Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Walaalkay Barwaaqo Ilaah ha kuu naxariisto

W.Q. Dr. Georgi Kapchits

Cabdiraxmaan Barwaaqo

Geeriyi ma qarsoonto. 3dii Maarso waxay ku timid Cabdiraxmaan Cabdullaahi Faarax ‘Guri Barwaaqo’. Waa hoog qoto dheer oo iga dhigay qof tiiraanyaysan. Waxaan hubaa in tiiraanyada aan ku suganahay ay ila wadaagayaan dad badan oo ila jeclaa marxuumka, nasiibna u lahaa in ay la kulmaan oo ay qadderiyaan qalbigiisii u furnaa ruux kasta oo lillaahi ah oo daacad ah, aqoontiisii heerka sare ahayd, hawlkarnimadiisii  aan xadka lahayn iyo codkarnimadiisii la wada yaabi jirayba.

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax ‘Guri Barwaaqo’ wuxuu ahaa afyaqaan, abwaan- ururiye, hal-abuur iyo cilmi-baadhe. Wuxuu qoray buuggaag dhowr ah oo mawducyada ay khuseeyaan aan looga horrayn. Waxaa ka mid ah buuggaagtaas “Magac bilaash uma baxo: ujeeddooyinka magacyada iyo naanaysaha Soomaaliyeed”. Buuggan oo markii uu soo baxay aan anigu ka qoray gorfayn aan cinwaan uga dhigay “Waa kan buuggii aan sugayay 40ka sano”, Prof. Bogumil Andrzejewskina uu aad u ammaanay.

Waxaa kaloo buuggaagtiisa qaaliga ah ka mid ah “Mahadhada iyo waxqabadka Maxamed Xaashi Dhamac ‘Gaarriye’”, “Hal-bixinta ereyada kumbuyuutarka” iyo“Far Makaahiil – Far Soomaalidii u horreysey ee reer Soomaalilayn” ee baalkiisa dambe uu xambaarsan yahay ra’yiga aan ka qabo: “Bilowgii waxaa jiray erayga (Yooxanaa, “Axdiga cusub”). Eraygu hadduu yahay mid aan qornayn waxaa u halis ah inuu maalin uun dhinto. Afafkii aan qornayn  ee muddo dheer ka hor lagu hadli jiray badankood waa la illoobay oo war lagama hayo xikmaddii ay salka u ahaayeen.  Qaarka kalana, inkastoo loo haysto afaf mayd ah, haddana waa la garanayaa, maadaama loo yeelay faro u gaar ah oo badbaadiyay. Baahida loo qabo in la dhowro, lana badbaadiyo af-Soomaaliga ee murti aan la soo koobi karini ay ku dhisan tahay waxaa garaneyey culumo badan oo isku taxallujiyey in ay u abuuraan far ku  habboon. Waxay ahaayeen halyeeyo mudan in la barto magacyadooda,  lana ogaado sooyaalkoodii iyo dhibaatooyinkii ay soo mareen.  Buugga la yidhaahdo “Far Makaahiil” ee uu ka qoray Cabdiraxmaan С. Faarax “Barqaaqo” waa mahadnaq kal iyo laab ah oo aynu ugu celineyno waxtarkii ay ku kordhiyeen horumarinta afka, hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.”

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax ‘Guri Barwaaqo’ wuxuu kaloo ku caambaxay buugga la yiraahdo “Sooyaal: Ina Cabdalle Xasan Ma Sheekh buu ahaa, mise…?” ee dood kulul ka kiciyey bulshada Soomaaliyeed, aniguna aan ku duceeyey erayada ku qoran jaldigiisa dambe: “The publication of “Sooyaal: Was Ina Cabdalle Xasan a Sheikh or a…” in which the great Somali poet, preacher and warrior is desacralized is no accident. This book contrasts in many ways with what has been written about him so far. It adduces indisputable evidence of the protagonist’s difficult nature and shady deeds.”

Buuggii ugu dambeeyey Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax ‘Guri Barwaaqo’ waxaa noqday “Hal kuu dhiman: Fal-celinta been-abuurkii laga faafiyey buuggii SOOYAAL” ee magaciisa ay ka muuqaato sidii xoogga lahayd ee uu qoraagu isaga celineyey weerarkii lagu hayay buuggiisii hore.

Buuggaagta hor ku xusan mooyaane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax ‘Guri Barwaaqo’ wuxuu ka tegay in ka badan 40 maqaal qaayo leh oo ku saabsan afka, maansada iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Soomaaliya waxaa ka lumay abwaan weyn oo macalliin iyo la-taliye u ahaa dad badan oo aan  anigu ka mid ahaa. Waxaan shaki ku jirin in Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax ‘Guri Barwaaqo’ la xasuusan doono, lana tebi doono intay Soomaaliya uu aad u jeclaa jirto iyo inta afka Soomaaliga ah ee uu aad u daryeeleyey lagu hadlo.

W.Q. Dr.Georgi Kapchits
E-mail:[email protected]
Website: www.kapchits.narod.ru
Moosko
———-
Dr. Kapchits waa khabiir ku takhasusay luqadda Soomaaliga, waxa uuna qoray buuggaag iyo qoraallo tiro badan oo la xidhiidha Afka iyo Suugaanta Soomaaliyeed. Dr. Kapchits waxa uu aad isugu taxalujiyaa baadhista iyo ururinta sheekooyinka hiddaha iyo maahmaahyada Soomaaliyeed. Dr. Kapchits waxa uu qoraalladiisa ku soo bandhigaa degalka WardheerNews. 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.