Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Yaa Ku Murmaya Curinta Heesta “Soomaaliyeey Toosoo”?

W.Q. Idiris M. Cali

Salaasadii ay bisha Ogosto ahayd 31, sannadkan 2021, ayaan si kadis ah u arkay muuqaal wareysi ah—balse weyddiimaha laga jarjaray—oo laga duubay marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, iyadoo markaas ku sugnayd magaalada Xamar. Muuqaalkan oo 21-Juun-2021 ku soo baxay ardaaga Dalsan TV ee YouTube, balse taariikhda la duubay aysan caddayn, ayaa wuxuu cinwaankiisu yahay (sid): Xildhiban Fowsiyo” Heesta Soomaaliyeey Toosoo waxaa tiriyay aabahey Yuusuf Xaaji Aadan.

Haddaba maqaalkan yar waxaynu isku dayaynaa inaan xogta muuqaalkaas iyo wixii la halmaalaba wax ka naqdinno.

Dulucda xogta ay marwo Foosiya Yuusuf sida aan gabbashada ku jirin innagula wadaagtay muuqaalkaas kooban gudihiisa ayaa ah:

  1. In heesta “Soomaaliyeey Toosoo” uu sameeyay aabbaheed Yuusuf Xaaji Aadan Qabille, xujaduna tahay (a) inuu sameeyay “gabayo” badan oo waddani ah, (b) markhaatiyadiisana ay ka mid yihiin/ahaayeen Boobe Yuusuf Ducaale, Cali Sugulle, Maxamed Aadan Sheekh, Imaam Bashiir, Maxamed Axmed Kamoola oo ahaa madaxa xoghaynta guddigii arrinkan hore uga garnaqday 80nnadii qarnigii hore.
  2. In Koofurta uu heestan (oo uu keenay Daa’uud Timayare) ka “sheegtay” kuna “murmay” Qaasim Hilowle, balse markii lagu imtixaannay inuu macneeyo qaar ka mid ah ereyada heesta uu macnayn kari waayay, inkastoo ay “carruurtiisu” ay dhaheen “isagaa lahaa”.
  3. In Waqooyiga uu isla heestan ka “sheegtay” Cali Mire Cawaale, oo aan “gabay uu tiriyay wali” la arag, kana ag dhawaa Yuusuf Xaaji Aadan oo uu u ahaa gacanyare waxbarasheed.

Marwadu waxay ku soo gabagabaysay hadalkeeda in samaynta heestaas ee aabbaheed aysan “muranna” lahayn. Balse, marwadu nama soo hor dhigin xujooyin “muranka” shiiqin kara, oo aan ku rumaysan karno (1) in heestaas uu sameeyay aabbaheed; (2) in Hoobal Qaasim Hilowle uu macnayn garan waayay miraha heestaas; iyo (3) in Abwaan Cali Mire maansana uusan tirin (sidaas awgeedna, siday marwadu malaynayso, uusan heesta shaqo ku lahayn).

Qodobkeedan ugu dambeeya haddaan is dul taagno, waxaa la oran karaa marwadu way ku murantay amaba geftayba, waayo way jiraan gabayo uu Abwaan Cali Mire tiriyay iyo heeso uu sameeyay oo uu ku luuqeeyayba. Gabay ka mid ah gabayadiisa oo la yiraahdo “[Dardaaran] Waalid” waxaa hore loogu daabacay buugga, Suugaan: Dugsiga Sare: Fasalka Saddexaad 3 (bog 19) oo la qoray 1983. Sidan oo kale, labada qodob ee kalena waxaa la oran karaa marwadu way ku murantay, waayo caddaymahooda nama soo gaarsiin.

Annagoo ka fogaanaynna “muranka” ay marwadu ka dayrinayso, una soconna keliya sidii aan uga foolin lahayn weyddiinta dhalada noogu astaysan, aan isla eegno qaar ka mid ah warbixinnada qoran/duuban ee aan soo ururinnay ee ku saabsan curinta heesta “Soomaaliyeey Toosoo”. Waxaana xusuusin naga mudan in warbixinnadani halkan ku dhammaystirnayn, ee ay yihiin xul dheellitiran (qoraal iyo cod). Waxaanan u soo kala xulannay hadba sidii ay u kala horreeyeen taariikh ahaan ee aan u soo heli karnay.

Daa’uud Timayare: Ma hayno warbixin toos ah oo lagu sheegayo, laguna faahfaahinayo, in heesta “Soomaaliyeey Toosoo” uu allifay Daa’uud Timayare. Waxaase jirta in buugga Garbaduubkii Gumeysiga ee uu qoray Faarax Maxamed Jaamac “Cawl” sannadkii 1978, boggiisa 131aad, lagu xardhay afarta meeris ee dhextaalka u ah heesta. Waxaana meerisyadan ku gedaaman kolmooyin. Qofka laga soo xigtay ee uu qoraa Cawl u tixgelinayay lahaanshiyaha heesta waa Daa’uud Timayare. Xilliga uu qoraagu u garawsanaa in heesta la curiyayna waa 1943-1944.

Cali Mire Cawaale: Wargeyskii Halgan, tirsigiisa 42aad ee soo baxay 1980, waxaa lagu soo bandhigay dhawr tudcood oo ka mid ah heesta “Soomaaliyeey Toosoo”. Waxaana la raaciyay xogta ah: “Heestaas gashay waayaha dalka, ee uu curiyey jaalle Cali Mire Cawaale sanadii 1946kii, dadweynaha baa wada bartay, miraheeda iyo luuqdeedba, waxaana laga tirin jirey shirarka siyaasadeed ee Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed…” Ma hayno qofka xogtan qoray, waanse ku raad joognaa.

Waxaa kale oo jira wareysi uu buuni Francesco Giannattasio ka qaaday Cabdillaahi Qarshe, 18-Disembar-1984, isagoo markaas ku sugnaa gurigiisa ku yaallay Liido. Wareysiga oo badanaa ku saabsanaa heesaha caanka ah ee Soomaaliyeed, ayaa wuxuu Qarshe ku yiri:  

“Somali Toosaay”…originally it [-was] composed in Sheekh School by Cali Mire, who was a teacher. The tune was a Sudani tune. And it has been brought here [Mogadishu/Hamar] by singer, Daa’uud Timayare, [who] sung it. Later on Qasim Hilowle—both of them have died—has sung it. … When Qasim Hilowle sung it, the tune has been changed a little bit…”

Tarjumid ahaanna waa sidan: “Soomaaliyeey Toos”…asal ahaan Dugsiga Sheekh waxaa ku sameeyay Cali Mire, oo ahaa macallin.  Luuqdu waxay ahayd Suudaani. Waxaana halkan [Muqdisho/Xamar] keenay hoobalka Daa’uud Timayare, wuuna ka qaaday. Kaddib, Qaasim Hilowle—labaduba way geeriyoodeene—ayaa qaaday heesta. Markuu Qaasim Hilowle heesta qaadayay luuqdeeda in yar bay isbaddashay.”

Yuusuf Xaaji Aadan: Ma hayno warbixin qoraal ah oo taariikh fog ah, oo sheegaysa in heesta “Soomaaliyeey Toosoo” uu sameeyay Yuusuf Xaaji Aadan kelidiis. Waxaa ugu soo dhow buugga Suugaanta Geela ee uu qoray Axmed Cali Abokor ee soo baxay sannadkii 1986dii, bogga 74aad, oo ay ku qoran tahay in ‘heesta caanka ah ee “Soomaaliyeed Toosa”, oo lagu tiriyo inay ka mid tahay heesihii guubaabinta xornnimada ee 1940-kii, oo la sheegay in ay si wadajir ah u sameeyaan Cali Mire Cawaale iyo Yuusuf Xaaji Aadan, laakiinse weli dad badan ka murmayaan.’ Waxaase jira wareysi ay marwo Foosiya qudheedu ka qaadday Abwaan Cali Sugulle, 25-Meey-2005, oo uu ku tiraabay in heesta uu allifay Yuusuf Xaaji Aadan.

Qaasim Hilowle: Nasiib darro, ma hayno warbixin qoraal ah ama cod duuban oo Hoobal Qaasim Hilowle u tiirinaysa samaynta heesta “Soomaaliyeey Toosoo”. Waxaase jira wareysi dad badani dhaheen Faadumo Qaasim Hilowle ayaa siisay BBC-da dabayaaqadii 90meeyada, oo ay ku sheegtay in aabbaheed uu heesta allifay.

Markaan falanqaynno warbixinnadan kore waxaan ogaanaynnaa: (1) in aan hore la isagu waafaqin cidda iska leh ee samaysay heesta “Soomaaliyeey Toosoo” balse qofba qofkuu ku maqlay uu u aqoonsanaa curiyaha heesta (oo ah sida maantaba xaalku yahay oo aan heesaha curiyayaashooda loo danaynin); iyo (2) in ku “muranka” arrintan taariikhdeedu bilaabmatay wixii ka dambeeyay sannadkii 1984. Sida muuqata, murankani wali ma laha dhammaad, inuu sii xoogaysto ma ahee.

Si murankan meesha looga saaro, waxay dhurtu ku jirtaa in la isweyddiiyo, jawaabo waafi ahna loo soo helo: Shaqsigee/kooxdee muranka wadda? Shaqsigan/kooxdani haddii aysan “muran” wadin, balse ay dood waddo, maxay caddaymo haystaan? Caddaymahoodu ma yihiin xujooyin aan la iska indhasaabi karin, oo ku salaysan dawyada naqdiyeed ee taariikhaynta (historical-critical methods) si ay eex oo dhan iyo xaglini meesha uga baxaan?

Isaga oo aan weyddiimahan meel saarin, qof kastoo arrintan gacantogaaleeya, haddaba, waa uu ku fashilmayaa xallinteeda. Waxaana cad in marwo Foosiya aysan keenin caddaymo qoraal ah, balse ay beddalkoodii keentay markhaatiyaal intoodii badnaydi geeriyootay (Alle ha u naxariistee). Markhaatiyaashu, si kasta oo ay u magac weyn yihiin, iskooda uma aha xujo. Keliya xogaha ay ka hayaan arrintan iyo siday ku soo gaareen xogahaasi ayay tahay in la faaqido, oo la marsiiyo dawyada naqdiyeed ee taariikhaynta.

Annaguna xogo ay u soo joogeen kama hayno markhaatiyaashaas ay marwadu ku magacdhebtay muuqaalkeeda, marka laga reebo Cali Sugulle oo xaadir ahaa maalmihii heestu ay soo baxday. Gaar ahaan, Boobe Yuusuf Ducaale oo aan marnaba goobjoog u ahayn arrintan, balse ka haya uun war qariib ah oo uu halkan ku soo tebiyay afar sano ka hor—oo uu hore qoraal ahaan ugu daray buuggiisa Dhaxal-Reeb Horaad (bogagga 262-277) ee soo baxay sannadkii 2007—miyaa markhaati geli kara?

Midda labaad, marwadu gadaal ayayba ka ogaatay in Boobe arrimahan xog ka hayo, waayo haddii kale buuggeeda Geeddi-Nololeedkii Yusuf H.Adam (2007) ayay magaciisa ku dari lahayd taxa markhaatiyaasha ay ku soo bandhigtay ee kala ah: Cali Sugulle, Cabdillaahi Aadan Koongo, Cabdillaahi Qarshe, iyo Xudeydi.

Sidoo kale, maxay marwadu uga gaabsatay inay muuqaalkeeda ku xusto Cabdillaahi Qarshe, marba haddii ay buuggeeda hore ugu dartay? Ma waxaa iska hor yimid xogtii odaygan laga duubay oo soo shaac baxday shantan sano ee ugu dambaysay iyo malihii marwada? Sida jirta, ismoodsiisku wuxuu ku jiraa wareysiga ay marwadu la yeelatay Abwaan Cali Sugulle, ee uu ku tiraabay in Cabdillaahi Qarshe ka mid ahaa guddigii loo xil saaray samaynta astaanta qaranka. Abwaanku ma uusan dhihin Cabdillaahi Qarshe ayaa ka mid ahaa markhaatiyaasha Yuusuf Xaaji Aadan!

Isla wareysigaas ayuuna Abwaan Cali Sugulle ku tiraabay inuu ahaa isagu ka wareystay Qaasim Hilowle, ee ku imtixaannay macnaynta ereyada heesta. Xogtanse wali looma hayo, inta aan ka ogahay, mid labaynaysa oo u marag furaysa. Gaar ahaan, marwo Foosiya nama soo gaarsiin xog kale oo tan labaynaysa. Haddaba, sidee ayay marwadu xog aanay ugu yaraan labo meelood oo kala madaxbannaan ka helin, oo hubinnin xaqiiqdeeda, u xujaysan kartaa, uguna “murmi” kartaa?

Isku soo xooriyoo, arrimahan kore waxay in yar diirka ka qaadayaan “muranka” ku gadaaman curinta heesta “Soomaaliyeey Toosoo” ee ka socda dhanka marwo Foosiya. Hor iyo horraanba murankan waxaa shiiqin kara warbixinnada aynu dusha ku soo bandhignay, iyagoo meesha ka saaraya oraahda ah: “Hebel baa sheegtay”. Waxayna meesha soo galinayaan oraahda ah: “Hebel baa lagu sheegay”. Markaas, warbixinnadu, marka xaqiiqdooda la hubiyo iyagoo tiradoodana la sii badiyay, waa xogo la gorfayn karo oo la marsiin karo dawyada naqdiyeed ee taariikhaynta. Wixii intaas ka soo haray waa muran aan xal lahayn.

W/Q: Idiris M. Cali

Dhanjac: [email protected]


Idiris M. Cali waa qoraa WardheerNews ku soo bandhiga curisyo iyo sheekooyin gaaggaaban, waa na waxbaare ku xeeldheer aqoonta dhismaha maansada Soomaaliyeed. Qoraha waxaa kale oo laga la xiriiri karaa facebook.com/idiris.m.cali.

Halkan ka akhri qoraalladii hore ee Idiris M. Cali ee ku soo baxay degelkan WDN


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.