W/Q: Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey)
Doorashooyin baal marsan sharciga iyo dastuurka dalka, oo uu Madaxweyne Xasan hadda ka wado Koonfur Galbeed, iyo qorshaha lagu xogsiin doono maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug, waxa ay horseedi karaan qalalaase siyaasaddeed iyo amni daro. Doorashooyinkaasi haddii aan ka eegno qaabka aysan u aheny kuwa ku dhisan sharci iyo mabadii’da dalka, waxaan ka soo qaadanayaa dhowr qodob:
I. Sharciyadda
1) Madaama Dalku Federaal yahay, dawlad gobolleedyadii dhismayna ay leeyihiin dastuur iyo shuruuc ay ku heshiiyeen. Xagee laga keenay aragtida dhahaysa dawlad gobolleedyada waxa lagu maamulaa shuruucda dawlada Federaalka?
2) Hadiiba aan u raacno sida Dawlada Dhexe rabto ee ah in Dastuurkii iyo shuruucdii Dawlad gobolleedyada la laalay: –
3) Doorasho isku sidkan oo loola jeedo in Doorashada Degmooyinka iyo tan Baarlamaanka D/Gobolleedka iskumar la qabanayo meelna kagama xusana sharciga Doorashada Federaalka ee lagu muransanyahay. Xagee ama shaciyadee loo raacay?
4) Xisbiyada siyaasaddeed waa in musharixiinta uga qaybgalaayo doorashada u gudbiyaan Gudiga Doorashada 120 maalin shaqo kahor maalinta Doorashada lana shaaciyo, sida sharcigu qabo. Ilaa hada lam oga musharixiinta ku tartamay golaha baarlamaanka iyo degomooyinka doorashadii ka dhacday koonfur Galbeed?
5) Kasakow in dadki codeeyay ay calaamadiyeen sumad ama astaan urur, horta yaa wakiil ama xubin Baarlamaanka Dawlad goboleedka ah oo sharaxan oo ay kala doorteen ilaahada?
II. Farsamada Doorashada
1) Sharciga Doorashadu wuxuu faray Guddiga, in liiska dadka is diiwaangaliyay la shaaciyo sidoo Kalena lala wadaago xisbiyada ama ururada tartamaayo. Yaar arkay ama xisbigee lala wadaagay liiska codbixyaha ee iska diiwangaliyay goob, degmo kasta oo kamid ah degomooyinka doorashadu ka dhacday?
2) Waa in goob kasta oo codbixneed iyo degmo kasta la yaqaan tirada dadka ka codeynayo ka hor doorashada. Taas badelkeeda waxaa tusaale nooga filan wixii ka dhacay degmada Waajid oo tiradii kaararka codbixyaha la siiyay labo laabkeed ay ka codeyeen, hal xisbina u codeeyeen 100%.!!
3) Sida sharcigu qabo taariikhda Doorashada waa in la sii sheegaa 90 maalmood kahor maalinta doorashada. Horta taariikhdee na loo sheegay maalmaha doorashada golyaasha iyo madaxda dawlad goboleedyada koonfur galbeed. Galmudug, hirshabeele?
III. Maareynta Natiijooyinka
1) Goobkasta oo codbixin ka dhacday waxay ahayd in marka codki la dhiibtay la tiriyo, islamarkaana ay ku qancaan wakiilada ururada goobtaas jooga, isla goobta lagu shaaciyo natiijada, goobta codbixintana lagu dhajiyo warqada natiijada.
2) Gudigu waxay ahayd inuu sameeyo xarunta dhexe tirinta cododk (tally center) taaso si hordhac ah looga shaacinayo natiijooyinka hordhaca ah ee ka imaanaayo xarumaha iyo degmooyinka iyadoo ay goob joog yihiin wakiilada uruada ku tartamay doorashada. Ma la sameeyeynin!!
3) In sadec (3) maalin kadib maalinti doorashada aan wax natiijo ah, xataa mid hordhac ah aan la haynin waa arin su’aal wayn galin karta sharciyda doorashada iyo in dadweynuhu ku qanco natiijada kama dambeysta ah.
Hadaan soo koobo qeexida doorashada ka dhacday Koonfur Galbeed waxa dhihi lahaaa Doorashado Tirada Cod bixiyaha aan la aqoonin, Musharixiinta aan la aqoonin, Saxnaanshaha Natiijadana ilaa hada aan la aqoonin.
Madaxweyne Shariif Xasan, oo aan ogahay fahamkiisa siyaasiga ah ee Doorashada iyo doodihiisi adkaa mudadii aan qaybta kawada ahayn geedi-socodka doorasho qof iyo cod ah, ayaa u deynaa waxa laga dhaxli karo doorashada noocaas ah.
Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey)
Email: halimai@yahoo.com
