Faysal Rooble: Qorsheeye, Falanqeeye iyo Jabhad Hore

Faysal Rooble: Qorsheeye, Falanqeeye iyo Jabhad Hore

W/Q Axmed Sanwilwilo

Badhtamaha sannadkii 2016 ayay ahayd kolkii baraha bulshada Soomaalida uu qabsaday dhawaaqa wadaado kala duwan, kaasi oo ku salaysnaa falcelin ay ka samaynayeen hadal la soo jarjaray oo ay jeediyeen aqoonyahan Soomaaliyeed. Waxaa dhaleecayn, maagid, diin ka saarid iyo aflagaado loo gaysanayay rag uu ku jiro Mudane Faysal Cabdi Rooble. Waa dharaartii ay caanka noqotay tuduca, “Diin ma ku dhaqmaynaa? I will say, no!” oo laga soo jaray jawaab uu Faysal Rooble ka bixinayay su’aal la waydiiyay. Kaliya waxaa hadalkiisa laga soo qaatay intaa aan xusay. Su’aasha laga jawaabayo waxa ay ka dab qaadanaysaa dood ku saabsanayd Habqaybsiga Guddoonka Soomaaliya oo soconayay waqti ku dhow laba saacaddood. Qof walba oo barnaamijkaa daawaday wuu dareemayaa degdega dadka sida qalloocda u adeegsaday hadalkaas, si gaar ahna midka Faysal oo isagu aan tuurin ku dhaqanka iyo isku maamulka diinta. Xilligaas ayaan anigu bartay Faysal, waxa aanna doonayaa in aan qoraalkan ku soo koobo nolosha Faysal iyo waxyaabaha uu ku darsaday qaadhaanka aqoonta Soomaalida iyo dunida.

Faysal Cabdi Rooble, waxa uu ku dhashay magaalada Jigjiga ee Deegaanka Soomaalida. Sida uu marar kala duwan xusayna waxa uu ka dhashay qoys reer Jigjiga ah oo wax badan ka gaystay kacdoonnadii kala duwanaa ee geeska ka aloosnaa, kuwaas oo ay ugu waa weynaayeen middii diinta, guumaysi la dirirka iyo gobannimada. Faysal waxaa aad u qaabeeyay hab fikirkiisa iyo noloshiisaba halgannadaas kala duwan ee uu ku dhex dhashay, waxa uuna marar kala duwan qayb ka ahaa kacdoonnadii dahsoonaa ee dhalinyarada, kuwaas oo ka soo horjeeday nidaamyadii Itoobiya ka talinayay. Waxa uu ku koray Jigjiga, iyada ayuu ku qaatay waxbarashadiisii dugsiga hoose iyo dhexe. Kaddibna waxa uu qayb ka noqday Jabhaddii Xoraynta Soomaali Galbeed (WSLF), isaga oo ka mid ahaa dhawr dhalinyaro ah oo jabhadda kaga biiray magaalada Hargaysa, xaruntoodii koowaadna ay ahayd Xerada Qabribaxar.

Waxa uu Faysal xusay in isaga iyo dhalinyartii la socdayba ay bilowgaba ka biyodiideen qaabka ay jabhaddu u shaqaynayso oo ay waqtigaa ku milnayd qabyaaladdu, aragti ahaanna wixii ay ka aaminsanaayeen la dagaalanka Itoobiya iyo fikirka dhalinyaradu aanu is qaadanayn. Si kasta oo ay tahayba, way ku biireen, waxa ayna qaateen tababarradii kala duwanaa ee ay hoggaanka jabhaddu bixinayeen.

Isdiidooyin isbiirsaday oo ay ugu waynayd mid mabda’eed ayaa sababay in uu ka baxo jabhadda, iyada oo aan halgankii laga tagayn. Magaalada Hargaysa ayuuna ka dhammeeyay dugsigiisii sare. Kolkii uu dammaystay waxbarashada iskuulka waxa uu u sii hayaamay magaalada Muqdisho, isaga oo ku biiray Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, qaybteeda Lafoole ee Waxbarashada. Muqdisho waa magaaladii uu waxbarashadiisa heerka koowaad ee dhanka jaamacadda ku soo qaatay. Juqraafiga ayuu ka diyaariyay Lafoole oo ah mid kamida meelaha uu baholyowgiisa Xamar ka xuso. Sida uu sheegayna waxa ay Xamar u noqotay hoy uu ku nasto oo uu ku tilmaamay joogisteedi, “Maalmihii dahabiga ahaa.”

Lafoole waxa ay iska heleen rag badan oo ay isku aragti ka ahaayeen dhanka jabhadda WSLF, halgankii qoriga ee ka fashilmayna waxa ay u rogeen dhanka abaabulka qalinka. Xilligii uu tagay Xamar waxaa bilaabanayay dagaalkii Soomaalida iyo dawladdii Itoobiya, jabhaddii uu hore uga tirsanaa ee WSLF oo ay dawladda Soomaaliya saamayn weyn ku lahaydna waxaa xafiis uga furnaa Xamar. Faysal iyo dhalinyaro door ah oo Lafoole u badan waxa ay kala shaqayn jireen jabhadda hawlo ay ugu badnaayeen qoraallada iyo samaynta barnaamijyada. Dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiyaana halkaas ayuu kaga jiray, isaga oo wata qalin.

Muqdisho waxa ay u ahayd magaalo badashay noloshiisa, waxa uuna marar badan xusaa jacaylka iyo hilowga uu u qabo waqtigiisii Muqdisho. Waxa uu xilligaa noqday macalin wax ka dhiga dugsiyada ku yaalla caasimadda, isaga oo bare ah ayuu galay hammiga dhoofka, waxa uuna ku hanwaynaa in uu sii ballaadhsado waxbarashadiisa iyo adduun aragiisa. Waxa uu xiriir la sameeyay xafiis ka mida kuwa Qaramada Midoobay (QM) si uu u helo maalgalin ama taageero waxbarasho oo Maraykan ah. Codsigaa uu dirsaday waxa ay u qabteen muddo bilo ah, ayna iyagu u soo jawaabi doonaan. Sida uu ku xusayo waraysi uu siiyay Cabdi Faarax (Juxa), wasaaraddii waxbarashada Soomaaliya ayaa ku xujaysay in uu magaalada Qardho macalin ka noqdo inta looga soo jawaabayo si uu dalka dibaddiisa ugu dhoofo. Waa uu aqbalay, muddo koobanna waxa uu macalin ka ahaa magaalada Qardho ee gobolka Bari. Halkaas ayay wasaaraddu ku xanibtay, markii uu waayay wax falcelin ahna, dhanka wasaaradda, waxa uu si dhuumasho ah ugu laabtay Xamar. Damiin dhanka QM ah ayuu kaga badbaaday jeel, waxa uuna Xamar dib uga bilaabay macalinnimadiisii, waxa uuna turjubaan iyo shaqooyin kale la qabtay hay’adda QM.

Faysal waxa uu nasiib u yeeshay in uu noqdo Soomaaligii u horreeyay ee QM u qaaddo Maraykanka. Waxa uuna ku baxayaa qaxootinimo, taas oo dacalka ku haysa dagaalkii xoraynta Soomaali Galbeed. Mar aan wax ka waydiiyay safarkiisa, waxa uu ii sheegay in uu 1981-dii tagay Maraykanka. Waxa uu degay Los Angeles oo ah magaalada ay ka bilaabanayso, ku dhismayso oo ku korayso noloshiisa qurbuhu. Faysal oo ka sheekaynaya safarkiisa ayaa ku sifeeyay, “Markii aan Maraykanka tagay, sida hadda dadku qaxootiga u tagayaan may ahayn. Jiilkaa iyo kuwii berigaa nagaga horreeyay Maraykan iyo dibadaha kaleba waxay u tagayeen waxbarasho. Markaan tagayay niyadaydu waxbarashay ahayd, saddex illaa afar sanno waxbaro oo soo noqo.” Sida uu qorshihiisa koowaad ahaa ayuuna yeelay, waxa uuna xeraystay Jaamacadda Kalifoorniya ee Los Angeles (University of California, Los Angeles, UCLA). Waxa uu Faysal ii sheegay in ardayda Soomaaliyeed ee wax ka baranaysay jaamacadda UCLA ay u kala baxayeen laba qaybood oo kala ah; qolo ay dawladda Soomaaliya soo dirsatay oo dib ugu noqonaya dalka iyo qolyo kale oo iyagu iska bixiya lacagta jaamacadda, balse isagu aanu labadaasba ahayn ee uu si toosa u dalbaday deeq waxbarasho, ayna jaamacaddu ka aqbashay.

Halkan ka akhri maqaalka: Faysal Rooble: Qorsheeye, Falanqeeye iyo Jabhad Hore

W/Q: Axmed Sanwilwilo
Email: ahmadek2018@gmail.com