Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

WAA BARE DHANBAALKII (Maanso)

W.T. Macalin, Maxamuud Cali Aadan “Hoorri”

Baruhu waa bud-dhiggaha, horseedaha, hoggaamiyaha iyo tilmaamaha seeska jiritaanka  ummadaha. Marna waa halbowlaha haba, tallaala, waraabsha  geedka horumarka iyo ilayska geeddi-scodka nololeed. Bulsho kasta oo gaarta tanaad iyo tisqaad nololeed ogow waa bulsho tixgelisa “baraha”. Sidoo kale, bulsho kasta  oo hoos uga dhacda dhabbaha guusha kuna hoos noqota burburkeeda ogow waa bulsho liidda, bahdisha, ogayn qiimaha “baraha”.

Haddaba maansadani waa mid kuu iftiiminaysa kaalinta  uu leeyahay macalinku, marna waa  tibaax  muujinaysa inuu yahay ababshe dhallaan, canqariye bulsho, kaabe horumarineed iyo makaab dhaqan dhaxaleed. Toban gu’ ayaa ka soo wareegtey hilaaddii aan curiyey maansadan, welina waxa ay cushaa ama cidaad u tahay  kasmada iyo kasiista aan dhex maaxo amin kasta. Waxa ayna tidhi saatan : –

  • Dhaqan side abwaankow,
  • Ababshihii dhallaankow,
  • Indhoweyd dhankeedii,
  • Dhigaalkaygi maansada,
  • Dhaad baan ku xirayoo,
  • Ma dhanbalin  halkeedii,
  • Mana dhimin shenkeedee,
  • Mana dhumin tixdaydii,
  • Dhoon baan ku shubayo,
  • Dhitadii  ku keydshee ,
  • Dheeha aan ka qaadee,
  • Wuxu gogol dhiggiiyahay,
  • Dhallintii dalkaygay,
  • Bare iyo dhanbaalkii.
  • Cilmigaan dhadhaminiyo,
  • Dheefsiga aqoontiyo,
  • Dheregtiyo barwaaqada,
  • Dhaaxa  waa sugeynee,
  • Dharaartan iftiintiyo,
  • Dhoolkan inoo da’ay,
  • Waa Bare dhanbaalkii.
  • Dadaal kaan dhudhuminee,
  • Dhumucdiisa gaarnee,
  • Dhan kas taba hanoqotee,
  • Noo dhalatay guushu e,
  • Waxa dhaliyey hadafkaa,
  • Dhallaan kooda naga dhigay,
  • Dhabar kooda nagu sidey,
  • Waa Bare dhanbaalkii.
  • Xafladan dhalaashee,
  • Sida dheemman iyo luul,
  • Dhaayuhu ku darareen,
  • Lagu dhaafay hadimada,
  • Waxa soo dhakooloo,
  • Dhidibbada u taagoo,
  • Dhaliishana u diidoo,
  • Dhaqso soo abaabuley,
  • Waa Bare dhanbaalkii.
  • Dhalliney hubaashiin,
  • Dhalliney ogaalkiin,
  • Dhalliney aqoontiin,
  • Dhalliney garaadkiin,
  • Dhalliney hal-beeggin,
  • Dhalliney socdaalkiin,
  • Dhalliney siday tahay,
  • Dhalliney wax lays baro,
  • Dhalliney wax lays faro,
  • Dhalliney wax loo kaco,
  • Dhabta aan ka hadalnee,
  • Dhalliney warkaa maqal,
  • Waa Bare dhanbaalkii.
  • Dhaqankiyo hiddaha iyo,
  • Dheehashada tacliintiyo,
  • Dhanbaal kaad direysaan,
  • Adanuhu dhammaantii,
  • Dersi ay ka dheegtaan,
  • Dhaqan kana ka yeeshaan,
  • Dhabta aan ka hadalnee,
  • Dhalliney warkaa maqal,
  • Waa Bare dhanbaalkii.
  • Duqaydiyo dhallaankiyo,
  • Gololada dhaclaha xiran,
  • Inta dhaqanka jecel iyo,
  • Inta dhiigga noo shubay,
  • Dheddigiyo laboodkale,
  • Dhulkeeney u gaaryahay,
  • Dhaqan baan u leenahay,
  • Waa dhaxal awoowee,
  • Dhabta aan ka hadalnee,
  • Dhalliney warkaa maqal,
  • Waa Bare dhanbaalkii.
  • Dhakhaatiirta qarankiyo,
  • Odayada sancada dhiga,
  • Dhurka jiilka noo baray,
  • Dhulka noo ilwaad furay,
  • Noo dhiibey oog kacay,
  • Naga dhiciyey cadowgee,
  • Dhabta aan ka hadalnee,
  • Dhalliney warkaa maqal,
  • Waa Bare dhanbaalkii.
  • Dhulka baaristiisiyo,
  • Dhakhso loo ogaadoo,
  • Dheemmantiyo luulkiyo,
  • Dhuumaha shidaalkiyo,
  • Dhagaxaanta dahabkiyo,
  • Biyihiiba laga dhuro,
  • Waxa dhaliyey guushaa,
  • Dhabta aan ka hadalnee,
  • Waa bare dhanbaalkii.
  • Aaladaha is dhaafiyo,
  • Hawadaa dhex qaadee,
  • Satalaydku dhiibee,
  • Dhegta qayb la saaree,
  • Diyaaradaha dhoofkee,
  • Dhakhsanaaya socodkee,
  • Arladaba dhammaanteed,
  • Soowada dhanbaliyee,
  • Gaadiid dhammaantii,
  • Badda qaar dhexqaade,
  • Buuraha dhulkaa mara,
  • Waxa dhaliyey guushaa,
  • Cilmi dhurashadiisiyo,
  • Waa Bare dhan baalkii.
  • Dad caqliga dhitaystoo,
  • Garashadoodu dheertahay,
  • Dhankii aad ka eegtoba,
  • Dhaqankiyo asluubtana,
  • Dhaawaca ka jirayoo,
  • Dhowraaya Diintana,
  • Waxa laga dhex helayaa ,
  • Dhabta aan ka hadalnee,
  • Waa Bare dhan baalkii.
  • Kuwa geela noo dhaqa,
  • Kuwa gidirka dhiinkiyo,
  • Dhaameelka ugubkiyo,
  • Dhulka noogu soofshee,
  • Dhitadana guryaha dhiga,
  • Geedka dhowrta geeyee,
  • Oo dhakaalka noo sida,
  • Oo dhaarta noo maray,
  • Cadowguna ka dhuuntee,
  • Dhulka aan xaraashayn,
  • Weligood dhudhuminayn,
  • Dhabta aan ka hadalnee,
  • Dhalliney warkaa maqal,
  • Waa Bare dhanbaalkii.
  • Kuwa dhuuxa noo shubay,
  • Kuwa dhaanka noo raray,
  • Kuwa dhaxanta naga raray,
  • Kuwa codowga naga dhigay,
  • Kuwa dhimirka noo furay,
  • Kuwa dheefta noo sida,
  • Dhiilahana noo tolay,
  • Dhulka siir ku beeree,
  • Dhuguc iyo bisayl kana,
  • Dhoomaha ka buuxshee,
  • Dhabta aan ka hadalnee,
  • Dhalliney warkaa maqal,
  • Waa Bare dhanbaalkii.
  • Dhaadasha Quraankiyo,
  • Dheegasha axkaamtiyo,
  • Towxiid ku dhaqankiyo,
  • Lagu dhigo ardiyo geed,
  • Dhowr godlna loo qoro,
  • Ama labo dharaarood,
  • Dubaaqooda lagu dhigo,
  • La canqariyo dhimirkood,
  • Ka dhaadhicnta Nebigana,
  • Dhalad kiisa sooyaal,
  • Dhigaal loogu sama-falo,
  • Ku sar go’an dhab iyo xeel,
  • Dhacdo loogu sheegiyo,
  • Dhaxal ay u haystaan,
  • Ninna uusan dhiilliyo,
  • Dhofoorkiisa taagayn,
  • Sidii inu dhukaan yahay,
  • Ama uu dhabcaal iyo,
  • Dhoohane inuu yahay,
  • Dhabta aan ka hadalnee,
  • Dhalliney warkaa maqal ,
  • Waa Bare dhanbaalkii.
  • Dhudhunkii nin garabsada,
  • Dhaqankii ku weynyahay,
  • Marna aan ka dhoofayn,
  • Dhoobaduu ku noolyahay,
  • Dhul shisheeye aadayn,
  • Dhoof qaran ka doonayn,
  • Saxaraha ku dhimanayn,
  • Dhimrkiisa magansada,
  • Hoggaamiye dhulkii jira,
  • Ka ilaasha dheelliga,
  • Maatadiisa dhicin kara,
  • Duqaydiisa dhacan sada,
  • Marka cadow u soo dhaco,
  • Uga dhiga tis iyo teed,
  • Isagoo dhifdhiif qaba,
  • Dhaqaaleeya duunyada,
  • Dheefsada markuu rabo,
  • Waxa ka dhiiba goortaa,
  • Dhabta aan ka hadalnee,
  • Dhalliney warkaa maqal,
  • Waa Bare dhanbaalkii.
  • Anna soo dhameeyoo,
  • Dhisay oo hagaajoo,
  • Dhidibbada u aasaye,
  • Ka ilaashey dheelliga,
  • Idinkuna dhammantiin,
  • Dhegihiina    geliyoo,
  • Barashada ku dhaatoo,
  • Ubadkaa dhashaaniin,
  • Jahlinimo ka   dhowroo,
  • Dhammaan tiin ka dhiidhiya,
  • Oo waxad dhex maaxdaan,
  • Waa Bare dhanbaakii.

Macalin, Maxamuud Cali Aadan “Hoorri”


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.