Gorfeyn Buug: Dabin ka Bood: Taariikh Nololeedka Abwaan Cismaan Diiriye Kulane (Carrabey)

Gorfeyn Buug: Dabin ka Bood: Taariikh Nololeedka Abwaan Cismaan Diiriye Kulane (Carrabey)

WQ: Anwar Maxamed Diiriye

“Wixii la qoraa qaruumo hadhee, muxuu hadal qiime leeyahay.” – Cabdi Warfaa Sinimo, 1945.
“Dhigaal la’aani waa dhaayo la’aan.”  Maahmaah Soomaaliyeed.


June 30, 2025, Alxamdulillah, waxa aan nasiib u helay in aan akhriyo kana bogto buug lagu daabacay Nairobi, 2025, oo uu sooyaalka noloshiisa oo xiiso iyo xamaasad badan kaga warramay Abwaan Cismaan Diiriye Kulane oo loo garan og yahay “Carrabey.” Buugga waxa uu ugu walqalay magaalada Minneapolis ee dalkan Mareykanka, magaciisana waxa uu u bixiyey ‘Dabin ka Bood: Taariikh Nololeedka Abwaan Cismaan Diiriye Kulane (Carrabey). Waa jiilkaa, jabkaa iyo jeerkaa ka hadal, ku yar in ay dadka Soomaalidu wax ka qoraan. Waxa ku qoran sooyaalkiisii nololeed kharaar iyo macaan kuu ahaadaba oo uu si fiican ugu farayareystay ka warintooda.

Kolkii hore wuu ila dhumuc yaraaday, markaan bilaabayse, waxa aan qiray in dhumucdiisa iyo xikmadda uu xambaarsan yahay ay aad u kala weyn yihiin. Waa buug marka aad akhriskiisa bilowdo maankaaga si sahlan u hantinaya oo godlinaya ilaa aad dhammeyso, haddii aad tahay ruux adkeysi u leh akhriska. Dusha kore ee buugga waxa meel doc midig ah uga yaal qoomaarta qoraha oo dhallin yar, oo malaha qoomaariso tayo sare leh lagu qoomaariyey, inta kalana waxa ku qoran cinwaanka buugga iyo midabbo lagu shaqlay, malaha bilic ahaan! Boggagiisu waa 132 warqadood oo midab cad leh.

Aniga iyo inta ila da’da ah ee mar uun nasiib u heshay in ay ku barbaaraan goob dhaqanka iyo sooyaalka Soomaalidu sees adag u aha, dhegahayaga kuma cusba maansooyinka abwaanku, waxase hubanti ah in suugaantiisa iyo araggiisa isla falgelintoodu ay waayo dhow igu ahayd.

Abwaan Cismaan waa hal-abuur suugaan iyo dhaqan yaqaan ah, ganacsade hoodo gedisley leh, siyaasi aragti dheer iyo jamhad waayo arag ah. Buugga waxa uu u kala dhigay laba qaybood oo waaweyn, oo u sii kala baxa shan cutub oo uu mid waliba xiise gaar ah wato. Waxa uu dul-xaadin ku samaynayaa dhalashadiisii, kacaamistiisii, hanaqaadkiisii, hal-abuurkiisa, iyo saameynta ay suugaantiisu ku yeelatay dadka Soomaaliyeed, goosashadiisii iyo ku biiriddii SSDF. Waxa buugga ka buuxa oo aad ugu yaraan dhawr bog markaad akhrisaba aad dul tegeysaa haddimooyin noloshiisa la soo dersay oo uu mid walba amarka Eebbe iyo dadaalkii la faray uu uga samato baxay, waana halka cinwaanka buugga ee ‘Dabin ka Bood,’ uu ka soo dheegtay.

Qaybta labaad waxa uu si xirfad, xarakayn iyo hoodo leh uu uga sheekeynayaa hal-abuurkiisii ganacsi, qaxii taag-waa, imaanshihiisii, ku nolaanshihiisii iyo ka xoogsigiisii qurbaha, ku biirridiisii siyaasada iyo Maraykan ku soo guya-noqodkiisii. Waxa uu buugga saddaradiisa ku sheegayaa dhawr qodob oo ay ka muuqato xilkasnimo siyaasadeed iyo aragti hal-abuur fog oo uu u arkay in ay jamhaddii SSDF burburkeedii sabab u ahayd, aragtidiisa:

“Laba kooxood oo is diidan ayaa jamhadda ku wada jirtay. Koox calan-cas ah oo shuuciyadda taageersanauyd, iyo inta badan koox kale oo dhanka galbeedka la hayey ayna u badnaayeen raggii aqoon-yahanka iyo ganacsatada ahaa ee jamhadda ka soo galay Bariga Africa, iyo Itoobiyaanka oo aragti kale ka lahaa joogitaanka jamhadda ee dalkeeda. Aakhirkiina waxa ay noqotay in jamhaddii ay yeelan weydo aragti cad, mideysan oo hagta nidaamkeeda. iyo siyaasad degsan oo habraac la garan karo leh,” waa sida uu qoruhu buuggiisa boggagga 60-61 ku tebiyey e’.  Fiiro-gaar: ereyeynta anigaa wax ka beddelay ama ku daray, fahamkase wax kama beddelin..

Dhanka hal-abuurka maanso ee uu curiyey isu geyn waxa buuggan ku qoran 32 maanso oo waayo iyo ujeeddooyin kala duwan oo nolosha bulshada Soomaalida ka warramaya, oo isugu jira waayihii kooxdii Heegan ee Booliiska Soomaaliyeed, waayihii SSDF & Amxaar la joogga, waayihii qaxa iyo haantaa-wilifta, waayihii u dhexeeyey, waayihii siyaasadda iyo ilaa hadda iyo Minnesota.

Waxa uu sadarrada buugga Abwaan Cismaan kaga sheekeeyey dhacdooyin wada dabin ah oo dhex maray isaga iyo dawladdii Soomaaliya, isaga iyo SSDF, isaga iyo NSS, isaga iyo Siyaad Barre, isaga iyo Amxaaro, isaga iyo ehel-la-mood bangi madax ka ahaa, isaga iyo skhsiyaad kale oo awoodo kale u sheegtay, isaga iyo habar qori AK47 ah wadata oo jidgooyo u dhigatay, iyo kuwo kale oo badan, oo dhammaantood uu Eebbuhu ka caymiyey.

Qoraha buugga iyo qareen Itoobiyaan ah oo arrimo sharci kala tallinayey ayay dhex martay dooddan soo socota, gaaban ee aragtida fog lihi, taas  oo ahayd war goonyaad dhab ka hadal u egi, 1998, Addis Ababa:

Qareenka: waxan aadi doonaa Canada oo waxaan soo laaban doonaa 2004, waxaanan rajeynayaa Soomaaliya iyo Itoobiya oo hal dal ah in aan soo noqdo.

Qoraaga: ma Itoobiya ayaa Soomaaliya qabsanaysa?

Qareenka: maya, ee qayb qayb ayay noo raacayaan oo waxa laga dhaadhicinayaa inay na soo raacaan! Sheekada wuu ka baxayaa oo arrimihii talobixinta sharci ayuu dib ugu laabanayaa.
Dabin ka Bood: Bogga 98

Ka akhriste ahaan tani waxa ay i soo xusuusisay han weynaan iyo himmil durugsanaan ay Guuleedyada uu ninka uu ku dhego hadlayaayi waa lahaan jireen, oo ay hillaadin jirtay hees ay kooxdii Horseed qaadi jirtay, miraheedana ay ka mid ahaayeen:

Tafaroow garaad xume
Guuleed inaan ahay
Oo guusha leeyahay
Goormaad illowdey!?
Kooxdii Horseed ee Ciidanka Xoogga Dalka, 1977.

Dabain ka Bood, waa buug mudan in la akhriyo oo si wacan loo dhuuxo xikmada maanso iyo waayo aragnimo ee ka buuxda, waan hubaa in wax badan laga baran doono, Insha Allah. Waxa aan kula talin lahaa qoraha buugga Abwaan Cismaan, in uu daabacaadda dambe uu aad uga fiirsado qaabeynta iyo sadareynta qormooyinka buugga, iyo in uu maansooyinka xilliyeeyo oo uu ku daro mid walba goorta uu curiyey, iyo goobta uu ku sugnaa, Insha Allah.

Nugaalina halkeedii, ma u heellantahayoo
Togdheeroon hagranahayn, ma is hareero joogaan
Hororkiyo waraabihii, ma ka soo hor jeesteen
Mudug heerki laga rabay, kama soo hagaagine
Ma inay habsaantooy, hawl gabtaan ku tiriyaa!
Dabin ka Bood: Soomaalidu ma Huruddaa – Cismaan Diiriye Kulane. Boggagga 44-46.


Anwar Maxamed Diiriye 
Email: anwar@usfamily.net 
Minneapolis, Minnesota
——-
Anawar waa qoraa, islamarkaana naqdiya suugaanta

Leave a Reply

Your email address will not be published.