Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Xasan Sheekh oo dhagax dhigey dhismaha garoon laga hirgelinayo degmada Cadalle

Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Maamul Gobolleedka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, ayaa dhagax dhigay dhismaha garoon diyaaradeed oo ay yeelanayso degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Garoonkaasi oo loo dhisi doono hab casri ah oo la jaanqaadi doona hab dhismeedka garoomada caalamiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigey dhismaha garoon laga hirgelinayo degmada Cadalle

Garoonkaan  ayaa la sheegay in dhawaan dhismihiisu bilaaban doono, waxaana uu wax badan  kusoo kordhin doona horumarka deegaanka iyo isu socodka bulshada deegaanada gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulkaasi Hirshabeelle.

Md. Cali Guudlaawe ayaa si aad ah usoo dhaweeyey dhagax dhigga garoonka degmada Cadalle, ayaa xusay in bulshada Hir Shabeelle farxad ay u tahay in Madaxweynaha Xasan uu garoonkaasi dhagax dhigo, isagoo tilmaamay in uu wax badan ka tari doono horumarka bulshada Hirshabeelle sidaasi daraadeedna la dadajin doono dhismihiisa.

Md. Guudlaawe ayaa tilmaamay in garoonka degmada Cadalle ee maanta la dhagax dhigey uu qeyb ka yahay mashaariic horumarineed oo ballaaran oo maamulkiisa qorsheeyey inuu ka fuliyo guud ahaan deegaanada Hir Shabeelle, balse muhiim ay tahay in dhamaan deegaanada maamulkiisa laga xoreeyo kooxda argagixisada Alshabaab oo caqabad ku ah xasiloonada iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed.

Tallaabta maanta uu ku dhigax dhigey Madaxweynaha Soomaaliye Xasan Sheekh garoonka degmada Cadalle ee Shabeelaha Dhexe, ayaa qeyb ka ah fulinta balamo hore uu u qaaday ee ah in adeegyada muhiimka ah la gaarsiin doono deegaanada laga horeeyo kooxda Alshabaab. Deegaanka Cadale iyo tuulooyin muhiim ah oo hoos yimaada ayaa ka mid haa deegaano ay dhawaan ciidamada xoogga iyo maleeshiyaadka Macawisleyda ay ka xoreeyeen Al Shabaab.

Dawladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtey in deegaanada laga xoreeyo Alshabaab la gaarsiin doono adeegyada muhiimka ah bulshada sida caafmaadka, waxbarashada, garoomo cayaaro, xarumaha cadaaladda iyo saldhigyo boolis kuwaasi oo dhamaan ka qayb qaadanaya xasiloonada bulshada iyo horumarkeeda.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.