WQ Dayib Sh. Axmed
Hordhac
Qofkasta oo Muslim ah waxaa saaran waajib diini ah sida lagu sheegay Quraanka kariimka ah:
كنتم خير أمة أخرجت للناس تامرون بالمعروف وتنهون عن المنكر وتؤمنون بالله سورة ءال عمران 11
EEBE wuxuu Qur’aankiisa kariimka ah inagu yiri: “Waxaad tihiin ummad tan ugu wanaag badan, ee bini’aadamka loosoo saaro. Waxaad fartaan wanaaga, waxaad reebtaan xumaanta, waxaadna rumeeysaan EEBE!”.
Waxaa haddaba inala gudboon in aan dadkeena ka waanino ugan digno xumaanta iyo waxii dhibaya si loo helo busha wanaagsan, waajib kaasina wuxuu saranayahay Culimda, Waxgaradka iyo Masuuliyiinta Soomaaliyeed Dal iyo dibadba. Sidaa daraadeedHaddaba mawduuca sidaas darteed, Khamaarku waa dhaqan horey loo ogaa in uu leeyahay khatar dhinacyo kala duwan leh, sida mid dhaqaale, anshax, diimeed iyo balwad ay adkaato in laga tago (addiction). 1XBET waa barnaamij si gaar ah loogu talagalay khamaarka, loogana helayo noocyo kala duwan oo ciyaaro ah. Sida caadiga ah, bulshada Soomaaliyeed waxay u isticmaashaa saddex qaybood oo waaweyn:
1. Laadhuuga oo uu qofku saadaaliyo dhanka uu u dhacayo.
2. Saadaalinta ciyaaraha oo uu qofku saadaaliyo guusha cayaaraha.
3. Ciyaarta diyaaradda oo uu qofku lacag dhigto iyada oo diyaaradda uu hagayo, haddii ay burburto lacagtii aad dhigatay kaa dhimanayso.
1XBET waxaa si xirfadaysan loo dhisay iyada oo barnaamijku leeyahay algorithm xisaabbeed bar tilmaameedsanaya khasaaraha ciyaartoyda, si ay u lumiyaan hantidooda. Tan waxa dheer, shirkaddani waxa ay ururisaa oo kaydisaa xogta dadka isticmaalaya, si xeeldheeri loogu qiyaaso sida ugu fudud ee daku ay u khasaari karaan, iyada oo uu barnaamijku baranayo dabciga qof walba oo ciyaara iyo sida uu u ciyaaro.
Marka la eego arrimaha kor ku xusan, su’aasha xuddunta u ah doodda waxay tahay, 1XBET maxay ka qabtaa diinteenu? xalaal baa mise waa xaaraan? Diinta islaamku,si cad ayay uga hor yimaadeen khamaarka, sidaa lagu sheegay quran kariimka ah labada Aayadood:
يسألونك عن الخمر والميسر قل فيهما إثم كبير ومنافع للناس واثمهما أكبر من نفعهما سورة البقرة 21
EEBE wuxuu Qur’aankiisa ku yiri, isagoo Suubanaha (NNKH) la hadlaya: Waxay wax kaa weeydiin doonaan khamriga, iyo khamaarka. Waxaad ku dhahdaa, labadoodaba waa laba dambi oo aad uwaaweyn……”
اايها الذين ءامنوا إنما الخمر والميسر والانصاب والزلام رجس من عمل الشيطان فاجتنبوه لعلكم تفلحون سورة المائدة 9
EEBE wuxuu Qur’aankiisa kariimka ah inagu yiri: Kuwa Allah rumeeyayoow Khamriga iyo khamaarkuba waa dhaqan sheeydaane ka fogaada…….!”
Waa hubaal in 1XBET uu yahay mid ka soo horjeeda jidka ay ina farayso diinteenu Islaamku oo uu yahay xaaraan.
1XBET waxa uu dhallinyarada Soomaaliyeed u horseeday dhibaatooyin dhaqaale, bulsho, iyo anshax. Qaar badan ayaa hantidoodii ku waayay, iyagoo markaas u gacan galay falal dambiyeedyo sida tuuganimo, khiyaamo, iyo xitaa afduub, si ay u soo dhiciyaan lacag ay ku ciyaaraan. Waxaa sidoo kale la arkay dad si been-abuur ah uga helaya lacag eheladooda, kuwaas oo markii ay khasaaraan noqda kuwo niyad jabsan oo xitaa isku daya is dil.
Xogaha la helayo waxay muujinayaan in shirkadaha isgaarsiinta ee Soomaaliya, sida Hormuud, Golis, Somtel, iyo kuwa kale, ay si dadban uga faa’iidaystaan kororka khamaarka, maadaama adeegsigiisu u baahan yahay internet. Sidoo kale, shirkadaha lacagaha digitalka ah sida EVC Plus, Sahal, iyo Zaad ayaa ah marin uu dhaqaale badan ku dhex wareego, iyagoo aan wax xakameyn ah la saarin.
Dowlad kasta oo aduunka ka jirta waxay masuul ka tahay inay ilaaliso mawaadiniinteeda naftooda iyo maalkaada, sidoo kale mawaadinka waxa uu xaq ugu leeyahay dowlada inay ka ilalaliso in la khayaano maalkiisa. Iyadoo loo marayo nidaamyadan, dowladuhu waxay dejinayaan siyaasaddo lagu hago anshaxa bulshada, lagu xakameeyo kala dambeynta, laguna horumariyo danta guud ee dadweynaha
Dowladda Soomaaliya iyo maamul-gobolleedyada waxay u muuqdaan kuwo aan wax ka qaban dhibaatooyinka ka dhashay Khamaaarka 1XBET. Ma jiraan sharciyo si cad u mamnuucaya adeegsiga khamaarka noocan ah, taasoo muujinaysa labo arrimood:
1. Inay ka gaabiyeen xilkii loo igmaday – Waa daciifnimo xagga maamulka ah.
2. Inay jiraan dano gaar ah oo la ka leeyahay – Waxaa suurtagal ah in mas’uuliyiin dowladeed ka faa’iidaystaan khamaarkan, sidaa darteedna aysan rabin in la joojiyo.
Talo:
Dowladda iyo maamul-goboleedyadu waa in ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah, sida:
- Xeerar adag oo mamnuucaya 1XBET iyo adeegyada la midka ah.
- Xakamaynta shirkadaha lacagaha digitalka ah, si aanay u fududeyn dhaqdhaqaaqa lacageed ee khamaarka.
- Ku amridda shirkadaha isgaarsiinta in ay xiraan marinada internetka ee ay adeegsadaan baraha khamaarka.
- Wacyigelin bulsho oo ballaaran si dhalinyarada loogu baraarujiyo khatarta khamaarka.
Bulshada Soomaaliyeed waa in ay si dhab ah uga falcelisaa halista 1XBET, arrimaha ay tahay in bulshadu u kacdana waxaa ka mid ah:
- In la fahmo khatarta dhabta ah ee 1XBET oo ah nidaam lagu khiyaameynayo dadka si hantidooda looga qaato.
- In laga fogaado isticmaalka 1XBET oo bulshadu waa in aysan u arkin fursad lacag lagu helayo, balse ay u fahmaan in uu yahay khiyaano hantidooda lagu dhacayo.
- In la wacyigeliyo bulshada oo waa in waaliddiintu carruurtooda baraan khatarta khamaarka, macallimiintuna ardayda u sharxaan halista ay leedahay..
Xal
Haddii dowladda iyo shacabka aysan ka hortagin khmaaarka 1XBET, Soomaaliya waxa ay halis ugu jirtaa burbur dhaqaale, anshax xumo, iyo dembiyo sidaas darteed:
- Wacyigelin bulsho oo baahsan.
- Dowladdu waa in ay sharci adag ka dejisaa khamaarka onlineka ah.
- Shirkadaha isgaarsiinta waa in lagu qasbaa in ay xannibaan 1XBET iyo baraha fidmada ee la midka ah.
- Shirkadaha lacagaha digitalka ah waa in aysan noqon marin uu khamaarku ku naaxo.
- Waaliddiinta iyo bulshada waa in ay si buuxda u baraarugaan oo ay dhalinyarada u digaan.
Gunaanad
1XBET ma ahan fursad dhaqaale, ee waa dabin si xeel dheer loogu bartilmaameedsaday bulshooyinka baylahda ah, gaar ahaan dhallinyarada. Haddii aan wax laga qaban, waxa ay keeni doontaa:
- Dhaqaale burbur baahsan oo sababi doona saboolnimo baahsan.
- Kororka dembiyada sida tuuganimo, khiyaamo, iyo afduub.
- Burburka qoysaska sababta oo ah dhaqaalaha lumay waxa uu keeni doonaa khilaaf qoys.
- Dhallinyarada oo lumisa mustaqbalkooda, taas oo sababi doonta shaqo la’aan iyo jihowareer nololeed.
Si looga hortago dhibaatooyinkan, waa in bulshadu si mideysan u diiddo 1XBET, dowladda iyo shirkadaha isgaarsiintana ay qaadaan tallaabooyin cadcad oo lagu xakameynayo khamaarka. Haddii aan maanta la joojin 1XBET, berri waxa ay noqon doontaa dhibaato aan xal lahayn!
Soomaaliya uma baahna khamaar – waxa ay u baahan tahay bulsho ka dhisan dhaqan, dhaqaale, dowladnimo iyo higsi horumar.
Dayib Sh. Axmed
Email: dayib0658@gmail.com
Leave a Reply