W/Q Cabdiraxmaan Yuusuf Cabdi
Gogoldhig
Deeqaha dunidu ugu yaboohdo qaarada Afrika ayaa ah mid dunidoo dhan u aragto in ay tahay mid aysan qaaradda Afrika la`aanteed noolaan karin, islamarkaana dadka iyo dalalka laga soo ururiyo deeqdaa waxaa lala-wadaaga in hadii aan Afrika laga gaadhin darxumooyinka iyo duruufahaha haysta oo aan gargaar lagaadhsiin, ay dadka qaaradaa ku dhaqani dabar go`ayaan oo firkoodda iyo faracooduba uu u dhamaanayo gaajo, barakac, aqoondaro iyo diin la`aan.Halka qaarad Afrika ay u tahay qudh-gooyo iyo curyaamin wax soosarkooda iyo xoogsiga dadkooda lagu fadhiisanisayo.
Waa gogoldhiga aragtiyeed ee maqaalkani xambaarsan yahay, inagoo si higilaysan marka hore isula eegayna aafada iyo dhibaatooyinka gargaarka magaca deeqaha huwani u gaysto bulshawaynta qaarada Afrika si deegaamysana Soomaaliya, marka xigtana waxaynu hoos ugu daadagayna sida cad-quudheedka markasta la inoogu yaboohaa uu bulshada reer guuraaga ah ee Soomaaliyeed u saameeyey, islamarkaana uga dhigay maxaysato degan baco kuyaal meelo banaana qaybtoodna ay ku xaraysan yihiin xeerooyin oodan oo lagu quudiyo.
Hordhac
Gargaarku waxa uu ahaa shay soo jireen ka ah dunida, xoolo gooyo lagu soo uruuriyay si deeq, sooryo ama sadaqo ah, ayaa dal ama daddi ugu deeqi jireen deegaan kale oo ay daris wadaag, dan wadaaag ama diin waadaag yihiin. Mudooyin badan ayaa dunidu isu damqasho iyo isasiinta mucaawino wax ku oola kusoo caano maashay, oo markii meel dhibaato argagax leh oo deegan ama dagaal ay ka dhacdo waxaa u gurman jiray cidda markaa ay u muuqato in ay u muddan tahay ee ku dhaanto tamar, gaadhsiin kartana taakulo wax ku oola oo dhiig joojin iyo tamar gelina.
Muddooyin badan oo deeqahaasi ahaayeen kuwo ciddii mar lasiiyo ay noqon jirtay in ay ku dhiirato in ay hanti celin iyo abaalcelin wayn kaga jawaabto wixii lasiiyay, oo ay dadku dhexda u xidhaan in ay shaqaystaan islamarkaana kor u qaaadan wax soosaarkooda nololeed.
Waxa hadda bedeshay in laysa siiyo deeq loo bixiyay gargaar, islamarkaana noqotay curyaamin nololleed oo cidda qaadata, lasiiyo wax yar oo qofka ka dhigta inuu u lug xidhnaado sandareerto yar oo aan dhuun qoys ahayn, kana dhigta mid maalin kasta ilimada la taagan weel madhan oo uu ku doonayo in intii shalay lasiiyay wax loogu daro.
Haddii deequhu ahaan jireen naf-joojin iyo waxsiin wanaagsan, hadda waxa ay noqdeen kuwo Siyaasadaysan, Diimaysan islmarkaana ku xidhan dan iyo xaajo gooniya oo naafayn mooyee oo aan nafci lahayn.
Soomaaliya iyo Gargaarka
Dawladda Soomaaliya waxay muddo dheer ku tiirsanayd gargaarka caalamiga ah, si ay wax uga qabato baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada, gaar ahaan marka ay dhacaan dhibaatooyin waaweyn sida abaaro, colaaddo, barakac iyo macluul. Gargaarka dawladda Soomaaliya la siiyaa waxa uu soo bilowday kahor intii aysan dhicin dawladda Somaaliya, waxaa deeqo badan soo gaadhsiin jiray dalalka Carbeed iyo dawladaha caalamka.
Gargaarkan wuxuu sii xoogaystay, kadib burburkii dowladda Soomaaliya (bilowgii 1990-meeyadii), markaas oo adeegyadii dowladdu meesha ka baxeen, kaabayaasha dhaqaaluhuna ay burbureen.
Wixii ka danbeeyey bur-burkii gargaarka iyo baahada caalamku Soomaaliya siiyaa waxa ay noqtay wax joogta ah, oo waxaa laysla qaatay in bulshada loo gargaaro, si inta hadhay ee fufka ahi ugu dabar go`in, nafaqa daro, cuduro, aqoon darro iyo maamul-xumo.
Walow ay hay`aduhu wax badan ka qabteen dhibaatooyinka haystay bulshada Soomaaliyeed haddana waxa ay gaysteen dhibaato ka gun iyo mug balaadhan inta inoo muuqato, oo bulsahdii waxa ay ka dhigeen, maxaysato weel la taagan banaan oo aan waxba qabsan karin in wax loogu rido moooyee. Deeqaha Soomaaliya soogaadhaa haddii aan abla abalayno, Soomaaliya waxa ay heshaa oo loogu yaboohaa nooc kasta oo deeqa oo bani aadamku isa-siiyo, haddana in dadku baahi kasii qaado mooyee waxba uma tarto.!
Soomaaliya waxa ay dunnidu siisa gargaaro kala duwan oo mid kastaa magac gooniya sito kuwaa oo kala ah:
1. Gargaar Gurmad: Birmad lagaga jawaabayo dhibaato iyo aafo dhacday.
2. Gargaar deeqa: Dad ama dalal ayaa laga soo uruuriyaa, iyadoo lasoo dhexmariyo hay`addo si ay u gaadhsiiyaan dadka tabaalaysan.
3. Gargaar caymisa: Waa gargaarka hay`addaha waawen sida Baanka Adduunku iyo hay`adda lacagtu (IMF) bixiyaan, oo isna qayb ka ah lacagaha loogu yabooho ama lasiiyo dawladda iyo bulshda Soomaaliyeed.
Soomaaliya deeqaha Sanad walba loogu yabooho iyadoo lahuwinayo magacyadda noocyadda gargaar ee aan soo xusnay waxaa lasheegaa in lacag balaayiin iyo malaayiin ah loogu deeqo, celcelis ahaan sanad walba waxaa lasiiyaa lacag u dhaxeysa US$1 bilyan ilaa US$2 bilyan oo gargaar ah, taa oo ka dhigaysa Soomaaliya in ay safka hore kaga jirto wadamada la siiyo gargaarka ugu badan caalamka.
Miisaaniyadda wax soosaar ee Soomaaliya waxaa shan jibaar ka badan deeqaha loogu deeqo, taasina waa sababta keentay in dawladda Soomaaliya jiritaankeedu uu ku tiirsanaado qaadhaanka iyo gargaarka duniddu ay siiso.
Gargaarka iyo Reer Guraaga Soomaaliyeed
Mucda aragtiyeed ee maqaalkani xambaarsan yahay waa in ay ka warano bulshada Soomaaliyeed oo u badan reer guuraaga iyo dhibaatada uu u gaysto gargaarka aan sida wanaagsan loo qorshayni. Kaasi oo keeni kara in bulsha badan oo Soomaaliyeed oo reer guuraa ahayd, ay ka tagaan xoolo dhaqashada una hayaaman magaalooyinka waaweyn.
Qof aan darxumo nololeed hayn oo loo sameeyay Caqliyad Baahaysan, la baray dawarsiga iyo is-gaajaysiinta si looga kaxeeyo baadiyihii uu ku naaloo islamarkaana loo dajiyo waab ku yaal banaan cidlo ah oo ka samaysan baco iyo kartoomo, ayaynu faaqidi doonaa sida baahada la siiyaa ay ugu horseeddo darxumo.
Saamaynta Taban ee Gargaarka ku yeeshay Reer Guuraaga Soomaaliyeed
Bulshada Soomaliyeed waxaa la sheegaa in 70% ay yihiin reer miyi dagan baadiyaha, kuwaa oo isugu jira xoolo dhaqato iyo beeralay. Reer guuraaga Soomaaliyeed waa laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, maadaama ay yihiin isha wax-soo-saarka iyo dhoofinta xoolaha, oo aynu ka helno dhaqaalaha ugu badan ee soo gala dalka Soomaaliya. Waxaa lasheega in wax soosaarku xooluhu uu ku biiriyo wax soo saarka guud ee dalka sanadkii 30-40%. Waayadii hore abaaruhu waxa ay ahaan jireen kuwo Soomaaliya ka dhaca balse aan joogta ahyne, oo wax tobanaankii sannaba mar la arko, hadase abaaruhu wax ay noqdeen wax joogta ah oo dhawrkii sanaba mar la arko sabbabo la xidhiidha isbeddelka cimilada.
Duruufaha nololeed ee abaaraha ka dhashay ayaa bulshada reer guuraaga ah ee Soomaaliyeed ka dhigtay kuwo nugul oo u baahan taageero iyo gargaar hay`adeed. Colaadaha ka dhasha biyaha, baadka iyo degsiimada oo waayadii hore inagu yaraa ayaa hadda xadhkaha goostay, maadaama ay iskun ahaan ka bilowdaan dhibaatooyinka abaari keentayga ah. Waxaa batay qaxa ka dhashay colaadaha, barakac ka yimi yaraaanshiiyaha wax soosaarka xoolaha iyo hayaan dadku u galeen in ay aadaan magaalooyinka waaweyn, istaas oo dhibaato oo isbiirsaday ayaa keenay in dadku noqdaan Gob baahan oo lagu quudiyo gargaar hay’addeed.
Hay`addaha gargaarku waxa ay bulshada taabaalaysan siiyaan wax ay ugu yeedhaan Gurmad balse ah qudhgoyn.
Gargaarada sababa darxumooyinka iyo dabarka go`a bulshada reer guuraaga ah waxaa kamida:
1. Aafada lacagaha hay`adduhu bixiyaan (Cash-Based Transfers)
Hay`addaha caalamiga ah sida WFP, UNICEF, iyo FAO ayaa sannadihii dambe bilaabay in ay reer guuraaga siiyaan deeq lacageed oo cadaaan ah. lacagahan oo loo siiyo dadka si ay ugu iibsadaan cunto iyo adeegyada ay u baahan yihiin. Tusaalle ahaan, WFPayaa sanadkii 2023 keliya bixisay in ka badan USD 260 milyan oo lacag caddaan ah, waxaa la siiyay qoysaska reer miyiga iyo barakacayaasha ku nool Soomaaliya.
Inkasta oo lacagahan ay caawiyaan dadka marka xaalad degdeg ahi ku timaado, haddana waxay sababeen in dad badan ay noqdaan kuwo fadhiid ah oo in la quudiyo oo lacag lasiiyo uun suga halkii ay ka shaqaysan lahaayeen. Bulshada reer guuraaga ah, oo si oday kasoo gaadh ah u ahayd bulsho xoolo dhaqata ah, oo qofku dhamaan noloshiisu ku tiirsanaan jirtay dhaqashada xoolihiisa, islamarkaan ay naftiisa iyo qoyskiisaba kafayn jiraty. Qofka reer guuraaga ah ee miyga dagani waxa uu haysan jiray ugu yaraan hadii usan waxba haysan labba meesi xoolaad oo dhaqaale ahaan kor u dhaafi jiray kumanaan kun oo doolar hadii lalacageeyo.
Abaaraha dhacay ee keenay in xoolihii dhamadaeen qofkuna caydhoobo, halkii laga keeni lahaa qorsho maalgelineed oo qofkan xeeladii u yaqaanay ee xoolo dhaqista ahyd dib loogu maalgelin lahaa, waxa ay hay`adduhu bilaaben in qofkaa lasiiyo lacag aan ka badnay $100 oo biila, lana dejiyo tuulo ama banaan cidlo ah.
Dhibaatada iyo maamulkaa guracan ee hay`adduhu wuxuu keenay in bulshadii reer guuraga ahyd noqotay maxaysato wax ka sugta quud gaadhi sido oo hay`adid keento. Sidoo kale waxay sababatay in dhaqashadii xoooluhu ay hoos u dhacdo oo dadku ku soo xaroodan kaamam iyo baco degsiimo ah. Arrimahaa oo isbiirsaday waxaa ka dhalatay in laga tago dhaqashadii xoolaha, dhaqaalihii iyo wax soosaarkii miyiguna uu hoos u dhaco. Sanado badan oo xoolo dhaqatadda lasiinayay gargaar xagla laabida, waxaa dhashay jiil cusub oo ku koray nolol gargaareed una arka in dawarsiga iyo sugitaanka gargaarku uu ka muhiimsan yahay nolosha miyiga iyo xoolo dhaqashada.
Lacagihii gargaarka dadka tabaalaysan loogu soo yaboohay, waxa ay isu bedeleen lacago curyaaminta iyo dilista dhaqaalaha iyo wax soosarka xoolo dhaqatada Soomaaliyeed. Ma ku talagal hay`addeed baa oo raba in ay dadkan dabar jaraan.! Mise waa qorshe xumo dawladdeed oo dadkii maamulka u ahaa bulshadan baa gabay oo u keenay qorshayaal aysan aad u dhaadin?
2. Magaaloobidda iyo sameysanka Tuulooyin yar-yar
Sanadihii u dambeeyay, Soomaaliya waxaa si deg-deg ah uga socday isbeddel dhanka deegaanka iyo bulshada ah, kaa oo ay qayb weyn ka ciyaareen barnaamijyada gargaarka bini’aadantinimo ee lagu bixiyo qaab cunto, lacag caddaan ah, iyo adeegyo caafimaadda. Meelo badan oo miyiga ah, gaar ahaan gobollada Gedo, Bay, Bakool, Hiiraan, Gal-guduud, Mudug, Nugaal, Sool, Togdheer, Awdal iyo Bari. waxaa ka samaysmay tuulooyin cusub oo aan hore u jirin. Kuwaas oo inta badan ay sabab u yihiin gargaark ay bixiyaan hay`addaha samafalka. Dad badan oo hore u ahaa reer guuraa ayaa ka hayaamay baadiyihii, si ay ugu dhowadaan meelaha gargaarka lagu bixiyo.
Arrintaasi wax ay sababtay in ay badato deegaemayn iyo dhisida tuulooyin tiro beela oo ku yaal dhul daaqsimeedkii xooluhu daaqi jireen. Tuulooyinkaa cusub ee abuurmay waxa kaliya oo loo dhisay waa in lagu qaato gargaar hay`addeed, mana-laha wax illo dhaqaale oo dhaafsiisan macaawino iyo qorshe kale oo wax soosar oo waara toona.
Tuulooyinkan waxaa loo dhistaa si aan qorsheysanayn, inta badan ma laha biyo joogto ah, suuqyo ganacsi, ama adeegyo dowladdeed. Si kastaba ha ahaatee, dadkii reer guuraaga ahaa waxay doorbidaan inay halkaas degaan, maadaama hay`addaha gargaarku ku bixiyaan raashin iyo lacag. Tuulooyin gargaar ku dhisan ayaa ku fiday dhulka miyiha ah. Dhismaha Tuulooyinkaa waxaa ka dhasha dhibaatooyin aad u badan oo ay kamid yihiin:
Halkan ka akhri maqaalka oo dhan: Dhibaatada Gargaarka ee Reer Guuraaga
Cabdiraxmaan Yuusuf Cabdi
Email: cycsoome@gmail.com
