Farxadaha la afduubay: Siday Siyaasiyiintu u Afduubtaan Qalinjabinta Jaamacadaha iyo Aroosyada

Farxadaha la afduubay: Siday Siyaasiyiintu u Afduubtaan Qalinjabinta Jaamacadaha iyo Aroosyada

W/Q Cabdirisaaq Abaadir Ibraahim

Bulsho kasta, waxaa jira waqtiyo ay dadku leeyihiin, waqtiyo farxad u gaar ah, waqtiyada damaashaadka iyo xusida guuluha gaar ahaaneed. Qalinjabiye dhalinyaro ah oo dhex socda masraxa qalinjabinta si uu u helo shahaado waxay ka turjumaysaa  sanado dadaal iyo naf hurid. Xafladda meherku waxay tahay yagleelida qoys cusub, jacayl, iyo bilowga nolol wadaag cusub. Kuwani waa marxalado ay tahay in lagu xasuusto qosol, ilin farxadeed, damashaad iyo isdhexgal bulsho.

Sidaas oo ay tahay maanta, in badan oo ka mid ah dhacdooyinkan qaaliga ah waala muquuniyay, la xaday, waxayna u afduuban tahay faragelinta aan joogsiga lahayn ee siyaasadda.  Wax u muuqday inay noqoto maalin farxadeed waxay siyaasiyiintu  u beddelaan masrax siyaasadeed iyaga oo doonaya inay soo bandhigaan fikradahooda iyo astaantooda shakhsi ahaaneed. Hoolka qalin-jabinta iyo meherka , oo mar ahaan jiray goobaha xurmada leh ee dabbaaldegyada qoyska, waxay noqdeen madasha masraxa siyaasadda.

Xaflada qalinjabinta

Sawiro xiisaha iyo xaraarada qalin-jabinta jaamacadda. Boqolaal arday ah oo xidhan dharkii qalinjibta iyo koofiyaddaha astaanta u ah qalinjabinta ayaa ku kulma madasha, indhahooduna waxaa ka buuxa rajo mustaqbal. Waxaa weheliya waalidkood waxay na fadhiistaan iyagoo faraxsan, iyagoo dib u xusuusanaya dadaadlkii iyo naf-hurnimadii maanta u horseeday. Jawigu waa qurux badan yahay, farxadda ka muuqata ardayda iyo waalidka waa mid qiimo iyo qaayo badan, waxayna raynayaan abaal marin iyo aqoonsi.

Waxaa  is badala ujeedada xafladda, marka siyaasi lagu martiqaaday “marti sharaf” xafladda uu masraxa fuulo. Halkii uu ardayda u hambalyeyn lahaa oo uu erayo dhiirigelin ah u jeedin lahaa, waxa uu qabsadaa makarafoonka si uu u jeediyo qudbad u  eg olole siyaasaddeed. Wuxuu ka hadlaa aragtida xisbigiisa, wuxuu dhaleeceeyaa kuwa la tartamaya, wuxuuna ballanqaadaa isbeddel aan shaqo ku lahayn riyada degdegga ah ee qalin-jabin.

Ardayda, oo ay ahayd  inay noqdaan xiddigaha maalinta, ayaa noqda taageerayaasha siyaasiyiinta hadlaya. Magacyadooda iyo dhigriiyadooda waxaa shiiqiya halku dhigyada siyaasiyiinta. Maalintoodii guusha waxa fasaqay hadal-haynta siyaasiyiinta. Wax ay ahayd in ay noqoto dabbaaldegg iyo damaashaad ka dhashay dadaal shakhsi  ayaa noqda goob olole siyaasaddeed oo farxad ka madhan.

Xaflada Meherka

Sheekadu kama duwana ta qalin-jabinta. Xafladda meherku waa ka badan tahay laba qof oo nolol cusub dhisaya; waa dabbaaldegg wadajir ah halkaas oo qoysaska, asxaabta, iyo qaraabadu ay u yimaadaan si ay ula wadaagaan farxadd, duco iyo kalgacal. Dhaqan ahaan, aroosyadu waa midnimo, duco, iyo quruxda dhaqanka.

Si kastaba ha ahaatee, halkana sidoo kale, siyaasugu wuu soo galaa isagoo aan ahayn marti sharfan oo kaliya balse raba in uu ka dhaxmuuqdo goobta. Waxa uu qabsadaa makarafoonka isaga oo qudbad ka fog madasha lamaanaha soo jeediya. Halkii madaddaalo, qosol iyo duco laga wadaagi lahaa martida waxa lagu dhagabarjeeyaa olele siyaasadeed.

Arooska iyo aroosadda, oo ay tahay inay noqdaan udub dhexaadka xaflada, waxaa ka xadda am afduubta xafladda qof siyaasi  ah oo u arka in marti sharafta joogta kulanka aysan u iman damaashaad  iyo farxad, laakiin ay yihiin dhagaystayaal diyaarsan. Xafladda meherku waxay noqotaa mid farxad ka madhan balse aragtiyi siyaasadeed iyo mid qabiil lagu kala qaato.

Maddasha Xafladdaha

Haa dabcan,  yaa doonaynin inuu hoggaamiye sare oo siyaasadeed  ka soo qayb galo qalinjabinta ama arooskooda? Hase ahaatee madashu maaha  madal dan guud ee waa madal dadka isugu yimid ay doonayaan in la qaybsadaan farxada qalinjabinta iyo dhisida qoys cusubka. .

Ardayda ay tahay in lagu dhiirigaliyo ereyo ku saabsan dadaal, hal-abuurnimo, iyo qaran-dhis taas beddelkeeda waxay maqlaan ballanqaadyo dib loo warshadeeyay iyo hal-ku-dhegyo xisbinimo. Lamaanihii reerka dhisaya  oo ay ahayd in loo duceeyo ayaa taa beddelkeeda dhagaysta faanka siyaasiyiinta iyo hankooda siyaasadeed.

Bal qiyaas haddii arrintu ka duwan tahay sidan. Sawiro haddii, marka qalin-jabinta, khudbaduhu ay ka yimaadeen aqoonyahanno karti leh, hal-abuure ganacsi oo guulaystey, ama ardaydii hore uga qalinjabisay  ula wadaagaan waayahoogii nololeed. Bal ka soo qaad haddii aroosyada culamadu ducayso, heesta iyo mashxarado is qabsato, oo aan halkudheg siyaasadeed ka jirin.Kuwani waa codadka ay tahay inay xukumaan munaasabadahaas. Waxay dhiirigeliyaan, kor u qaadaan, oo ay diiradda saaraan mansabka ardayda guulaysatay  iyo lamaanayaasha bilaabay nololasha cusub.

Ixtiraamka xafladdaha gaarka ah:

Tani maaha dood ka dhan ah siyaasadda. Siyaasaddu waxay leedahay meesheeda saxda ah. Siyaasiyiintu waxay leeyihiin goobo badan oo ay ku gudbiyaan fikradahooda; shirarka jaraa’id, isu soo baxyada, iyo fagaarayaasha dadweynaha.

Ixtiraamka xuduudaha waxay la macno tahay in la aqoonsado in qalin-jabinta iyo aroosyadu aanay ahayn isu soo bax olole. Gunaanadkii, waxaa haboon in la ixtiraamo dareenka ardayda qalinjabinaysa iyo lamaanaha nolasha cusub yagleelaya.

Cabdirisaaq Abaadir Ibraahim
Email: Abdirisak.abadir7@gmail.com