Thursday, July 18, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Xamse iyo Xamaas

W.Q: Cabdulcasiis Maxamuud Macallin

RW Xamse Cabdi

Raysalwasaaraha Soomaaliya md. Xamse Cabdi Barre mid ka mida khudbooyinkiisii ugu horreeyey ee uu jeediyey markii la magacaabay, wuxuu ku sheegay in ujeedadiisa ugu weyn ee uu siyaasadda ugu jiraa tahay inuu janno ku galo. Marka la isu geeyo khudbadaas iyo kuwo ka dambeeyey oo raysalwasaaraha u ekaysiiyey wadaad masaajid laga shaqaalaysiiyey, waxaa muuqanaysey in Md. Xamse yahay arday ka aflaxay casharrada faraha badan ee waxa loo bixiyey “Saxwada Islaamiga ah”, wax aragti ahna uusan ka haysan shaqada loo dhiibay oo ah hoggaamin dal, waayo? Inuu Xamse janno galo ma jirto wax ay ku soo kordhinayso dadka iyo dalka hoggaankooda loo dhiibey.

Sida runta ah waxaa aniga iyo intii ila aragti ahaydba isla markaaba maskaxdayada shaashaddeeda soo fuushay, inuu booska Raysal Wasaaraha Soomaaliya yahay mid bannaan (Vacant).

Siyaasiga heerkaas ahi janno kuma raadiyo shaqadiisa ee danta dalka iyo dadka ee loo igmaday ayuu ka daba galaa hadba meeshay gasho naartana ha ahaatee, oo ka badbaadiyaa!

WAA MAXAY SAXWADU?

Waa aragti ku qotonta danaysi shaar diimeedna la huwiyey, taasoo ay falkiyeen imbaraadooriyado carbeed oo ay ugu horreeyeen Umawiyiintii iyo Cabbaasiyiintii.

Aragtidani waxay bani’aadamka u qaybisaa:

Muslin (Eebe iyo Rasuul rumeeyey) iyo Gaalo (Eebe iyo Rasuul beeniyey)

Waxay walaalaysaa dadka ay muslimiinta u bixiyeen meel kasta oo ay dunida ka joogaan iyadoo ku boorrisa inay hal hoggaan yeeshaan, sidii xilligii Nabi Muxammad (CSW) iyo khulafadii ka dambaysey. Waxay fartaa muslimiinta inay nacaan, ka fogaadaan lana dagaallamaan dadka ay aragtidaani u bixisay Gaalada (Jihaad).

Ujeedada aragtidani waxay ahayd in dadka muslimiinta ahna dhammaantood hoggaan loo noqdo, dadka gaalada ahna lagu qabsado jihaad si loo ballaariyo xukunka iyo saamaynta carbeed ee dunida. Si haddaba arrintani u suuragasho waxaa la abuuray falsafado lagu dagaal gelinayo dadka ay muslimiinta u bixiyeen oo dabcan loogu talagalay inay iyagu xukumaan oo ay ka mid yihiin:

Alwalaa’ walbaraa’: oo lagu macneeyey “gaalada nac muslinkana u hiilli.

Shahiid: oo lagu macneeyey in qofkii dagaalka gaalada ku dhintaa horay jannada ka gelayo.

Xuuralciin: oo lagu macneeyey dumar tiro ahaan 70 ugu yartahay oo si uu ugu raaxaysto jannada ku sugaya ninka dagaalka gaalada ku dhinta. Iyo falsafado kale oo badan.

Hal-ku-dhegyada fikraddaan waxaa ugu waaweyn:

Allaahu Akbar: oo ah tigidka loo goosto in la laayo lalana dagaallamo dadka kale.

U hiilinta diinta Alle.

Koryeelidda kelimadda Alle.

Dastuurkayagu waa Kitaabka Alle iyo

Diinta Alle ha laysku xukumo.

Aragtidaani way u shaqaysay carabta waagoodii oo wacyiga iyo aqoonta dadku hoosaysey oo dhul badan ayay qabsadeen iyaga iyo intay wateenba, waase aragti waqti-dhaaf (outdated) ah oo aan maanta shaqaynayn maadaama kuwii la qabsan lahaa ka gaashaanteen iyadoo kuwii la rabey inay wax qabsadaana maanta yihiin kuwa ugu itaalka iyo aqoonta yar dunida iyo dunidii oo si kale isu qaabaysay, lagana guurey nidaamkii isqabsiga iyo imberyaaliyadda ku dhisnaa. Hase yeeshee nasiib darrada weli aragtidaan looga rajo qabo inay shaqayso ayaa waxay tahay in muslimiinta maanta akhristaan kutub badan oo fikraddani ku qoran tahay, iyagoo u daraaseeya sidii inay diintooda ka mid tahay. Sidaa darteed, fikraddaan saxwada darteed waddammo badan oo aynu ka mid nahay ayaa maanta fowdo iyo dawlad la’aan ku raagey.

Sideedaba dhaqanka saxwada ayaa ah inay baraarujiso oo xoogga saarto arrimo shakhsi ah ee ma danayso danta guud ee ummadi leedahay, waayo intii ay saxwadu socotey gabdho badan ayaa dhar loo xiray, soon iyo salaad badan ayaa la gutey, masaajiddo badan ayaa la dhisay, balse dhinaca kale dawlado badan ayaa burburay, dad badan ayaa qaxooti noqday, dhiigga dad badan oo aan waxba galabsan ayaa la daadshey, sidaas ayaana fasaadku cirka isku shareeray. Saxwadu ma tixgeliso xuduudaha dawladaha taa bedelkeedna waxay buunbuunisaa walaalnimada muslimiinta iyo isu hiilintooda. Sidoo kale ma ixtiraamto diblomaasiyadda iyo xiriirka caalamka iyadoo u taqaan dhufays gaaladu ku gabbadaan!

KHUDBADDII U DAMBAYSEY EE RAYSALWASAARE XAMSE

Isagoo ka hadlaayey meel lagu xusayey wadaad waa hore dhintay ayuu RW Xamse si caro leh u sheegay inaan ururka Xamaas ahayn argagixiso ee ay yihiin urur dalkooda xoraysanaya, isagoo dhinaca kalena cay iyo dhaliil dusha uga tuuray Israa’iil iyo dawladaha reer galbeedka. Sida aan ka warhelay hadalkaani ma ahayn siyaasad dawladeed oo golaha xukuumaddu u codeeyey, kamana warqabin Madaxweynaha dalku.

MAXAA KA DHEXEEYA FALASTIIN IYO SOOMAALIYA

Marka lagu cabbiro halbeegga dawladnimada ma jiraan dano si gaar ah uga dhexeeya labada dal ha noqdeen kuwo dhaqaale ama kuwo siyaasadeed. Soomaaliya Falastiin ugama sokayso dawladda Imaaraadka Carabta oo hadda Israa’iil ku caawinaysa agab milateri iyo mid sirdoonba si ay uga takhalusto waxa ay labada dawladood u aqoonsan yihiin “Urur argagixiso” ee Xamaas.

Taageerada madhan ee afka ah ee RW Xamse u muujiyey Xamaas wuxuu ku dejinayey caadifadda shakhsiga ah ee diiniga ah ee isaga ka dhex shidnayd, caadifaddaasoo ay abuurtay fikradda gabowdey ee Saxwada ee aan ka soo sheekeeyey, gaar ahaan in muslimiinta oo dhan walaalo yihiin, khasabna ay tahay inay isu hiilliyaan, taasoo aan curfiga dawladnimo boos ku lahayn.

RW Xamse wuxuu I xasuusiyey Madaxweyne Mursigii Masar AUN oo intuu illaaway inuu ummad hoggaamiyo si uu u qanciyo caadifaddiisa islaamiga ah khudbo Jimce ka hor akhriyey kulanka loo dhenyahay ee Qaramada Midoobey!

Maanta dunidu waxay ka kooban tahay dawlado, xiriirka dawladahaasna diini waxba kama goyso- laysuguma hiilliyo, layskuma dilo waxna laysuguma taro ee waxaa xiriirka dawladaha iyo isxulafaysigoodaba sal u ah arrimaha waxtarka u ah danaha dalalkkooda ee siyaasad iyo dhaqan-dhaqaaleba leh. Iimaanku maaha arrin bulsho ee waa arrin shakhsi

GABAGABO

Khudbada raysalwasaaruhu waxay ahayd mid ka arradan dhaqanka diblomaasiyadda caalamiga ah, waxayse ku labisnayd dhaqanka caadifaddu hogaamiso ee “Hiil Walaal”. Cadawga ay noo samaysay iyo sawirka fooshaxun ee ay dal ahaan naga bixisay khudbaddaasi waxaan kaga gam’i lahaa haddii ay Xamaas wax tari lahayd.

Annagoo weli la ildaran cadaawaddii ka dhalatay danti-moogenimadii 1974kii ee tabliiqa xoraynta Afrika, iyadoo kuwii aan waagaas u doodayney maanta ay yihiin dawlado deggan iyo heesihii sida “Waa boqol Yuhuudiye” oo isla qaddiyaddaan ahayd waxbana aan u kordhin Falastiin ee keliya annaga naga dhigtay “Sagaaradii badda ku kaadiday naceeday werisey”, uma dulqaadan karno inaan aragno siyaasi Soomaaliyeed oo aan illaa maanta wacyigiisu halkii dhaafin oo nagusii fogeeya godkii ay sida talaxumada ah noogu rideen kuwii hore.

Sidaa darteed madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud waa inuu arrintaan ka odayeeyaa isagoo diiradda saaraya dalka iyo badbaadadiisa, waana inuu cidduu hadda ka dib magacaabayo naga hubiyaa wacyigiisa iyo aqoontiisa siyaasadeed.

W.Q: Cabdulcasiis Maxamuud Macallin
E-mail: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.