Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Waa Intaasoo Loogala Sii Dhowaado

W.Q. Axmad Cabbaas (Gacma Gaab)

Sheeka hore ayaa laga soo weriyey oraah dhexmartay wiil dhallinyaro ah iyo aabbihiis oo dagaal wada galay. Markii goobti la hantay, ayaa wiilki yiri “Aabbe ma arkaysey wacdaraha aan maanta dhigay?” “Maandhe waa intaas oo aad ugala sii dhowaato”, ayaa odaygi ugu jawaabay. Inkasta  oo wiilkii u qaatay in aabbihi qawaday haddana xigmaddu waxay ahayd si kasta oo hawl looga soo dhalaalo haddana nolosho mar walba qabyo ma weydo.

Geeddisocodka ummaduhu ma aha wadda falan oo durduro iyo daansha daanshood lagu maro. Waxay leedahay turun-turroyin sababa horumar iyo dibu-dhac talantaalli ah amaba is-feer-socda. Mar walba waxaa jiraya dhinacyo guul laga gaaray iyo guulo suurta gal ahaa oo la gabay amaba laga gaabiyey.

In la yagleelo Puntland waxay ahayd guul taariikhda ku astaysan dhinacya badan markii laga eegana waxaa la oran karaa sidi ugu fiicnayd oo markaas suurtagalka ahayd ayaa loo aambaqaaday. Maadaama  duruufihi markaa jirey aanay suurta–gelinaym in maamulkii koowaad ee Puntland lagu dhiso hannanka qof iyo cod ah, waxaa la asteeyey in mudda saddex sano gudaheeda lagu hirgeliyo nidaamkaas asaga ah. Hor iyo horraan waa in la isla qiro in Puntland ay aad uga gaabisay dhalanrogidda nidamki lagu unkay 1998di.

Doorashadii golayaashi saddexda degmo ee dhacday 25ki Okotoobar 2021, marka laga fiiriyo mudda daafka 23 sano ah, waxaa hubaal ah iney tahay guul aad u kooban. In saddex degmo keliya laga qabto doorasho golayaal degaan ayada oo weli dhimanyihiin 47 degmo, waxaa muuqata in aan doorashada golayaasha degaannada aan weli fari ka qodnayn. Intaa waxaa dheer in doorasho toos ah ee Golaha sharcidejinta ay weli dhimantahay.

Dhinaca nuxurka marka laga eego waxaa la oran karaa in doorashada saddexda degmo ay tahay guul lagu naalloodo. Hor iyo Horraan waa in la qiro in qabanqaabada doorashadu ay ahayd mid aad u sarraysa marka laga eego dhinaca xirfadda, hufnaanta iyo hoggaaminta. Ma aha in GDKMG (TPEC) ka soo dhalaashay xilki ka saarnaa qabashada doorashada ee waxaa guul ah in Puntland yeelatay hay’ad doorasho oo ka gudubtay tijaabo aad u u adag lana fac ah ka jiba gaaridda dhammaystirka doorashooyinka golayaasha degaanka ee Kalgalka. Waxaa ayaduna guul ah in doorashada ku dhacday xasarad  la’aan ururrada siyasadda dhexdooda ah. Ka qaybgalka shacabka saddexda deegmo, ayaa asaguna ahaa mid aad u sarreeya. Waxaa kaloo bogaadin mudan kaalinta bulshada rayidka ee hormuudka ka yihiin PDRC, PUNSA iyo saxaafadda xorta. Kaalinta xukuumadda ku yeelatay doorashada waxay ayaduna noqotay mid ku kooban fududayn mana muuqan in Ururka KAAH ee uu guddoomiyaha ka yahay Madaxweyne Deni uu ururrada ka leeyahay mudnaan gaar.

Marka la isu so oxooriyo,  isugeynta tilmaamaha baadisoocda u ah doorashadan, ayaa suurta geliyey in natiijadu  noqoto mid ka tarjumeysa rabitaanka cod-bixiyayaasha saddexda degmo. Waxaa  hubaal ah in dorashadani ay noqtay bandhiggii labaad ee dhaqan siyaasadeed ay lagama maarmaan tahay in uu Soomaaliya ka hanaqaado. Gaar ahaan, Puntland waa in marxaladdaha dhammaystirka weegaarka doorashooyinka (electoral cycles) lawaafajiso dhaqankaasa oo aad loo sii horumariyey.

Maadaama fal aadane aanu marnaba hurayn dhaliilo, dhinacaas waxaan u daayey daraasadaha la xariira doorashada iyo casharrada laga barandoono oo wax tar weyn u noqondoona sii ambaqaadidda dimuqaraadiyadda Puntland. Inta ilaa hadda la hayo waa saddex gole degaan oo shacabkii doortay uu ka sugayo waxqabad ka sarreeya heerarki waxqabad ee golayaasha qaabka dadban lagu so dooran jirey.

 Maadaama aan shakhsi ahaan isku tiriyo muwaaddin tan iyo maalinti uu dab ka leexday ku naalloonayay nidaam dimuqaraaddi ah, doorashadani waxay tahay ifafaale aan aad ugu diirsaday. Inkasta oo farxad iyo rayrayn ku soo dhoweeyey, waxaan haddana leeyahay waa intaas oo aad loogala sii dhowaado.

W.Q. Axmad Cabbaas (Gacma Gaab)

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.