W/Q Maxamuud Ibraahim (Xaaji)
Isaga oo ka duulaya darxumada qallafsan ee uu ka dheehday dhafoorrada saaxiibbadiisa reer Lubnaan ee ay shirkadda ka wada shaqeeyaan sanadkii 1982, abwaan Maxammed Aadan (Maaweel) waxa uu waqti badan ku bixinayaa in uu derso duruufaha ka danbeeya ee ay saaxiibbadii la daalaadhacayaan. Abwaanku xilligaas waxa uu ahaa qurbejoog ka xoogsada dalalka Khaliijka Carabta. Waxa si goonni ah u damaqday murugada ay saaxiibbadii ku sugan yihiin, ee sabarradu la dhuubteen. Waa murugo gaar ku ahayd iyaga, dadka kale ee ay shirkadda u wada shaqeeyaan ee daafaha adduunka ka kala yimidse aanay la qabin. Waxa uu abwaanku u kuurgelayaa waxa ay raggani jeer la arko gorodda u laalaadinayaan ee go’doonka ugu jiraan. Waxa ay ishiisu qaban waayaysaa raggaas oo aan mar qudha wejiyadooda wax farxad muujinaya laga daalacanayn. Nimankaasi waa maqane-jooga. Hadh iyo habeen waa ay maahsan yihiin. Jeer la arko waa ay gorrosayaan, oo hoos u gunuunucayaan. Waa ay muuqataa in uu jiro wax u gaar ah oo gubayaa.
Dareenkan abwaanka saaqay ma aha arrin si sahlan ay cid waliba u fahmi karto. U kuurgelidda xaaladahuna waxa ay u baahan tayay aragti fog iyo garasho qoto-dheer. Indheegaradka uun baana dareenka noocaas ahi uu u gaar yahay. Abwaanka jawaabtii u soo baxday waxa ay noqotay, in waxa raggani ay la tiicayaan ee la tirraanyoonayaan ay sabab u tahay dagaal-sokeeye oo dalkoodii ka socda. In ay yihiin niman dhiillo u joog ah oo wadnaha farta ku haya. Maalin la arko cid qoyskooda ah, qaraabadooda ah, deriskooda ah, saaxiibbadood ah, tolkood ah oo la dilay ama silic kale u dhintay baa warkooda loo keenayaa. Waxaa intaas sii dheer inta ay nolosha ku tirinayaan, waxa ay marayaan silic iyo saxariir adduunyo, iyo qax iyo qarax joogto ah. Waa niman maradoodii ay ku dul gubanayso. Dab baa hoosta kaga shidan.
Abwaanku kolkaas buu sawirtay, sida ay markaas (1982) Soomaaliya wax uga socdeen haddii aan wax laga beddelin in ay suurtogal tahay in dagaal-sokeeye ay ku danbaynayso. Shacabka Soomaliyeedna ay geli karaan marxalad u eg tan hadda ay ku sugan yihiin dadka reer Lubnaan. Kolkaas buu isaga oo waajibaadkii saarnaa gudanaya uu gabaygan qiimaha leh ee la magacbaxay Aan isku dhoobnaanno uu inoo soo tebinayaa.
Bani-aadamku iyaga oo dhacdooyin meel ka dhacaya u wada jeeda, bay haddana fahanka ay dhacdadaasi ka qaadanayaan uu aad u kala geddisan yahay. Waatii hore loogu maahmaahay, “weel waliba muggiisuu dhididaa.” Waxa kale oo jirtey maahmaad tiraahda “Nin waliba kaskiis buu kor tagaa.” Wixii hortooda yaalley, ee indhahoodu ay ammintaas arkayaan ee u muuqda uun baa dadka in ka mid ahi, ay wax ka soo tebin karaan. Intaas laftoodu waxa ay is dheer yihiin qaabka tebineed ee ay ugu soo bandhigi karaan bulshada ay rabaan in ay farriintooda gaarsiiyaan.Qaar baa ku ekaada in ay soo gudbiyaan dhacdada dhacaysa iyaga oo qaab sheeko ah uga warramaya – sida markaas la joogo ay wax u dhacayaan. Qaar kale waxa ay sii raaciyaan dhacdadaas taagan iyo waxyeellada ay muggaasi oo keli ah ku hayso dadka ay dhacdadu taabanayso. Kuwa kale oo tiro yari, waa ay sii durkiyaan oo waxa ay intii hore ku sii badhi-karaan cawaaqibka durugsan ee ay dhacdadaasi mustaqbalka soo socda u geysan karto dadka ay ku habsatay oo qudh ah. Dad aad iyo aad u kooban— oo faro ku tiris ahi— si kuwii hore oo dhan ka sii xeeldheer bay u fekeraan. Kuwani waxa ay u sii dhaadhacaan oo is weydiiyaan su’aalo waaweyn, waxa ayna sii odorosaan xidhiidhka ka dhexeyn kara dhibaato gobol dunida ka mid ah amaba dal dunida ka mid ah iyo caalamka intiisa kale. Gaar ahaan waxa dhacda in ay ku dhudhumiyaan meelihii ay iyagu asal ahaan kasoo jideen. Tusaale ahaan, abwaankan waxa u sawirmaya in ay dhici karto in Soomaalidu ay geli karaan xaaladdan reer Lubnaan oo kale.
Su’aalahaas aan dadka u wada muuqan, hayeeshee indheergaradka oo keli ahi ay is weydiin karaan waxaa ka mid ah: –
1) Dhibkan jira xaggee buu markiisii hore ka soo unkamay?
2) Dhibkani ma dadka uu haysto oo keli ah buu ku kooban yahay, mise gacmo iyaga ka baxsan baa qayb ka ah?
3) Waa maxay ujeeddada durugsan ee ka danbaysaa?
4) Ma jirtaa cid danteeda ka dhex aragta in dhibkani uu sii jiitamo?
5) Ma jirtaa cid kale oo dhibkan mid la mid ah ama u eg ay meel kale ku haysato?
6) Maxay wadaagaan—astaamo ahaan— dadyoowgan kala geddisan ee dhibka isku midka ah ama isu egi uu haysto?
7) Astaamahaas sababta u ahaa dhibaatadan isku midka ah ee meelaha kala durugsan ka taagan, in bulshadooda/dalkooda laga dhex heli karo bay haddana hoos ugu sii dhaadhacaan.
8) Kolkaas bay haddana doortaan, sida ugu qumman ee dhibka jira ay dadkooda ugu soo bandhigi lahaayeen, si – dadkoodu – ay ugu baraarugaan ugana sii gaashaantaan.
9) Soo bandhigid oo keli ah kuma ay ekaadaane, indheergaradkaasi haddana waxa ay is weydiiyaan, maxaa xal u ah dhibkan? Jawaabta u soo baxda ee ay xalka u arkaanna waa ay raacsadaan oo sidaas bulshada kula wadaagaan.
10) Indheergaradka kuwooda ugu curinta iyo hal-abuurka sarreeyaa waxa ay cugtaan in ay dooddooda ku soo gudbiyaan qaab suugaaneed – tix ama tiraab.
11) Tixda oo ah tan ugu tayada iyo tisqaadka dheer – aniga aragtidayda— buu Abwaan Maaweel doortay in uu dhacdadaas 1982-kii taagnayd uu inagula wadaago.
Abwaan Maaweel (AHN) waxa uu ka mid ahaa dadkaa kooban ee faro-ku-tiriska ah ee su’aalahan kore oo dhan is weydiiyey. Isla markaana sii odorosay in uu jiro xidhiidh ka dhexeyn kara marxaladdiii uu dalkiisu ku sugnaa iyo dhibkan haystey reer Lubnaan, reer Afqaanistaan iyo qaar kaleba. Gorfaynta gabaygan ayaynu kaga boganaynaa jidka uu abwaanku u maray odoroskiisaas iyo sida 43 sannadood ka hor wixii uu ka digayey, ay Soomaaliyi maanta u dhex batalaqsanayso. Gabaygan waxa uu abwaanku u kala qaybinayaa dhawr mawduuc oo mid walba uu gaartiisa farta inoogu fiiqayo.
Dhaqanka
Abwaanku waxa uu gabaygan Aan isku dhoobnaanno ku bilaabayaa saluug uu ka muujinayo dhaqankii suubbanaa ee salka ku hayey hiddaha Soomaalida. Waxa uu inala wadaagayaa – sida uu u arko– in dhaqankii uu duullaan dibedaha kaga yimid khatar ba’anna uu ku hayo. Waxa uu inoo sheegayaa niyadjabkii uu arrintaas ka qaaday, iyo intii muddo ahaydba in uu dhabanka iyo gacanta isku hayey, go’aanna uu ku gaadhay in uu afkiisa xidho. Waxa abwaanka dhaliil ula muuqatay gabayadii iyo heesihii dhaqanka ee bulshada lagu wacyigelin jirey, goleyaasha lagaga haasaawi jirey, hawadana la isu marin jirey, in miyuusik meelo qalaad ka yimid lagu beddelay, sidaasna lagu qiimatiray. Miyuusigan iyo heesahan uu qoob-ka-ciyaarku weheliyo, wax silloon oo sirgaxan oo meel daran laga soo waariday buu ku sifaynayaa. Isaga oo arrinkaas ka hadlaya waxa uu leeyahay “Hiddihii dhan baa maqan sidii daasad dheeh jabane!”
Abwaanku waxa uu ku garnaqsanayaa, kol haddii dhaqankii soojireenka ahaa sidaa loo maydhaamay, in uu go,aansaday gebi ahaanba in uu gabaygii ka saahido, sidaasna uu hadalhayntiisiiba ku dhaafay.
Intaas dabadeed, waxa uu inala wadaagayaa, waxa sababay in uu go’aankiisii hore beddelo, oo uu caawa tixdan inagu sooro. Isaga oo halkaa ka miisaya, buu leeyahay, rag aan qaddarin weyn u hayo baa caawa isoo kallifaye iguna dhaartay in aan wax uun ka iraahdo dunida iyo waxa ka aloosan. Kolkaas, dabadeed waxa uu inala wadaagayaa in gabaygani uu yahay dardaaran, kuna suntanaan doono in uu noqdo mid lagu halqabsado oo muddo dheer ay hadalhayntiisu ay taagnaan doonto. Isaga oo arrinkaas tilmaamaya waxa uu leeyahay,
“…Caawana rag baa’i dhaariyee dhiib isma lahayne
I dhegeysta waa kaad wax badan dhihi lahaydeene…”
Qaranka iyo Qabiilka
Dawladnimada salka looga dhigo qabyaaladda, iyo sida aanay u tisqaadin buu ku ibo-furayaa qaybtan. Kolka aad gabayga dhuuxdo, isla markaana aad xaaladda maanta lagu jiro ku dhudhumisid, waxa aad is odhanaysaa toloow abwaankani ma “garabdaar/rooxaan” buu leeyahay oo waa la weheliyey dharaartii uu arrinkan sii odorosayey isaga oo jooga 1982kii. Waxa uu ka sii digayaa – wax u eg – nidaamkan 4.5 ee dhaxalkiisii uu noqday in dawladnimadii loo ekeysiiyey dhaxal ay kala goosanayaan dad aan wax mideeyaa jirin, taladoodiina ay ku soo ururtay inay heshiis ku gaadhaan in ay qaydhiinka ku kala goostaan qalfoofkii qarannimada.
Abwaanku waxa uu Soomaalida haga-tusaalaynayaa dawladnimada qabiilka (4.5) ku dhisan– dib-u-dhac mooyaane – in aan wax horumar ah laga gaadhin; waxa keli ah ee aakhirka looga dhacayaana ay tahay fashilaad iyo colaado aan dhammaanayn oo qabiilooyinkaas dawladnimadii sarriftay u dhexeeya. Waxa uu ku sifaynayaa in xaaladdaas ila meeraysada ah ee sida giraanta guudkeeda loogu wareegayo in aan dhinacna looga baxayn – inta nidaamkaas qabiilka ah ay dawladnimadu ku fadhido.
“Waa dhabawarmaa qabiil, qaran lagu dhaqaajaaye
Iyagaa dhexdooda iska gala dhiig walaalnimo’e
Iyagaa dhabeel iyo nin-door dhayla oo dila’e
Kuma dherersadaan dawladaha dhumucda waaweyne
Dhoollaha ma muujaane waa dhuluhtamaayaane
Waa wada dhufaan maahsan iyo dhidar aan fiicnayne
Adduunyadan dayaxa dhaaftay bay qolo ku dhaataane…”
Haddii maanta oo aynu joogno 2025 aynu indhaheenna ku aragno sifooyinakaas uu abwaanku ka digayey 1982, welina aynaan garan meesha uu eelku inaga haysto, maxaa la inagu tilmaami karaa – ma dad waalan mise dad miyir qaba? Abwaankanise ma shaki baa inagaga jira in uu indheergarad ahaa?
Siyaabaha dadka wax loo fahamsiiyo waxaa ka mid ah in tusaalayaal markhaati-ma-doon ah la soo hordhigo. Abwaanku isaga oo saldhigaas ka duulaya, waxa dadka Soomaaliyeed ee uu la hadlayey uu la wadaagayaa dalal adduunka ka mid ah oo xilligaasi ay dagaallo dhexdooda ka aloosnaayeen. Waxa uu soo gudbinayaa sida dadkii dalalkaas u dhashay foodda la isugu geliyey, cadawgoodiina uu dabka ugu sii shidayao – si uu dawladnimadooda u wiiqo amaba u tirtiro, dabadeedna uu isagu danihiisa uga fushado. Dalalkaasi waxaa ka mid ahaa Lubnaan, Afqaanistaan, Falastiin iyo Ilsalfadoor. Waa dalal ay ka aloosnaayeen dagaallo loo soo xawilay, oo shisheeye uu dabada ka riixayey. Dayaca haysta dadkii dalalkaas, iyo silica iyo saxariirka iyo haantaa-hadhuubla’da ay ku sugan yihiin buu midmid inoogu sawirayaa. Waxa uuna Soomaalida ku guubaabinayaa inay ku mintidaan nabadgelyada gudahooda, haddii kale sidaa reer Ilsalfadoor ku dhacday bay iyaga oo harraad iyo gaajo la ildaran ay u hoyan doonaan – sidii haadda oo kale — oogada kore ee dhir ku taalla meel oommane ah oo geeri-go’an ah. Waa xaqiiq in maantadaa aynu joogno ee Nofember 2025 ay jiraan dad Soomaaliyeed oo degaannadoodii laga soo barokiciyey oo daadsan dhirta hoostooda. Carruuro iyo waayeel Soomaaliyeed baa gobollo badan oo Soomaaliyeed cadceedda daadsan oo gaajo iyo harraad la ildaran, welibana ay abaar iyo cudurrona u dheer yihiin. Waxa dhibkaas marsiinayaana waa maanlawayaal Soomaaliyeed ee silica dadkooda magac iyo macaash ka raadinaya.
Isticmaarka
Isticmaalka iyo xeeladihiisa buu si cilmiyaysan uga faalloonayaa. Waxa uu ka digayaa dibindaabyada isticmaarka iyo sandareerada uu wax ku sabo, waxana uu soojeedinayaa in arrinkaas lagu baraarugsanaado. Waxa muuqata in abwaanku uu si xeeldheer oo xogogaalnimo ku dheehan tahay uu uga warqabey tabaha gurracan ee doqoni-magaratada ah ee ay isticmaalaan isticmaarkan casriga ah, kuwaas oo dalalka dunida saddexaad ka dhigtay wax iyaga u dabran oo ku tiirsan la’aantoodna aan noolan karayn (Neocolonialism and dependency theory!) Bad tuducyadan u kuurgala.
“…Isticmaarku dheefta uu baxshaa waa dhillowyahane
Dhanaan iyo macaan lagu kobco iyo malaha dheecaane
Hadba meesha subaxdaas dhanqalan waa’u dhutinayaaye
Goortay dhabqalalowdo waa kii ka dhaashad’e
Haduu maalin kuu dhaamiyoo dharaq ku nuugsiiyo
Berrituu ku dhuuxyaynayaa dhawr adoo qadaye
Dhal abeeso lama aamminee aan isku dhoobnaanno…”
Midnimada
Abwaanku waxa uu gabaygan ku soo afmeerayaa in xalka ugu toolmoon ee lagaga baaqsan karo colaadaha sokeeye uu yahay ummadda Soomaaliyeed oo is iimaansata, ogaatana in wixii midnimo iyo wadajir ay ku weyday in tafaraaruq iyo kala qoqobnaan aanay ku gaadhayn. Waxa uu soo qaadanayaa tusaalayaal dhawr ah. Waxaa ka mid tuducyadan hoose ee uu inagu tusaalaynayo sirta ka danbaysa saddexda dhardhaar ee dheriga la saaro. Waxa kale oo ku xusayaa isla tuducyadan hoose cayayaanka aadka u yaryar ee dhuuryaalaha la yiraahdo ee malabka sameeya. Cayayaankaas yaryar ee gendiga ka sii yaryar, ee isheenuba ay dirqiga ku aragto, marka ay iskaashadaan ee midnimo ku hawlgalaan waxa u suurtogasha in ay noqdaan wershed waxsoosaar, oo iyaguna dhuunigooda la soo baxa, aadanaha iyo xayawanaano kalena ay waxsoosaarkoodaan ka faa’iidaystaan oo dheefsadaan.
Dhardhaaradu hadday laba yihiin dheri ma qaadaane
Waxaa dhagaxa kale loogu daray shaygu yuu dhicine
Qofna keli ma dhiirado haddaan dhawr la ciidamine
Dhuuryaale kama liidanee aan isku dhoobnaano!.
Mar kale abwaanku waxa inoo sawirayaa wixii aad ka weydey walaalkaa in aanad ka helayn shisheeye kale, maalinta ay dhanaanaatona in walaalkaa oo qudh ah uu yahay kan naftiisa kuu hurayaa. Imaaraadka, Itoobiya, Kenya, Turki, Qatar iyo Maraykanku in aanay waxba inoo ahayn ee ay danahooda inaga fushanayaan buu ka sii digayey. Nasiibdarro, maanta siyaasiyintii Soomaaliyeed shisheeyahaas bay kalsooni ka raadsadaan iyaga oo ka cararaya cadowna u arka walaalkooda kale ee Soomaaliga ah.
Waxa uu jeer kale soo qaadanayaa maahmaahdda tiraahda “laf walba tan xigta ayaa lagu kabaa.” Mar kale isaga oo midnimada inagu boorinaya waxa uu tusaale usoo qaadanayaa, sida dhudaha xadhigu uu ka kooban yahay ay isu kaabaan, dhudna aanay keli ahaanteed waxtar u lahayn oo aanay waxba inoo xejinayn.
Ilaahay ha u naxariistee abwaan Maxammed Aadan (Maaweel) waxa uu geeryooday horraantii qarnigan aynu ku jirno.
Maxamuud Ibraahim (Xaaji)
Email:dalmarbilaal@gmail.com
