya culayska ay sidaan.  Waayo dareenkaaga dadnimo ayaa ku taabsiinayaa silic, gardaro salka ku haya. 

Inkasta oo halyeyga heesta lahaa, wa Hadraawi’ eh, hibo u gaar ah lahaa, heestaa waxaa caan ka dhigay laguna xasuustaa waa Shankaroon.  Heestsa laxankeedu waa baroor, cadka ay ku qaadaysaana waa la haleeshay inuu muujiyo murugadooda.  Marka aad maqasho codka soo dhaafaya Shankaroon afkeeda, intaan eraygu kuu dhadhamin, waxaa dhaawac xiskaaga ku reebeya dhiillada ay ku dareensiinayso, markaad dhuuxdo midhaha waxaa kuu dhaadhacaya culayska ay sidaan.  Waayo dareenkaaga dadnimo ayaa ku taabsiinayaa silic, gardaro salka ku haya. 

Gardaradu waxa ay keenta tiiraanyo dheeraad ah, waa marka lagu xoog sheegto e, oo inta xaqaagii la duudsiyo aad dareento in aanad maalinta awoodin inaad soo dhacsato.  Waxa ay se dunidu duntaa marka naf iyo maal gardaradaa lagu waayey.  

Suugaanta oo keliya ayaa se kaa dhergin karta, kuuna cabirkartaa cibaaradaa. Haddaba su’aashu waxa ay tahay, halkee baan hadlakan iyo geerida Shankaroon isa keenaya?  Aan ku tuse eh, aniga markay ay Shankaroon leedahay:

Axmed Guray ma uu dhiman
Ma gobalamin Darwiishkii
Geenyadu ma daalana.
Waxan ugu gol leeyahay
Hadduu geesi ii kaco
Geyaankayga waa heli,

Waxaa igu kulma dagaalkii 1977 iyo  Soomaaligelbeed waayisteedii,  Ruushka (Russia), Kuub (Cuba), Yamen (Yemen), iga Dhaafo, hagardaamaday inoo geysten iyo huqday inagu reeneen.  Bal se garo oo heestu way ka horeysey dagaalkaa, oo shaqoba ku lahayn, haddana, waa wax suugaanta lagu yaqaan oo u gaar ah e, aniga baroortii dagaalka, dadkii ku hoobtay, dalkii aan wayney, dullinimaadan ka dhaxallay, xataa intaynaan inagu is cunin, waxa keliya ee tiiraanyada i dhadhansiiyey, ilaa maantana waa codkii Shankaroon. 

Geerideedu waa ila guri madoobaad, waxaa ii muuqda taariikh dumaysa, dad iyo dal aynaan waxba ka sheegin, wax badanina maanta ka jirin. 

Shankaroon Axmed Sagal, Ebbe ha u furo albaabada Jannatula Fardowsa.

Axmed Yuusuf
Email: ayusuf009@gmail.com