Fitradu Ma Gablanto

Fitradu Ma Gablanto

W/Q: Cabdullaahi Janno

Fitradu waa dareen dabiici ah oo uu Alle ina siiyay taas oo qofka ku hagta samaha. Waxa ay aflaxidda qofka u tahay waxa ay oksijiintu jirka u tahay. Inkastoo uusan qofna si ula kac ah u diidin qaadashada oksijiinta, misana dadku isku si ula ma dhaqmaan dareenka fitrada oo waxaa badan kuwa diida oo dafira.

Labo tusaalle aan soo hormarsado

Kow: Xaddiis ayaa yiri ilmo walba fitrada ayuu ku dhashaa, waxaase ilmaha saameyn ku yeesha oo diintiisa qaabeeyo waalidka. Labo: Quraanka wuxuu xusayaa arrimaha dabeecadda ku xeeran ee daliilka u ah Xaqa iyo Xaqnimada Alle in laga dheehan karo nolosha kawniga ah (sida xiddigaha, habeen iyo maalin, buuraha, badaha leh cimilada kala duwan, iwm).

Arartaa ka dib, waxaa sanooyinkan dambe baraha bulshada ku soo batay Soomaali dood iyo duris la soo taagan iyagoo ku faanayo inay yihiin “calmaani” ama “diinlaawe”. Waxaa dabeecadahooda ka mid ah inay la qurxoonaatay afkaaraha iyo shuruucda ummado kale si ay u duraan Islaamka iyo axkaamtiisa. Waxay qaasatan diiradda saaraan oo ku doodaan in sharciga caalamka u degsan uu yahay mid kor u qaadayo xorriyadda iyo xuquuqda insaaniyadda iyagoo ujeedku yahay inay xalaalaystaan weerarkooda ku aaddan Diinta iyo Sharciga Islaamka.

Khalkhalkaan diimeed ee ku yimid dhallinyaradaan qeyb ahaan wuxuu ka soo farcamay bulshadeenna oo ilaashan waysay qarannimada iyo nabadda. Waxaynu tobaneeyo sano caadeysannay hab-dhaqan xun oo uu buugga Dal Dad Waayey iyo Duni Damiir Beeshay ugu yeeray “Qabiil-ku-burur, Qori-caabud, iyo Kursi-u-qooq.” Halkaas dayac ayaa ka yimid saameeyay Soomaalidii joogtay gudaha dalka iyo dibeddiisaba. Shacab ka badan boqollaal kun ayaa ka barakacay dhulkii ay Diintooda ku asturneyd iyagoo u qaxay dalal ka duwan diin ahaan iyo dhaqan ahaan. Dayacaas wuxuu dhalay fitno – natiijada fitnadaasna waxaa ka mid noqday jiil seegay Diintooda iyo dhaqankooda.

Iyadoo ay kooxdani aamintay in shuruucda iyo xeerarka galbeedku dejistay lagu badbaadayo ayaa waxaa 2023 dhacday musiibo. Waa gumaadka Qaza. Waxaa durba lagu hungoobay shuruucdii iyo xeerarkii caalamka ay kooxdan Soomaalida ah ku doodi jireen in loo siman yahay, in ay naruuro iyo badbaado yihiin. Waxaa dhanka kalena rumowday in shuruucda caalamiga ah ee haatan qoran uu qortay gumayste is raacsaday dulmi iyo caddaalad-darro. Si kale u dhig, Qaza waxay ina tustay aayad kawni ah oo muujinaysa heerka la-jiifiyaanna bannaan ee ay dunida galbeedku ku dhaqanto. Gumaadka Qaza lagu hayo duruusta uu ina baray waa in aan loo sinnayn shuruucda hadda u qoran caalamka.

Halkii uu fahankaas qaadan lahaa, wuxuu Soomaaligii isaga ahaa weli ku hadaaqaa ereyo aan waaqici aheyn iyo ku celcelinta in sharciyada caalamka la dabaqo maadaama ay insaaniyadda badbaado u yihiin. Dhanka kale, waxay kooxdan cilmaanigoodu ku doodaan oo jecel yihiinna in Sharciga Kitaabka lagu koobo meherka, wan-qalka, iyo janaasada. Uma muuqato kooxdan ama way iska indho tiraan xujada iyo daliilka kawniga ah ee Qaza ina hor keentay ee ah in shuruucda caalamku qortay aan loo sinnayn. Fitradu waxay inagu hagaysaa in Sharciga Alle yahay waxa keliya ee uu insaanku u siman yahay, badbaadana u ah dhammaan bad-joogta iyo beri-joogta iyo deegaankoodaba.

Fitradu ma gablanto. Waana ay tarantaa. Waxaa fitrada oo la diido ka dhashay kheyr-seeg. Waxaa baraha bulshada ka socdo—oo weliba si xawaare leh ku socdo—muuqaallo laga dheehan karo hilow ay dhallinyaro gaalo ahaa ab ka ab u qabaan Diinta Islaamka. Waxaa dhallinyaradaas reer galbeedka ah ka muuqato farxad iyo firfircooni ay u hayaan Towxiidka; xiiso iyo xamdi-naq ay u qabaan Quraanka; iyo nafis ay ka nafiseen culeys iyo mugdi iyo qarow ay kala kulmi jireen noloshii Islaam la’aanta aheyd. Intaa waxaa dheer, qaabka ay doodda u soo dhiraandhiranayaan iyo su’aalaha fitriga ah ee ay iska weydiinayaan nolosha iyo diimaha kale waxay ku tusinaysaa inay yihiin dad xadaarad leh oo wax akhriyo. Wax baara. Wax falanqeeyo. Wax miisaama. Oo maankooda iyo fahankooda xor u ah – lehna saameyn bulsho.

Ila arka hal qiso. Waa gabar Mareykan ah oo kolleejo dhiganaysay. Waxay ku duceysan jirtay ereyadan: “Allow mahad Adigaa leh. Waxaad tahay cidda keliya ee aan doonayo inaan caabudo. Ma doonayo inaan cid kale cibaado u aado. Waxaan ku weyddiisan hanuun iyo in aan ku sugnaado dariiqa toosan. Waxaan ku weyddiisan in aanan ka lumin dariiqa toosan, hana iga dhigin munaafaqad.” Sannad ayay sidaa ku duceysan jirtay. Waxay aakhirkii kala furtay Kitaabka Quraanka. Waxay akhrisay tarjumidda Faatixada. Waxay tiri toddobada aayad ee Faatixada waxayba iigu muuqdeen isla ducadii aan halka sano Alle ka baryi jiray oo kale. Aakhirkii waxay ajiibtay fitrada oo ay qaadatay Islaamka.

Gunaanad, Soomaaligii ku faanayay diinlaawennimada ee misana naawilaayay sharci caalam oo loo siman yahay ha ku quusto sababka Xeerarka Jineefa iyo Sharciga Caalamka aan loogu dabaqin Qaza. Naf iyo nooli midkoodna looma badbaadin reer Qaza. Dulmiga 18 bilood lagu hayay Qaza ee welina socdo wuxuu micno-beel ku riday shuruucdii u degsaneyd caalamka. Waxaa caddaatay in xeerarka iyo sharciga caalamku yahay mid eex iyo danqasho la’aan ku dhisan. Taasina waa aayad kawni ah. Runtii lama jeclin in qof Soomaali ah oo dugsi Quraan iyo guri laga tukado ku soo barbaaray uu qarnigan Xaqu cad yahay su’aalo canaad iyo cilladayn ah ku abbaaro Diinkii uu ka dhaxlay waalidkiisa iyo deegaankiisa Soomaaliyeed.

Xaqiiqatanna waxaa diidmada diinlaawaha ee ku aadan Islaamkii fitrada ahaa garab socoto arrinka ah in Alle soo saaray dhallinyaro reer galbeed ah oo Diinka Islaamka ula dhaqmayo sidii qof bad mugdi ah ku hafanayay oo ka dibna fursad u helay inuu hal mar madaxa la soo baxo kaasoo markaana ku farxay oksijiinka uu helay iyo iftiinkii qorraxda. Inkastoo aynu u faraxsannahay Muslimkan cusub ee iftiinka helay ka dib markuu fitrada u hoggaansamay, misana waxaynu u damqanaynaa Soomaaligan diiddan fitrada kaasoo doortay inuu nolol ka dhex raadiyo salka bad mugdi ah oo mowjado halis ah leh isagoo iska soominayo oksijiintii iyo Iftiinka Alle. Soo taa ugama sahlana inuu Alle ka baryo jidka toosan sidii ay sameysay gabartaa kor ku xusan ilaa ay heshay natiijada ducadeeda? Islaamka fitrada ah haddii ay kooxi diiddo, waa xaqiiq in koox kale ajiibayso.

Run badanaa Alle markuu yiri, “Haddii aad Xaqa ka jeedsataanse wuxuu Eebbe idinku beddeli kuwo kale oo aan idin la mid noqonayn,” Suuratul Muxammad, Aayadda 37-aad (Tarjumidda Quran.com). Misana waa tan digniin kale: “Kuwa Xaqa Rumeeyow, Ruuxii ka Riddooba Diintiisa oo idinka mid ah, wuxuu Eebbe keeni qowm uu Jecel yahay oo iyaguna Isaga Jecel,” Suuratul Maa’idah, Aayadda 54-aad (Quran.com). Dhaxal-wareeggan socdo wuxuu mudan yahay baraarug. Xalku waa fitrada oo loo hoggaansamo – fitraduna waxay nagu hoggaamin Islaam iyo isxaan Alle idinki.

Cabdullaahi Janno  
Email: Abdullahi.Janno@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.