W/Q Axmed Sanwilwilo
Hordhac iyo Guudmar Nololeed
“Gobannimow helkaagiyo
Hadh qaboobidaadaba
Waxaa hela halyey iyo
Kii hura naftiisee
Nin hurdaa ku hanan waa”
Faarax Cawl: Garbaduubkii Gumaysiga
Maqaalkan waxa uu ka waramayaa qeyb ka mid ah noloshii Qoraa Faarax Maxammed Jaamac Cawl iyo wax soosaarkiisii qornaa ee uu lahaa, waxa aan wax ka dhihi doonaa qofninadii Faarax iyo waxa ay ka tarjumayaan wax soosaarkiisu, sidoo kalena waxa aan is dul taagi doonaa buugtiisa oo ah qeybta u weyn ee aan isku dayi doono in aan soo koobis ku sameeyo, waxna ku darsado. Maqaalkani waxa uu daba socdaa, saddex qoraal oo taxane ahaa oo aan sannadkii 2022 (Maarso illaa Abriil) ku baahiyay bartayda facebook iyo shabakad aan ku lee yahay WordPress. Talo ku saabsan middaynta taxanahan awgeed ayaan saddexda qoraal ku middeeyay hal maqaal, sidoo kale, waxa aan ku daray qoraallo dheeriya, waxaana lagu sameeyay tafaftir dheeraad ah.
Faarax Maxammad Jaamac Cawl oo loo garan og yahay Faarax Cadde, dadka qaarna u yaqaaniin Faarax Cawl, waxa uu ku dhashay magaala xeebeedda Laasqoray ee gobolka Sanaag, sannadku markuu ahaa 1937dii. Dhalashadiisa ka dib, waxa uu ku kacaamay oo uu waxbarashadiisii aasaasiga ahayd ku qaatay magaalada Cadan ee dalka Yaman. Sannadkii 1952dii ayuu Faarax Cawl ku soo noqday dalka isaga oo waxbarashadiisii hore uga sii watay magaalada Hargaysa. Waxa uu ku biiray Dugsiga Farsamada Gacanta ee Hargaysa, muddo kadib Faarax waxaa loo diray magaalada Landon ee Boqortooyada Inigriiska halkaas oo uu ku biiray machadka CSCAAE (Chelsea School College of Aeronautical and Automobile Engineering).
Sida uu Ismaaciil Cali Ismaaciil (Geeldoon) ku sheegay dulmar buug oo uu ku daabacay wargayska Wardheernews, sannadku markuu ahaa 2013, waxa uu qoraalka ku sheegayaa qayb ka mid ah hab dhaqankii Qoraa Faarax kolkii uu waxbarashada u aaday Ingiriiska. Waxa uu bidhaaminayaa sida uu Faarax ugu dhaganaa dhaqankiisa oo aanay wax uga bedelin dhoofkii iyo aqoonraadiskii uu ku tagay Ingiriiska. Waxa uu Ismaaciil yidhi; “Dheefta waxbarashada iyo dhaqanka shisheeye, ma yimaadaan illaa aad lumiso wax u dhigma oo ku saabsan; dhaqankaaga, luuqaddaada iyo hiddahaaga. Laakiin, markii uu tababarka u joogay Ingiriiska, Faarax waxa uu ku dhaganaa jidkiisii hore ee qadiimka ahaa, waayo, waxa uu ka baaqsaday cabidda sigaarka, khamriga, waxa uuna ka dheeraaday cuntooyinka aanu dhaqanka u lahayn cunnideeda.”
Waxa uu tilmaamayaa, in Faarax uu diiday cunnooyin fara badan oo aanay Soomaalidu dhaqan u lahayn cunnideeda, tagista Ingiriiskana uu kala kulmay caqabaddaas, cunnooyinkaas waxaa ka mid ahaa; Isku darka Burcad iyo Ukun, Hilib Doofaar, Kalyo iyo Wadne (Soomaalidu u taqaano cunno dumar) iyo kuwo kale. Waxaa jirtay, in gabadha u samaysa cunnada, markii ay ku wareertay ninka diidaya cunno walba, ay u samaysay cunno gaar ah oo ka duwan tan loo samaynayo ardayda kale, taas oo ah; kalluun iyo khudaar, nasiibxumo, iyadana wuu diiday —Diidmada Kalluunku waa dhaqan geelleyda Soomaalidu ka sinnayd, balse, reer Laasqoray waxay caan ku ahaayeen in kalluunka iyo caanaha geellaba ay isku dhammi jireen.
Waqitgii danbe, Faarax, wuxuu ka mid ahaa dadkii aadka ugu dhiirigaliyay Soomaalida in ay cunaan Kalluunka, diidmadiisa kalluunka ee London, waxaa suuragal ah in ay gadaal iska badashay ama uu si shakhsi ah u diiday cunista Kalluunka waqtigaas—. Waxa la yaabka leh ayaa ah sida Faarax oo London jooga weli ugu dhagan yahay dhaqankii uu kaga yimi Soomaaliya, welibana, in muddo ah uu ku noolaa magaalooyinka waa weyn, haddana aanu u bareerin in uu suulliyo ama calooshiisa baro wax aan ka ahayn tii Soomaalinimada. Sidoo kale, habdhaqanka uu kula dhaqmi jiray dadyowga kale oo ay ka buuxday ixtiraam dheeri ah ayaa muujinaysa dun wanaaga Faarax. Badi cuntooyinka iyo cabitaanka uu tilmaamayo Ismaaciil, waa kuwo qofka Soomaaliga ah uu u diidayo diintiisa iyo dhaqankiisa, haddana waxa gaarka ka dhigaya tan ayaa ah, in badi dadka waxbartay ee waqtigaa joogay ay walxaha qaar ku faani jireen, sida; sigaarka, ayna fududayd sida uu ardaygu ku xambaaro dhaqamo kale, si uu u lumiyo mid u dhiganta oo ku jirta dhaqankiisa. Markii uu Faarax ka soo laabtay waxbarashadii dibadda waxa uu noqday macalin wax ka dhiga dugsiyada Farsamada Gacanta. Sannadkii 1964 ayuu Faarax ku biiray ciidanka booliska Soomaaliya. Muddadii uu halkaa joogay waxaa masuul looga dhigay laanta gaadiidka isaga oo uga sii gudbay Wakaaladda Gaadiidka Qaranka.
Faarax waxa uu lahaa wax-soosaar kooban laakiin aad u qiima badan, waxa uu ahaa mid kamida maskaxihii waxa weyn ku darsaday qoraalka afka Soomaaliga, sidoo kalena ibafur iyo maamuusid u ahaa in sheekofaneed wax lagu akhriyo, dabcanna sabab u noqotay in dad badan isku dayaan sidii ay u joogtayn lahaayeen akhriska. Faarax Cawl waxa uu qoray buug iyo maqaalo kala duwan, waxaana ugu caansan saddex buug, saddexdaas oo ka siman in ay u qoran yihiin hab sheeko ah oo aan laga caajisayn.
Sidoo kalena saddexda buug-ba waxay ka hadlayaan oo u janjeeraan guumaysi diidka iyo muhiimadda ay lee dahay gobannimada, xornimada iyo midnamadu, sidoo kale buugtiisa waxaa isku xira in ay ka buuxaan ama dugsiba ay u yihiin barashada ereyo cusub oo afkeena ah, suugaanta Soomaalida, barashada dhirta, barashada deegaanada Soomaalida iyo ka qalinjiidashada sida loo abuuro ama loo qurxiyo sheeko dhacday ama mala’awaal ah.
Saddexda buug ee Qoraa Faarax Cawl waxa ay kala yihiin:
1. Aqoondarro waa u Nacab Jacayl; buuggan waa buuggii u horreeyay oo sheeko ah oo lagu qoro afka Soomaaliga, waxaa la daabacay sannadku markuu ahaa 1974tii, waxa uu ka hadlayaa sheeko Jacayl ah oo dhexmartay gabar u dhalatay Xiis iyo wiil u dhashay Laasqoray oo labaduba ka tirsan gobolka Sanaag. Waa sheeko jacayl oo dhab ah balse uu qoraagu qurxiyay una soo gudbinayo hab tabineed qurxoon oo isu dheelitiran. Buuggan waxaa loo tarjumay luuqadda Ingiliishka sannadku markuu ahaa 1982, waxaanna tarjumay Qoraa B. W. Andrzejewski.
2. Garbaduubkii Gumaysiga; buuggan Garbaduubkii Gumaysiga waa buuggii labaad ee uu Qoraa Faarax qoro, inkastoo uu buuggu u qoran yahay hab sheeko ah, balse, waxa uu ka hadlayaa ama ka warbixinayaa taariikhdii Soomaalida isaga oo xoogga saaraya sida magaca ka muuqata guumaystihii Soomaalida soo maray iyo nabaraddii uu ugaystay, buuggan waxaa la daabacay sannadkii 1978.
3. Dhibanaha Aan Dhalan; buuggan oo ah kii saddexaad ee uu qoraagu soo saaro waxa uu si xaqiiqo ah uga hadlayaa dhibaatooyinka ku habsaday dadka Geeska, waa buug sheeko ahaan u qoran oo ay ku socdaan ama lagu dhex gudbinayo qisada Dalal iyo Billan oo ah laba qof oo ehelkooda la xasuuqayo iyaguna la kulmayaan dhibaato adduun. Qoraagu buuggan waxa uu ku maamuusay oo ku xusay ardaydii iyo macalimiintoodii ee Xabashidu ku xasuuqday magaalada Boorama. Buuggan waxaa la daabacay sannadku markuu ahaa 1989. Qoraa Faarax Maxammad J. Cawl waxa uu ku darsaday maktabadda Soomaaliyeed buug qiima badan isaga oo welibana doortay inuu wax u soo gudbiyo hab sheeko ah, habkan oo ka mid qaab faneedyada qoraalka kooda u sarreeya, kolka loo eegona ummad aan hore wax badan u akhrin jirin uu u yahay fure ay ku tababartaan si ay kor ugu qaadaan wax akhriskooda, sababtoo ah, qoraallada u qoran habka sheekofaneedda, hore loogama caajiso. Taasi oo qofka ku dhiirigalinaysa in uu gunta hoose gaaro oo aanu akhriskeeda bartan uga tagin. Alle ha’u naxariisto’ e Faarax Cawl waxaa lagu dilay meel u dhow magaalada Beledweyne sannadku markuu ahaa 1991dii isaga iyo dad ehelkiisa ah. Waanna xilligii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya oo dadku ka qaxayeen Muqdisho. Faarax waxa uu lahaa qoys aan ka xusi karno caruurtiisii uu ku xusay buugga Garbaduubkii Gumaysiga ee kala ahaa Deeqa, Cabdiraxmaan iyo Daahir oo isagu ku nool hadda dalka Ingiriiska.
Halkan ka akhri- maqaalka oo dhan: Bilowgii Qoraalka Afkeenna: Faarax Cawl iyo Waxqabadkiisii
W/Q: Axmed Sanwilwilo
Email: ahmadek2018@gmail.com
Leave a Reply