W/Q CaliNuur Maxamed
Hordhac
Oday Soomaaliyeed oo caalim ah ayaan kala sheekaystay ibtilada iyo dullinimada Soomaalidu ku sugantahay isir nacaybka ay qalbiga isugu wada hayaan awgeed.
Waa run buu yidhi Sheekhu, laakin rajo ayey Soomaalidu leedahay inay dullinimadan baahsan ka baxaan waayo Soomaalidu waa dad isla qab weyn, oo sharafta aad u jecel, kuna faana diinta Islaamka inay aaminsanyihiin.
Sidaa awgeed, su’aalahan ayaa haboon in la isweydiiyo: Sidee bay isu waafaqayaan in godob isdaba joog ah laga galo dad walaalo la yahay, iyo Muslimnimo la sheegto? Sidee bay isu waafaqayaan in loo dabaaldego dhiig dad aan waxba galabsan oo la daadiyo iyo Islaamnimo la sheegto? Sidee bay isu waafaqayaan jir-dil loo geysto caruur iyo haween, iyo sharaf iyo gobannimo la sheegto? Sidee bay isu waafaqayaan qarannimo iyo dowladnimo lagu taamo, iyo gowraca dad Soomaaliyeed oo la abaabulo, dabadeedna dabaaldeg iyo mushxarad lagusoo gunaanado gowraca?
Su’aalahan oo kale Soomaalida taariikhdeeda horey la isuma weydiin waayo collaaddaha gunta dheer ee sannadahan dambe aloosnaa horey looma arkin. Laakin su’aalo hordhac kuwan u ah ayaa marar badan tan iyo gobanimadii 1960kii la isweydiiyey. Waatii uu abwaan Cabdullahi Suldaan Timacadde (AUN) ku calaacalay gabaygiisii caanka ahaa ee Dugsi Maleh Qabyaaladi:
Dadkaan la hadlaya baan lahayn dux iyo iimaane
Wixii horey usoo daashaday bay degayshanaysaaye
Doc hadday u wada jeedsatay dhowrto danaheeda
Ooy duul walaala ah tahay ooy duunka ka heshiiso
Dadka kama yaraateen way is dabar jaraysaaye
Shan iyo lixdan sannadood markii dowlad la ahaa kadib, Soomaali halkay badownimo iyo gunnimo 1960-kii kaga sugnayd meel aad ugasii hooseysa ayey maanta joogtaa. Dadkeedu cilmi badan bay kororsadeen tan iyo lixdankii. Laakin cilmigoodu ma kobcinin aqligooda iyo garashadooda ku aadan wada noolaasho harsanaysa dawladnimo iyo aragti Soomalinimo oo midaysan.
Soomaalidu waa dad aqli lagu tuhmayo oo garashadoodu sareyso markaad qofba goonidiisa ula sheekaysato. Waxay bukaankooda maskaxeed iyo qalbiyeedba soo baxaan markaad wadar ahaan u tixgelisid dhaqankooda iyo weedhooda. Maxay tahay sababtu? Haddaanu aqli leenahay, Muslinnimona sheeganayno, sidee bay ku dhacday inayna noo muuqanin dullinimada aanu ku sugannahay ummad ahaan; hadday noo muuqatose, maxaanu uga dhiidhiyi la’nahay?
Maqaalkan waxaan kusoo shaacinayaa aragtida ah in dhaqanka Soomalida astaamo kamid ah ay sabab u noqdeen dhibaatada Soomaalida ka dhamaan la’ tan iyo gobanimadii. Waa aragtida iyo dhaqanka cudud-sheegashada (militarism) oo laga dhaxley hab dhaqan-dhaqaaleedka reer guuraaga, markii dambena siyaasada dalka lagu dabaqay laguna maamulay. Soomaalidu waa inay ku baraarugaan dhibaatooyinka aan la tirin karin ee laga mutaystay aragti ku salaysan in cudud iyo ismuquunin lagu doono rabitaanka koox waliba ka leedahay siyaasada ama dhaqaalaha.
Cudurka saameeya bulshada oo dhan waxaa xal wax-ku-ool ah loo raadinkaraa markii si hufan la isula wada taxqiiqiyo sababaha dhaliya. Maqaalkan afkaarta lagu soo bandhigayo qaar kamid ah horaa loo bayaamiyey, qaarna waa suurtagal inay cusub yihiin.
Dhaqamada soo Jireenka ah ee Soomalida
Markii dhaqanka laga hadlayo, Soomaalidu sida badan waxay ka hadlaan deegaanka iyo beelaha ku kalanool deeganadaas. Dhaqanka runta ah kuma xirna deegaan ama beel. Wuxuu ku xiranyahay hab dhaqan-dhaqaaleedka dadka. Soomaalidu runtii isku wada dhaqan ma aha; manay ahaan jirin weligood. Dhaqan nololeedka Soomalida waxaa loo qaybin karaa shan nooc: (i) reer guuraa (ii) beeraley (iii) kaluumaysato (iv) xirfadley sancaddooda nolol ku kasbada, iyo (v) reer magaal ku dhaqnaa magaalooyinka qadiimka ah ee xeebaha saaran, sida Muqdisho, Marka, Baraawe, Berbera iwm.
Afarta dambe waxay ka midaysanyihiin inay deegaan kaliya oo la ogyahay ku sugnaayeen qarniyo badan. Sidaa awgeed noloshooda waxaa gogoldhig u ahaa nabad kuwada-noolaansho iyo xeer ku salaysan isqadarin iyo isxaq-dhowr. Waa dhaqamadii Soomaaliyeed ee hidahoodu nabadgelyo-kuwadanoolaanshuhu udub dhaxaadka u ahaa.
Reer guuraaga oo loo arko inay 60%-70% ahaayeen tirada dadka Soomaaliya waxay ahaayeen kuwo xoolahooda kolba meel ula hayaama. Hayaankaas badan oo sababi jirey inay isku dhacyo ka dhashaan tartanka loo galo daaqa iyo biyaha. Isku dhaca ay reero is ag degeni isku dhacayaan waxay sababi jireen masiibooyin dhimasho iyo dhaawac leh; waxaana caado ahayd in xoolaha nool la kala dhaco.
Arintaas waxay keentay in dhaqanka iyo hidaha reer guuraaga astaan u noqdaan in mudnaan weyn la siiyo “geesiga dagaalyahanka ah” oo cidi geeliisa haweysan karin. Waxaa fikradan meelo badan lagaga muujiyey maansooyinka, gabayada, iyo heeso dhaqameedka reer guraaga, wadanka meel kastaba haka joogeene.
Waatuu abwaankii weynaa, Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” (AUN) maansadiisii Hooyo ku tilmaamey qiimaha hooyadu leedahay markay dhasho, oo ay tarbiyeyso dagaalyahan laga wada baqanaayo. Wuxuu yiri:
Marka aad nin hiiloo
Laga baqo hashiisiyo
Halyey dhiiran dhashabaa
Hooyo lagu xasuustaa
Waxaa kaloo caado ahayd in dagaalka laba beel dhexmara abaabulkiisa ay kamid ahaayeen tix la isku caayo, la isku handado, la isugu hanjabo, ama la isugu caga jugleeyo. Marka dagaal lagu kala adkaadona, qolada adkaataa waxay tix iyo hees ku bahdilaan kuwa jabay. Sayyid Maxamed Cabdulle Xasan markay daraawiishtiisii wiiqeen koox uu watay nin la oranjirey Bile Samatar oo geela ay dhacaan doonaayey, wuxuu tiriyey tixdan uu ku faanayo, bah-dilna ugu geysanaayey kooxduu Bile watay:
Inaan Bile tagoogaha ka xiray, tebiya oo geeya
Inuu xaarka taalada ka dhigay, tebiya oo geeya
Labamaarre inuu tiirsanyahay, tebiya oo geeya
Shanle Dheere inuusan wax tarin, tebiya oo geeya
Daraawiishi inaysan turayn, tebiya oo geeya
In Astaadku tiir dhaaban yahay, tebiya oo geeya
Badmareenadii ajnabiga ahaa ee xeebaha Soomaaliya soo gaaray qarnigii 19-aad waxay ku tilmaameen Soomaalida dad dagaalyahanno ah oo aan foodda la gelin karin. Waxaa ka mid ahaa dalmareenkii Ingiriiska ahaa ee Sir Richard Francis Burton. Wuxuu Soomaalida ku tilmaamey dad kul-kulul oo xasiloonidarro iyo dagaal joogto ah noloshooda astaan u yihiin. Waa dad neceb in la muquuniyo ama in loo taliyo, kuna hal-adayga madaxbanaanidooda, ayuu qoray Burton.
Tilmaamahan oo dhan waxaa loo nisbeyn karaa nolosha reer guuraanimada — gobanimadii 1960kii ka hor iyo kadibba.
Soomaalidu dhamaanteed qabiilka way ku abtirsanjirtay. Hase yeeshee, duruufta reer guuraaga ayaa kaliftay in aqoonsigiisa ku salaysan qabiilka uu ka xoog bato ta Soomaalida beeraleyda ah ama reer magaalka ah. Ninka reer guuraaga ah noloshiisa dhinac walba oo ka mid ah ayaa beel inuu ku tiirsanaado kalifaysay – waa xoolo dhaqashadiisa, waa nabadgelyadiisa, waa guurkiisa iyo amniga qoyskiisa, waa cadaallad-helistiisa, iwm. Ninka reer magaalka ah ama beeraleyda ahse, sababahaas aan sheegnay oo dhan ilaa xad wuu ugu tiirsanaan jiray beesha uu ka dhashay; laakin xagga nabadgelyada, amniga, iyo cadaalada, dadka uu deegaanka la wadaago ayaa ka muhiimsanaa beesha uu ku abtirsado. Ninka beeraleyda ah ee Janaale deggan haddii dulmi lagula kaco, dadka la deggan ayuu hiil iyo hooba ka helaayey beel kastaba haka dhashee. Reer magaalkuna sidaas oo kale ayey dadkay isku deegaanka yihiin ugu tiirsanaanjireen; dadkaas oo dhamaantood aan hal qabiil ku abtirsanin.
CaliNuur Maxamed
Email: calinuurm2044@gmail.com
