Labada indhood waa isu ilmeeyaan: Midnimada Soomaaliyeed waa lama illaawaan

Labada indhood waa isu ilmeeyaan: Midnimada Soomaaliyeed waa lama illaawaan

W/Q Dr. Abukar Yusuf Warsame

Ummadda Soomaalida ee dunida daafaheeda ku kala nool waxey si guud iyo siyaabo kala duwanba ugu dabbaaldegayeen xornimadii ay qaateen bishii Juun 26/1960 (gobollada Waqooyi), 27/1977 (Jabuuti), iyo xornimadii iyo midnimadii Koofurta ee Luulyo 1/1960.

Shaki kuma jiro in burburkii dawladdii dhexe ee 1991 iyo dhacdaooyinkii u dambeeyey ee gobollada waqooyi ay dhaawac culus u geysteen midnimadii labadii qeybood ee 1960 kii midoobay taasoo bulshadeenna badankeeda hilmaansiisay halgankii mideysnnaa iyo is-jaceylkii Soomaalida dhexdeeda qalbiyadooda ku beernaa waqtigaas.

Cabdirisaaq Sh Axmed (midig) iyo Abukar

Qoraalkan gaaban wuxuu tusaale u yahay sida Soomaalidii waqtigaas joogtay ay isugu duubneyd oo ay isu garab taagnaayeen, tabartoodu haba yaraatee, iney ka xoroobaan gumeystihii kala duwanaa iyo falcelintoodii markii gumeystuhu kala dhantaallay midnimadaas.

Muddo ku dhow labo sano ka hor ayaa nin odey ah oo sheeko wadaag iyo saaxiibtinnimo gooni ah naga dhaxeeyso, Cabdirisaaq Sh. Axmed, ayaa maalin iiga sheekeeyey muddaaharaad ka dhacay magaalada Gaalkacyo sannadkii 1963 oo la xiriiray markii dawladda Ingriisku ay NFD u hibeysey waddanka Kenya. Oday C/Risaaq oo waqtigaas ahaa nin aad u da’ yar oo dhiganayey dugsi ay maamusho dawladda Masar ayaa wuxuu iiga sheekeeyey wixii dhacay subaxaas ka dib markii ay habeenkii ka war heleen in maagaalada uu ku sugan yahay wafti Maraykan ah oo safiirkoodii hoggaaminayo.

Ilaahey ha u naxariistee waxaa magaalada guddoomiye ka ahaa (inkastoo uusan aad u hubin) Cabdalla Tarmuus halka taliyaha booliskana uu ahaa Daahir Xaaji. Habeenkii oo dhan ayaa abaabulkii dhagax uruursiga oo ahaa hubka ugu fara badan uguna raqiisan ee Gaalkacyo laga helo socday oo  luuq kasta lagu sii diyaarsaday wixii berri subax lagu dagaal tegi lahaa. Subaxii ayaa iyadoo tafaha u buuxaan la isa soo hordhoobay dariiqyada gurigii martidu xalay ku hoyatay ee ay garoonka diyaaradaha uga ambabaxi lahaayeen.

Safiirkii wuxuu go’aansaday inuu raaco gaariga guddoomiyaha, xaaskiiskuna raacdo gaariga taliyihii booliska si uu u yareeyo in labadooda dhib ka soo gaaro haddii ay hal gaari wada raacaan. Taliye Daahir Xaaji oo dareensan culeyska masuuliyadda la saaray oo ah bad qabka xaaska safiirka ayaa Cabdirisaaq iyo dhawr kurey oo uu bar garaneyey u yeeray. Wuxuu kula dardaarmay “Adeer baabuurka sidaad rabtaan u dhagaxyeeya balse islaantaas ha igu dhaawicina haddaad rabtaan inaan kala nabad galnno”

Annigoo ka dheregsan sidii uu u dhacay muddaaharaadkaas iyo dareenkii qiirada lahaa ee ay bulshadii Soomaaliyeed uga falceliyeen hagardaamadii Ingiriiska ee NFD maadaama uu odey C/risaaq uu si mug leh oo intaan ka sii faah-faahsan iila wadaagay wixii subaxaas dhacay ayaan sannad ka dib ka dul dhacay wareysi uu bixiyey safiirkii dawladda Maraykanka ee dhacdadaas ku qabsatay magaalada Gaalkacyo. Waa kan wareysigaas oo la qaaday bishii August 31, 1988 oo aan soo koobay nuxurkiisa.

Sanadkii 1963, safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Mr. Torbert, ayaa socdaal ku marayay waqooyiga iyo bartamaha dalka isaga oo ay la socdeen madax ka tirsan hay’adaha AID iyo Peace Corps. Safarkooda ayaa lagu joojiyay magaalada Galkacyo kadib markii lagu soo wargeliyey in Muqdisho mudaharaadyo ay ka socdaan loogana digay ku soo noqoshada caasimadda.

Safiirkii iyo wafdigiisii waxay habeenkii seexdeen xerada shirkad shidaal, subaxdiina waxay ku soo tooseen dadkii magaalada oo dhan oo dibad-baxaya. Sababta mudaharaadku waxay ahayd go’aankii Boqortooyada Ingiriiska ugu deeqday gobolka NFD (Northern Frontier District) Kenya, inkasta oo dadkii Soomaaliyeed ee gobolkaas cod dheer ku muujiyeen rabitaankooda ah in lagu daro Soomaaliya. Ingiriiska wuxuu doortay inuu raalli geliyo Kenya oo uu ka hormariyo rabitaanka dadka Soomaaliyeed. Sidaas darteed, dadkii Galkacyo waxay safiirka Mareykanka ku eedeeyeen in uu yahay “ina-adeerkii Ingiriiska” oo uu qeyb ka yahay dibindaabyadaas ummadda Soomaaliyeed midnamadeeda loo geystey.

Torbert wuxuu odayaashii u jeediyey khudbad aad u xeeladeysaneyd, isagoo ka sheekeeyay George Washington iyo madax-banaanida Mareykanka si uu ugu qanciyo dadka inuusan isaga Ingiriiska la safneyn. Dadkii waxay ugu jawaabeen: “Haye, waad mahadsan tahay, hadda waad tagi kartaa.”

Hadalkii Torbert

Waxaan filayaa inaan horay u sheegay inaan aad u qanciyay hoggaamiyeyaashii dadkaas, anigoo u sharaxay mowqifkeena, waxayna igu raaceen inaysan dhib noo geysan doonin. Markaas waxaan raacnnay dhowr baabuur oo afar taayirle (four-wheel drive) ah oo naloo diyaarshey, waxaana nala socday ciidamo booliis Soomaali ah oo badan, guddoomiyaha gobolka, iyo xaaskeyga.

Waxaan go’aansanay in guddoomiyaha iyo anigu aan baabuurka hore ku safarnno, xaaskeyguna ay raacdo baabuurka labaad oo ay la socdaan koox booliis Soomaali ah, kadibna uu raaco baabuur booliis oo saddexaad, si aan ugu wada tagno garoonka diyaaradaha. Waxaan islahayn waad nabadgeli doontaan, inkastoo welwel yar na hayay. Guddoomiyaha ayaa xitaa iga baqdin badnaa!

Waxaan ka dhaqaaqnay xeradii, qofna ma uusan joogin irridka bannaanka markaas. Waxaan bilownnay inaan dhex marno bartamaha magaalada oo ahayd magaalo yar oo aan ka badnayn 2,000 ilaa 3,000 qof, inta badanna guryo dhoobo ah. Markii aan gaarnnay isgoyskii ugu horeeyay, waxaan aragnnay dad badan oo noo soo dhawaanaya, mid kastana uu gacanta ku haysto dhagax cabir ahaan la mid ah kubbadda baseball ama softball, waxayna markiiba ku bilaabeen inay nagu tuuraan.

Guddoomiyaha ayaa waday baabuurkaygii, waxaanan markaas aad ugu qancay tayada Land Rover-ka aan saarnayn, maadaama muraayaddiisu ka adkaysatay dhagaxii ugu horeeyay ee nagu dhacay. Guddoomiyuhu si deg deg ah ayuu u weeciyey baabuurka, waxaana ka leexannay jidkii oo aan galnay mid kale oo magaalada ka mid ah, laakiin waxaan markale ka dul dhacnay dad kale oo isu soo baxay oo Meesha nagu sugayey. Iyagana waan ka baxsannay, ugu dambeyntiina waxaan gaarnnay meel labo ilaa saddex mayl u jirta magaalada oo ahayd halka diyaaradda noo taallay. Dad badan oo muddaharaadayaal ah ayaa lug nagu daba socday.

Hubkoodu wuxuu ahaa dhagaxyo oo meel kasta dhooban maadaama hhulku uu ahaa dhul qalalan oo saxaro u eg, balse dhagaxyo badan meel walba baa yaalliin. Dhagaxu wuxuu ahaa hub aanay ku tiirsaneyn caawimaad shisheeye!

Waxaan u cararnnay diyaaraddii oo si deg deg ah ugu boodnay, injiinkii shidannay, oo horey ka duulnay madaxdooda korkooda iyadoo dadkii ay weli soo cararayeen. Mar dambe ayaan ogaaday in xaaskeygu ay xaalad ka xun tayda ay soo martay sababtoo ah way iga go’doonsaneyd, waxayna keliged ku jirtay Land Rover ay la saarneyd booliis Soomaali ah oo kaliya. Runtii taas waxay ahayd meesha ugu ammaansan, laakiin waxaan hilmaamay in ay ahayd markeedii ugu horeysay ee ay keliged la joogto rag madow oo intaas dhan. Bilahii ka dambeeyey, arrintaasi dhibaato uma keenin, laakiin maalintaas aad bay uga cabsatay.

Runtii waxaa aad ii farxad gelieyey gunnaandka qoraalka wareysigaas oo sheegaya in mudaharaadkii Galkacyo uu ahaa mid muujinaya  farriin cad iyo dareen adag oo Soomaalidu u lahayd dhulalka kale ee Soomaaliyeed ee la gumaysto. Waxay ahayd fariin siyaasadeed oo ku socotay reer Galbeedka, Kenya, iyo adduunka intiisa kale: “Midnimada Soomaaliyeed lama iibin karo, lamana iloobi karo.”

Waxaa kale oo aad ii farxad geliyey sida adeer C/Risaaq Sh. Ahmed uu iila wadaagay dhacdadaas taariikhiga ah iyadoo sugan oo tixraaceediina laga heli karo wareysiga safiirkii ay xaaladdaasi qabsatay. Waxaase nasiib darro ah ineysan jirin wax qoraal ah oo dhankeenna ah (ogaanteyda) ayna dhici karto in dhacdooyin badan oo muhiim ah oo middaan la mid ah aysan tebintooda oo sugan sii jiri doonin haddii wargalkeennuna meesha ka baxo iyadoo aan waxba laga qorin.      

Dr. Abukar Yusuf Warsame
Email: abukar628@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.