WQ Dr. Abukar Y. Warsame
“Dimoqraadiyaddu waa tartan hoggaamineed, ee ma aha xukun toos ah oo dadku wada leeyihiin”
Ereyadaan waxaa Dimoqraadiyadda ku qeexay Joseph Schumpeter oo ah ninka iska lahaa fikirka saldhigga u ah billadda Nobel Prize ee dhaqaalaha ee sannadkan 2025 oo ay ku guuleysteen saddex dhaqaale yahan oo uu kala dhashay saddex waddan oo kala duwan.
Macnaheedu waa in hoggaamiyeyaasha lagu doorto tartan caddaalad ah, halkii awoodda lagu qaybsan lahaa aqoonsi qabiil. Nasiib darro waddankeenna Soomaaliya, qabiilku waa saldhigga siyaasadda, taas oo keenta in hoggaamiyeyaasha lagu doorto magaca beesha halkii laga eegi lahaa aqoontooda iyo kartidooda wax qabad.
Haddaba anoo ka cabbir qaadanaya fikirka Schumpatarian ee kor ku xusan ayaan qoraalkan gaaban ugu talagalay bal inaan iftiimiyo sida nidaamka Dimoqraadiyadda iyo midka qabaliga ah ee bulshadeenna ku dhaqanto isula jaan qaadi karaan.
Nidaamka dimoqraadiyadda saxda ah waxaa udub dhexaad u ah dhowrkaan arrimood ee soo socda oo ay nidaamka qabiilka ku saleysan ay isku seegeen ama ku kala duwan yihiin:
b) Hoggaamiye xun waxaa lagu eryaa doorashada, cod-bixiyayaashuna waxay ciqaabaan musuqmaasuqa iyo wax qabad la’aanta. Laakiin nidaamka qabiilka, qofka waxaa lagu difaacaa magaca beesha xitaa haddii uu khaldan yahay. Tani waxay dishay isla xisaabtanka oo waxay u sahlaysaa madaxda xun inay xilka sii hayaan.
t) Dimoqraadiyaddu waxay ku dhisan tahay sinnaanta muwaadin kasta. Laakiin nidaamka qabiilka wuxuu abuuraa kala sarreyn — qaar waa qabiillo tun weyni sheegta halka qaarna la yiraahdo waa qabiillo yaryar oo laga tiro badan yahay iyadoon cid tirkoob sax ah ku sameysey aysan jirin. Nidaamka 4.5 wuxuu keenaa degganaansho ku-meelgaar ah (dhaxalkii Carta) balse wuxuu ka hor imanayaa mabda’a sinnaanta ee aasaaska u ah nidaamka dimqoraadiyadda.
j) Dimoqraadiyaddu waxay u baahan tahay aqoonsi qaran oo mideeya bulshada. Qabiilku wuxuu jebiyaa dareenkaas, isagoo qof kasta ka dhigaya “Reer” ka hor inta uusan noqon “Muwaadin” Soomaaliyeed. Tusaale fudud waxaad u soo qaadan kartaa koox kubbadeed ay ciyaartoydu u diidaan inay kubadda siiyaan ama la wadaagaan kuwa aan qabiilkooda ahayn. Kooxdaasi iney guuldarreysaneyso ma shaki baa kaaga jira?
Schumpeter wuxuu isbarbardhigay dimoqraadiyadda iyo suuqa ganacsiga: siyaasiyiintu waa iibiyeyaasha fikradaha, dadkuna waa iibsadayaasha. Nidaamka saxda ah, dadku waxay doortaan fikradda ugu fiican, balse nidaamka qabiilka, waxay doortaan qofka ku qabiilka ah ama xigto ahaan ugu dhow. Tani waxay ka dhigeysaa siyaasadda mid ku dhisan qabiil oo aan ahayn tartan furan.
Haddaba muxuu yahay xalka looga bixi karo mushkiladdan na ragaadisey?
- Waa in Daacadnimada Qabiil lagu beddelaa Daacadnimo Dastuur iyo Qaran
- Waa in nidaamkan baas ee Awood-Qaybisga 4.5 lagu beddelaa doorasho Hal cod iyo Hal muwaadin ah
- Waa in isla xisaabtan la’aanta loo helaa Hay’ado xooggan oo garsoor iyo Saxaafad madax bannaan oo doorkooda toosinta iyo turxaan bixinta dusha u ridata
- Waa in kala sarreynta Beeleed lagu beddelaa Sinnaan Siyaasadeed
- Waa in kala qaybsanaanta Qaran lagula dagaalaa Wacyigelin iyo Waxbarasho mideeysa bulshada
Gunnaanad: Dimoqraadiyaddu kama taabba gasho meel aqoonsi qabiil uu beddelay aqoonsi qaran. Si Soomaaliya u hesho nidaam waara, waa in laga guuraa ”yaa tahay” loona guuraa ”maxaad qaban kartaa.” Markaas ayaa Soomaaliya heli doontaa dimoqraadiyad dhab ah — mid ku dhisan tartan, hufnaan, iyo karti.
Dr. Abukar Y. Warsame
Email: abukar628@gmail.com
