Tuesday, May 21, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

WAA SIDEE QAAB QORAALKA QUMMAN EE ISKU DHISKA MAGAC LAMMAANE: ‘AF’ IYO ‘FUR’?

W/Q: Cabdirisaaq Baraag

Dad badan ayaa qodqoday oo aragtidooda ka dhiibtay sida ugu toosan ee loo qori lahaa magac lammaane, kaas oo ka yimid, isku darka labada magac ee ‘af’ iyo ‘fur’. Cidi dood kama keenin in ujeeddada erayga soo bixi doona uu noqonayo ‘af xirnaan la jabiyay ama la joogiyay, oo in wax la cuno/cabbo ay bannaan tahay, iwm’.

Eraygu ma waxa uu noqonayaa ‘affur’, ‘af-fur’, mise ‘afur’? Inta ba waa lagu sheegay. Qoomuuskii ugu horreeyay ee aynu qoranay 1976dii ee uu soo saaray mudane Yaasiin C. Keenadiid, sida aad hoos ka aragtaan, waxa uu ku qoray eraygu in uu noqonayo ‘affur’!

Sida la garan karo, ma aanu sababayn oo qorista qaamuuska ayaa uu iska sii watay. Waa se badan yahiin aqoonyahannada qaba in hab qoraalka qumman ee eraygu uu noqonayo ‘afur’. Waa hal ‘f’; ee ma ahan laba ‘f’. Waxaa ka mid ah mudane Cabdalla Cumar Mansuur. Anigu, sidan dambe ayaan raacsan ahay. Waxa aan se doonayaa in aan sababeeyo. Ugu dambayn na, aan ka dhaliyo gabagabada xeer ay tahay in la raaco maanta dabadeed goorta la qorayo eraygan ‘afur’; iyo erayada la bahda ah ee aan faanfaahin doono.

Magaca ‘Afur’ waxa uu la qaab qoraal yahay erayo kale oo dhawr ah, ee kaligiis qaabkan hal kuma ahan. Waxaa ka mid ah:

  • afur
  • madaxanuun
  • anshaxumo
  • wacelin
  • Iyo kuwa kale.

Iminka si fudud ayaad u garan kartaa sida kamadambaysta ah ee ay u hirgaleen isku dhiska magac lammaane kaas oo qurubkiisa hore ku dhammaado cod/xaraf uu qurubkiisa dambe isla codkaas ka billaabanayo. Erayadani waxa ay ka yimaadeen:

  • af+fur = afur
  • madax+xanuun = madaxanuun
  • anshax+xumo = anshaxumo
  • wac+celin = wacelin
  • Iyo kuwa kale.

Waa laga yaabaa, inta aan meel kala ba loo dhaqaaqin, in erayga taxayga ugu dambeeya uu kugu yar cusub yahay. Shaqada ugu weyn ee aan afka ka qabto waa eraybixin. Sidaas darteed, ‘wacelin’, waxa aan doonayaa in aan ku beego ‘call-back’. Waa haddii ay suurowdo oo uu hirgalee.

Intaas ka dib, aan u imaado xeerkii aan idiin ballan qaaday in aan hab qoraalka erayada sare ka dhallin doono, billawgii qormadayda. Xeerku waxa uu lee yahay: haddii lammaane magac qaybtiisa hore ay ku dhammaato cod, oo qaybtiisa dambe ay ka billaabato isla codkii midkii hore ku dhammaaday, labada cod mid ayaa la tuurayaa. Tusaale aynu ka doonano erayada kor ku qoran.

Duwanayaal: eraygan ‘duwane(yaal)’ waxa aan doonayaa in aan ku beego ‘exceptional(s)’. Waa aad se igu diidi kartaa, oo mid kaga habboon aad ii soo tabin kartaa.

Xeerkan sare ma qabanayo oo lagu ma qaadayo laba kooxood oo ka mid ah lammaanayaasha magac. Waa:

  • Magacyada lammaane ee ka yimid isku dhiska magac ku dhammaada cod ka mid ah toddobada cod ee labanlaamba, oo lagu daray magac ka bilaabanaya isla codkaas ka mid ah toddobada cod ee labanlaamba. Magacaas lammaane laga ma tuurayo cod. Waxaa ka mid ah:
  • Jalam+macaan = Jalammacaane
  • Tan+ninle = tanninle
  • Baal+lalmin = baallalmin
  • Taag+gaduud = taaggaduud
  • Door+rooni = doorrooni
  • Baad+diidis = baaddiidis
  • Daab+baaqday = daabbaaqday
  • magacyada gaarka ah oo uu isku darkoodu soo saaro lammaane magac, kaas oo qaybta hore codka uu ku dhammaado ay ka bilaabanayso qaybta dambe. Inta lammaanaha magac qaybtiisa hore la qoro ayaa xariijin (-) lagu la xirayaa qaybtiisa dambe. In lammaanaha magac labadiisa qaybood ba codadka ay ku billaabanayaan la weyneeyo waa mid iska wanaagsan. Waxaa tusaalayaal inoo ah:
  • Maxamed-Deeq
  • Xasan-Nuur
  • Bile-Eelay
  • Xirsi-Ileey
  • Jaamac-Cunaaye
  • Iyo mindhaa kuwa kale.

DHAMMAAD.

Waxaa diyaariyay: qoraa Cabdirisaaq Baraag oo ka mid ah Guddiga Horumarinta Afka Hooyo. Waa na Guddoomiye-hoosaadka Guddiga Eraybixinta. Waxaad kala xiriiri kartaa [email protected].


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.