Thursday, April 18, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Warqad Furan: Soomaaliya waa mid, mid kuma noqoto, ka dhabeeya midnimadeeda

Ku: Mudane Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud

Og: Mudane R/wasaare Hamse Cabdi Barre

Og: Guddoomiyaha Baarlamaanka F. Soomaaliay Mudane Sheekh Aadan Maxamed ,Speaker

Og: Guddoomiyaha Aqalka Sare B.F. Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi

Og: Mudane Shariif Sheekh Axmed, Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya
———

W/Q: Cismaan Xasan

Marka hore Madaxwayne iga guddoon salaan Sharaf. Marka xiga waxaan ka falcelinayaa hadalkaad dhawaan ka jeedisay dalka Maraykanka adoo la hadlaaya jaaliyadaha Soomaaliyeed. Nuxur ka hadalkaagu wuxuu ahaa midnimada Soomaaliya gorgortan ma geli karto. Hadalkaasi waa mid ay Soomaali badani soo dhowaysay marka laga reebo inta midnimada diidan. In kalana waxay qabaan afku waa beene ishaa macallin ah ee aan aragno midnimo lagaga dhabaynaayo oo maanta kala dhantaalan.

Madaxwayne, waxba waxbay dhaamaan ee waa Allah mahadii in hadalkaa lagaa maqlo oo hore aan lagaaga baran. Madaxwayne hadalkaaga aad ku daafacayso midnimada Soomaaliya wuxuu imaanayaa goor xeedho iyo fandhaal kala dheceen, goor midnimadii Soomaaliya afka uun ka jirto laakii si kasta oo kale ayna Soomaaliya mid ahayn oo dib ugu noqotay labadii dal ee ay kala ahaayeen ka hor midnimadoodii 1da Julay 1960. Madaxwayne, dalka waxa kala gooyay maaha uun SNM iyo taageerayaasheeda ee waxaa qaybwayn ka ah madaxdii Soomaaliya ee kala danbeeyaay dembiga ha kala badsadeene.

SNM waxay ku dhawaaqday kala go’a Soomaaliya 18 May 1991, isla sannadkii burburka qaranka Soomaaliya. Markaa ma jirin wax dowlad ah oo ka hortimaada ficilkaa SNM. SNM oo gacanta ku dhigtay hubkii ciidamada qaranka Soomaaliya ee joogay woqooyiga waxay xoog ku qabsatay inta badan gobollada Awdal iyo SSC ee aaminsan midnimada Soomaaliya. Waxay gobolladaasi sugayeen dowlad Soomaaliyeed oo soo noqota oo ka xoraysa gooni goosadka SNM iyo xoogga lagu haysto.

Markii xukuumadihii Soomaaliya soo noqdeen, oo dhib badani ka haysteen Koonfurta Soomaaliya, ma lahayn awood militari oo SNM kaga xoreeyaan woqooyiga. Laakiin beelaha ama gobollada woqooyi ee midnimada aaminsani waxay filayeen in si walba oo kale hiil loo siiyo. Ayaan daro halkii loo hiilin lahaa ayaa cadowgoodii SNM loo hiiliyay.

1.Aasaaska Israaca Beelaha Soomaaliya oo aan lagu dhaqmin

Madaxwayne:

Israaca beelaha Soomaaliya ee 1da Julay 1960, iyo dastuurka, iyo jiritaanka Soomaaliya ee dhashay waxaa aasaas u ahaa:

  • In Soomaaliya tahay dal ay samaysteen beelo siman, isu tegay, midoobay, midna aanay  midda kale qabsan karin, u talin karin, u hadli karin, wakiil ka noqon karin.
  • În ka mid noqodka federaalka Soomaaliya, marka shuruucdiisa la fuliyo, ay tahay xuquuq dastuuriya oo loo simanyahay, oo aan cidna awood shirciya u lahayn in ay is hortaagto.
  • In gobollada iyo beeluhu u siman yihiin adeega dowladda iyo deeqda caalamka.

Intaas oo xeer oo aasaas u ah jiritaanka Soomaaliya, oo dhaqan galkeeda ay ahayd in dowladdu horseed u ahaato  ma dhicin, waxaana ka horyimid maamulka SNM iyo madaxda Soomaaliya.

2.Hab dhaqanka loola dhaqmo “Somaliland”

Mudane madaxwayne, hab dhaqanka dowladda ee ku aadan gobollada woqooyiga waa kuwo taageeraaya madaxbannaanida iyo aqoonsiga maamulka SNM ee la baxay Somaliland. Waxaa ka mid ah:

  • Magacii Somaliland, oo hore meesha ka baxay kadib markii waqooyi iyo Koonfur israaceen 1dii Julay1960, waxaa soo ceshaday SNM markii ay ku dhawaaqday in woqooyi ka go’ay Soomaaliya oo loo kala baxay labadii dal ee la kala ahaa ka hor israaca.
  • Xukuumadihii ka la danbeeyay ee Soomaaliya waxay yeeleen sidii SNM rabtay, waxaana ay qaateen magaca Somaliland. Mar hadday saa yeeleena wahay ka dhigantahay in labadii dal la kala noqday sida SNM sheeganayso.
  • In sidaasi ka dhigantahay in dowladda Soomaaliya u godlatay rabitaanka hal beel oo midnimada diidan halka ay ka hortimid rabitaanka afarta beelood ee kala dega Awdal, Khatumo, iyo Makhir ee midnima doonka ah ee diidan in magaca Soomaaliland loogu yeedho oo u arka in uu meel ka dhac ku yahay qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.
  • In loola dhaqmo maamulka Jabhadda SNM (Somaliland) in uu xukumo, metelo, u hadlo, dhammaan beelaha aaminsan midnimada ee woqooyi oo intuba khilaafsan distoorka iyo xeerarka aasaaska u ah israaca beelaha Soomaaliya.
  • In loo wada hadlo laba dal oo siman, oo ah Soomaaliya iyo Soomaaliya.
  • In loo yeelo “Somaliland” in ay u madaxbannaantahay in ay xidhiidh iyo cilaaqaad si toos ah iyo si dadban ba ula yeelan karto dalkay rabto.  Misaal, xidhiidh toos ah ayaa maamulka beesha SNM la leedahay dowladaha la baxay Saaxibbad Soomaaliya (Somalia’s International Partners).
  • In fasaxaa la siiyay “Somaliland” uu ka dhiganyahay farriin loo diraayo dalalka caalamka in albaabku u furanyahay in ay aqoonsadaan “Somaliland”.
  • In gobollada woqooyigana la iska hortaagay xidhiidhka federaalka, kuna kooban yahay gobollada koonfur ee Soomaaliya, taas oo ka dhigan in laba dal la kala yihay sida SNM sheeganayso.
  • In haddii ay saa ku socoto uu imaanayo ictiraafka Somaliland goor ay noqotaba.

Ma dariiqa midnimada ayaa la raacayaa mise dariiqa SNM rabto?

Mudane Madaxwayne:

Soomaaliya maanta mid maaha. Sababteedana waxaa leh dowladahii Soomaaliya ee kala danbeeyay. Mar weeyee Soomaaliya waxay noqotay federal ku kooban koonfur. Mee woqooyigii?. Woqooyiga midnimada aaminsan ma diidin ka mid noqodka federaalka ee waa la iska hortaagayy. Marka xiga dowladda Xamar meelna kama joogto woqooyiga, xitaa inta SNM xorta ka ah, sida Makhir, gobolkda Buuhoodle, iyo in badan oo Sool ah.

 Maxay ka dhigantahay dastuurka aan la fulinayn? Soo maaha laba dal baa la kala yahay? Haddii ay dowladda ka dhabtahay midnimada Soomaaliya iyo in xidhiidh federal ka dhexeeyo Soomaaliya, woqooyi iyo koonfur, bari iyo galbeed, waa in dowladdu fulisaa qoddobadan halbowlaha u ah federal ka iyo midnimada:

i. Qodobka 49(6) “Laba gobol iyo intii ka badan oo isu tegay ayaa ka midnoqon kara federaalka k”. Dowladdu ma hoggaansamin markii Khatumo la iska hortaagay ka mid noqoshada federaaka. Hadda dowladda aad madaxweynaha ka tahay ha fuliso.

ii. Qodobka 48 (2) “gobol hadduusan gobol kale weli ku biirin, si ay u noqdaan xubin ka mid ah federaalka, wuxuu inta ka horaysa saani u hoos imaanayaa dowladda federaalka ilaa laba sano markay u badnaanto”. Dowladdu qodobkan dastuuriga ah ma fulin. Waxay tegilahayd inta xorta ah ee SSC sida Makhir iyo Buuhoodle ee SNM xor ka ah.Hadda ha fuliso.

Iii. Qodobka 50(d)     Qayb kasta oo ka mid dawladda Federaalka Soomaaliya waxay xaq u leeyahiin in ay si siman u helaan gargaarka iyo waxtarka dowladda federaalka. Qodobkan dowladdu ma fulin, Hadda ha fuliso.

3.Wadahal Soomaaliya iyo maamulka Jabhadda SNM

Mar haddaan dastuuriyan iyo sharciyan uusan jirin wax la yidhaado Somaliland, oo meesha ka baxday kadib israacii 1960, mar haddii magaca Somaliland uu yahay mid SNM la baxday oo gaar u ah, oo beelaha midnimada aaminsani shaqa ku lahayn Somaliland waxa la baxay, mar haddaan beelna beel kale u talin karin, mas’uul ka noqon Karin, u hadli karin, markaa meesha waxaa ka baxaaya wax la yidhaado wadahadalka “Soomaaliya iyo Somaliland”. Waa in lagu beddelaa wadahadalka “dowladda iyo beesha SNM”.

Sida koonfurta ka dhacda, waa in si la mid ah wixii wadahadal ah ee dhexmara dowladda iyo gobollada woqooyi ay ahaadaan kuwo ku kooban beel beel iyo dowladda, oo mid kastaa danteeda ka hadlayso. Wixii ku saabsan kala go’a Soomaaliya ee SNM wadato, waa arrin gaar u ah beeshaa SNM iyo dowladda, mana ah wax khuseeyaa beelaha kale.

Fulinta qodobada dastuurka, oo u horrayso ka mid noqodka federalka Soomaaliya, gobolkii woqooyi ee shuruudda fuliya, ayaa ballanqaad u ah so celinta midnimadii Soomaaliya. Haddii talaabadaa la fuliyo, waxaa ka dhalanaaya laba natiijo oo muhim ah. Kow, in beesha caalamka, oo aragta in Soomaaliya federal tahay, woqooyi iyo koonfur, ay yarayn doonaan ahmiyadda ay siiyaan hal qabiil oo wata magaca “Somaliland”. Soomaaliya inteeda kale ayaa uga muhimsan.Ta labaad, waxaa la hubaa in intabadan ee beesha SNM u soo noqonayaan midnimada mar haddii beelaha kale ee woqooyi ka mid noqdeen federalka, oo rajo ictiraaf meesha ka baxdo.

Madaxwayne, waxaa laga yaabaa in taariikhda aad ka gasho madaxwayne laba jeer soo noqday. Taariikhdu maxay ka qori? Maxaad dhaxal ka teg? Maxaad Soomaaliya u qabatay, maxaad yeeshay se? Ama waxaad taariikh da ka geli kii Soomaaliya mideeyay, ama kii aabbaha u ahaa burburka midnimada Soomaaliya. Allah ha ku tuso dariiqa danta u ah ummada Soomaaliyeed

Mar kale salaan qiima leh

Cismaan Xasan
UN Retiree,
Human Rights Defender, Geneva
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.