W/Q: Axmed Sanwilwilo
Dad badan waa ay la yaabaan kolka ay maqlaan, “Soomaaliya waxaa ka baxa Bun ama Qaxwe.” Waxaana laga yaabaa adiga oo qoraalkan akhrisanaya in aad la yaabto oo aadan hore u maqlin in Soomaaliya uu ka baxo Bun. Ka hor inta aynaan u guda galin Bunka Calmadow, aynu taariikhayno waxa uu yahay Bunku iyo goobta uu Soomaaliya ka baxo ee Calmadow.
Waxa ay taariikhyahano badan weriyaan in Bunka asalkiisa laga helay buuro dhaadheer oo ku yaalla koonfurgalbeed Itoobiya oo loo yaqaano Kaffa, oday riyaha dhaqan jiray oo la odhan jiray Kaldi kuna noolaa buurahaa ayaa la sheegaa in uu maalin arkay riyihiisii oo aad u firfircoon una faraxsan, isaga oo la yaaban ayuu ogaanayaa in ay cuneen midhaha Bunka kolka uu geedka ku yaallo oo loo yaqaano Red Cofffe Cherries. Isaga ayaa tijaabinaya waxa uuna dareemayaa firfircooni iyo tamar badan, ka dibna waxa uu u keenayaa qaar ka mida wadaadadii magaalada si uu uga caawiyo soojeedka habeenkii oo ay cibaadaystaan, way ka diidayaan, aakhirkase waa ay fahmayaan in uu caawinayo. Ma jirto cid hubta run ahaanshiyaha taariikhdan, waase midda kaliya ee la hayo ayna ku faanaan shacabka Itoobiya.
Bunku ama Qaxwuhu waxa uu si guud u qaybsamaa dhawr qaybood oo ay ugu caansan yihiin uguna isticmaal badan yihiin Arabica iyo Robusta. Arabica waxaa asalkiisa laga helay dalka Itoobiya, halka Robusta laga helay galbeedka Afrika. Kolka laga waramayo qaababka uu Bunku ku faafay, waxaa la weriyaa in Bunka Itoobiya u tallaabay dalka Yaman, halkaas oo wadaadadii iyo suufiyadii joogay ay Bunka u isticmaali jireen in ay ku soo jeedaan, kuna cibaadaystaan habeenkii. Galka sare ee midhaha Bunka, marka laga soo jaro geedka, ayay aad u isticmaali jireen waxa ayna ka samayn jireen Qashir oo ay dadka qaarkiis u yaqaanaan Jafal, Soomaaliduna ay aad u isticmaalaan hadda. Muddo ka dib ayay Carabtu bilowday in ay iniinta cagaarka ah isticmaalan oo ay dubaan, ka dibna shiidaan oo ka sameeyaan Bunka aynu hadda naqaano.

In door ah ayay Carabtu ilaalin jireen iniinta (midhaha) Bunka oo uu dhulka Carabta ku duugnaa. Waxaana la xusaa in ay jireen shakhsiyaad iyagu iniinta uga qaatay dhulka Carabta habab qarsoodi ah, kuwaas oo aan ka xusi karno, suufi Hindi ahaa oo si qarsoon u geeyay Hindiya iyo ganacsade Dhaj ah. Faafiddaa kooban kaddib, guumaystayaashii reer Yurub ee dunida ku faafay ayaa ibafur u ahaa faafinta bBunka. Meelaha uga badan ee Bunku ka baxo lagana ganacsado waxaa hadda ka mid ah Baraasiil oo uu Bunka geeyay guumaystihii Burtiqiiska. Waqtigaa ka dib Bunku waxa uu ku faafay dunida, waxaana soo ifbaxay goobo la fadhiisto oo lagu cabo Bunka, dadkuna ay wax ku akhrisaan, ku doodaan ama ku bulsheeyaan.
Talyaaniga ayaa ah dalka lagu magcaabo casriyeeyaha Bunka, waa dalka badi ikhtiraacay noocyada kala duwan ee Bunka loo sameeyo hadda, waana dalka badi sanceeyay mashiinada kala jaadka ah ee lagu sameeyo. Bunku waa mid ka mid ah waxyaabaha dunida badideed laga isticmaalo hadda, laakiin weli Afrika ayaa u ah xidid, iyada ayaa ah meesha markasta loogu noqonayo.
Kolka la joogo Soomaaliya, Bunku waxa uu ka baxaa buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag, inta la og yahayna waa meesha kaliya ee uu Bun ka baxo dalka. Sida uu qorayo wargaysaka Puntland ee ka soo bixi jiray Laasqoray sannadihii 1991-1996, Calmadow waxa ay u dhaxaysaa Daallo iyo Calmiskaad, joogeeduna waa mid aad u sarreeya oo meelaha qaar waxa ay ka sarreeayaan 2000m. Waxa ay Calmadow heshaa roob ku filan xilliyada guga iyo dayrta, waxaana u dheer roobab ka da’a kolka ay dayrtu dhammaato. Sida uu wargaysku qorayo waa meel leh cimilada badda dhexe oo kale, waxa ayna lee dahay in ka badan soddon ilood oo durdur ah, socdana sannadka oo dhan.
Buurta Calmadow waxaa ka bixi kara dalagyada adduunka laga beero badidood, waxaana ka caawinaysa in ciiddeedu tahay ciid madow oo ay ku badan yihiin waxyaabaha ciidda nafaqeeya. Dhirta cajiibka ah ee Calmadow ka baxa waxa aan ka xusi karnaa Bunka, Jaadka/Qaadka iyo Saytuunka (Olive), waxaa kale oo ka bixi kara dalagyo badan oo aan dhulka Soomaalida ka bixi karin. Dhanka kale waxa ay caan ku tahay Xabkaha iyo Faleenka, waxaana la weriyaa in Masaaridii hore iyo ilbaxnimooyinkii hore ay u soo doonan jireen waxyaabaha udugga, Calmadow iyo meelo ka mid ah Silsiladda Golis, ayna u yaqaaneed dhulka uduga (Puntland).
Calmadow waxaa Bunka laga beeray xilligii ay sii dhacaysay Dawladdii Kacaanka Soomaaliya ee Maxamed Siyaad Barre, sidoo kale, waxaa mar kale lagu beeray horraantii burburka dawladdii dhexe oo ku aadan 1990-meedyadii. Si guud, cimilada Soomaaliya ma’aha mid ku haboon in lagu beero Bun ama Qaxwe, basle cimilada Calmadow oo iyadu wax badan kaga duwan midda dhulka Soomaalida ayaa ah mid ku haboon. Sannadihii hore dadka deegaanku ma aysan dareensanayn qiimaha uu lee yahay Bunku, waxaase lagu baraarugay dhawr iyo tobankii sanno ee ugu danbeeyay, fahankaas oo keenay in dadka deegaanku isticmaalaan, sidoo kalena ay keenaan suuqyada magaalooyinka Boosaaso iyo Badhan oo ka mid ah magaalooyinka ugu dhow. Waxa ay aad u isicmaalaan dadku galka sare ee midhaha Bunka oo loo yaqaano Qashir iyo Jafal, mana badna isicmaalka iniinta cagaarka ah ee Bunka. Waxyaabaha u badan ee loo aanayn karona waa in ay jirto fahandarro ku aadan geedka Bunka iyo maalgalin la’aan.
Bunku waa waxsoosaar ay dalal badan oo dunida ah ka sameeyaan dhaqaale bilyan doolar ah, balse kolka Soomaaliya la joogo waxa uu ku xanniban yahay Calmadow oo ku taalla gobolka Sanaag. Dhibaatooyinka ugu waa weyn ee ay ka waramaan beeralayda Calmadow ayaa ah waddo xumo oo ay Calmadow tahay meel galisteedu adag tahay, waxa ayna sheegeen in meelo badan ay midhaha beerahooda oo Bunku ka mid yahay ooga soo qaadaan dameero si ay u soo gaarsiiyaan meel gaari iman karo, taasina waxa ay tilmaamaysaa heerka uu gaarsiisan yahay waddo xumada ka jirta Calmadow. Caqabaddan waddo xumada ah ayaa keensatay in aan waxsoosaarka beeralaydu soo gaarin suuqyada Soomaalida iyo midda caalamkaba, sidoo kalena aanay ganacsatadu ugu dhiiran in ay maalgashtaan beeraha Calmadow.
Dhawr iyo tobankii sanno ee u danbeeyay waxaa jiray dad kooban oo iyagu midhaha bunka keena Boosaaso iyo Badhan, kuwaas oo aan u diyaarsanayn in laga sameeyo bunka caadiga ah, balse dadka iibsada ay badanaa ka samaystaan qashir ama jafal kaliya, ganacsigani maaha mid dhaqaale badan ugu fadhiya oo kama soo xereeyaan lacag buuran, kharashka ugu badanna waxa uu ka galaa gaadiidka ay adeegsanayaan oo qaarkood uu ku jiro dameero.
AHUN Cali Muuse Maxamed oo ka mid ahaa beeralayda ku nool Markad, Calmadow, oo 2015kii u waramay Radio Ergo ayaa yidhi, “Meesha wado xumadeeda ayaa keentay in beeralayda ku adkaato inay suuq geyn kari waayaan dalaggooda, degaankaan labadii sano ee la soo dhaafay 20 beeralay ka badan ayaa ka tegey wax soo saarkii, gaariga deegaanka soo geli karaa waa gaari yar oo 4 x 4, marka culays la saarana buurta iyo boholaha kama bixi karo”. Waqtigaa wixii ka danbeeyay waxa ka soo baxa Calmadow waa ay yarayd dadkuna waa ay ka hayaamayeen.
Kolka la eego khayraadka ku jira dhul weynaha Calmadow, dhibaatooyinka hortaagan waxa ay noqonayaan wax aan weynayn oo la xallin karo. Haddii ay hesho maalgaliyayaal sax ah, dhaqaalaha la galiyo waddo isku xirta Badhan iyo Laasqoray oo dhexmarta Calmadow waxaa laga soo saari kari lahaa Bunka oo kaliya oo hadda suuq fiican ka leh Soomaalida dhexdeeda iyo dunidaba. Sannadadii u danbeeyay ganacsaatda reer Sanaag iyo Soomaalida kale waxa ay dhaqaale badan galinayeen dabahka laga qoto goobo kala duwan oo gobolka Sanaag ah, oo ay Milxo u weyn tahay, waxa aan aaminsanahay in Bunku uu isna noqon karo maalgashi aan dahabka ka dhicin haddii la caalamiyeeyo.
Muddooyinkii ugu danbeeyay waxaa suuqyada Soomaalida ku soo badanayay meheradaha ka ganacsada Bunka, waxaana kordhayay dadka isticmaala, iyada oo uu hore u jiray dadyow si joogta ah u isticmaala Bunka oo u badan Koonfurta Soomaaliya, Arintan ayaa noqonaysa fursad weyn oo ay Soomaalidu ku heli karto Bun ay iyagu lee yihiin oo ay ooga maarmaan midka ay ka soo doofsadaan bannaanka.
Caqabadaha ay ugu horrayso waddo xumadu ayaa sabab u ah in dad badan aanay ku baraarugsanayn in Soomaaliya uu ka baxo Bunku iyo weliba in Calmadow ay tahay deegaan ku habboon beerista noocyo tirabeela oo dhirta ka mid ah. Bunku kaliya maaha wax la cabo ama la cuno (koonfur ayaa caan ku ah kan danbe), laakiin waa aalad lagu gudbiyo dhaqammada bulshada ayna bulshooyinku ku xidhiidhaan. Si haddaba loo xoojiyo dhaqaalaha iyo dhaqanka Soomaalida waxaa lama huraan ah in maalgalin lagu sameeyo Bunka Calmadow ee ku xanniban gobolka Sanaag.
W/Q: Axmed Sanwilwilo
Email: ahmadek2018@gmail.com
Leave a Reply