Saturday, May 18, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

TARJUMADDU WAA MARIN LOO MARO HORUMARINTA LUQADDA

Maxamuud Cabdillahi Axmed

Biyo sacabadaadaa lagaga dhergaa

Maahmaah Soomaaliyeed

——

Taariikh ahaan afka Soomaaliga qoraalkiisu waa geed curdin ah oo u baahan in la waraabiyo si uu hanaqaad u noqdo, gaadhana heer uu ku xambaari karo aqoonta culuumta bulshada, sayniska, farsamada iyo suugaanta. Sidaa darteed waa in wax laga barto luqadaha kale ee dunida ee taariikhda dheer u leh dhaqanka qoraalka.

Qormadani waxay iftiimin doontaa in tarjumadda buugaagtu/kutubtu  tahay marin loo maro horumarinta afka/luqadda, iyadoo cuskanaysa taarriikhda saynisyahannadii afka Carabiga kutubta ku qoray ama ku tarjumay. Ma ahi taariikhyahan, laakiin waxaan istusay in la joogo waqtigii loo gudbi lahaa in kutubta sayniska iyo farsamada loo tarjumo af Soomaali.

Tarjumaddu waa marin loo maro horumarinta luqadaha, luqadduna farsamada iyo fekerka ayey la kortaa. Tarjumaddu waa is-gaadhsiin dhexmarta labo luqadood oo erayada qoran ee midkood lagu macneeyo erayo qoran oo u dhigma luqad labaad. Faa’idada ugu weyn ee ku jirtaana waa in luqadda 2aad dadkeedu helaan nuxurka qoraalkii asalka ahaa.

Taariikhda dunida, isdhaafsiga iyo wadaagga aqoontu suuragal ma noqdeen tarjumad la’aanta maktabdda taaariikhda ku caanka ah ee “Daarul Xikmah”, Baqdaad ku taalay ee u asaasay khaliifkii islaamka xilligii Cabbaasiyiinta, khaliif Alma’muun (813 – 833 Milaadiga); maktabadaas oo lagu kaydin jiray kutub laga soo tarjumay Giriig, Hindi, Faarisi iyo Aramiyah (Armaic), loona tarjumay Carabi; sidaasna afka Carabigu ku noqday luqad hanaqaadday oo leh awoodda kaydinta iyo gudbinta cilmiga.

Kutubta ugu caansan ee musliimintu xilligaas Carabida u tarjuntay waxa ka mid ah: buugga cilmiga xiiddigaha ee Sind-dhanti oo laga soo tarjumay Pahlavi (luqaddii hore ee Iran); kitaabkaas oo uu qoray Brahmagupta (598-760M) oo asal ahaan uu ku qoray Sanskrit (luqaddii hore ee Hindiya), waxa Carabi u tarjumay Al-Fazari (746-806M). Kitaabkaas oo markuu soo gaadhay Andulus/Isbaaniya loo tarjumay Laatiin (Carabi- Laatin) iyo luqado kale oo Yurubiyaan ah.

Kutubta kale ee caanka ahaa ee Carabi loo tarjumay qarnigii 9aad waxa ka mid ah kitaabka “The Elements” ee saldhigga u ah cilimga Joometeriga ee maanta la barto oo uu qoray xisaabyahan Euclid, 300 sanno dhalashadii nebi Ciise ka hor, kuna qornaa Giriig; waxaana Carabi u tarjumay Isxaaq ibn Xunayn (830-910M). Markii buuggaasi soo gaadhayna Andulus (Isbaaniya) waxa Laatin u tarjumay Alderad of Bath qarnigii 12aad (Q.12aad).

Kitaabka cilmiga xiiddigiska (astronomy) ugu caansan ee Almagestoo Af Girriig uu ku qoray saynis-yahan Ptolemy (100-170M), reer Alexendria; waxa Carabi u tarjumay Isxaaq ibn Xunnayn (830 -910M). Kitaabbtaas waxa Laatin u sii tarjumay Alderad of Bath, Q.12aad xilligii muslimiintu ka talinayeen Andulus.

Muslimiintu kuma ay joogin keliya inay buuggaagtii hore tarjumaan ee waxay ku guulaystaan inay qoraan kutub cilmi ah oo cusub. Waxa ka mid ah kitaabka la baxay “Aljeber” ee uu qoray Alkhwaarizmi (780-850M). Xisaabta Aljebra na buuuggaas ayey magaca ka qaadatay, habraaca algorithm wuxuu magaca ka wata caalimkaas oo magaciisa laatiin loo rogay; Q.12aad ayaana loo tarjumay Laatin. Ogaada, muslimiintu iyagaa tirada eber (zero) soo gaarsiiyey Yurub isla qarnigaas.

Buugga ugu caansan cilimiga daawada ee la baxay “Al Qaanuun” waxa af-caribi ku qoray faylasuuf Ibna Sinna (980-1037M), mudda dheerna jaamacadaha yurub lagu dhigan jiray, waxaana la tarjumay Q.12aad; dhawr tajumaadood oo Laatin ahna wuu ku soo baxay.

Waxa iyana xusid mudan aqoonyahannada muslimiinta ahaa ee kale sida:  Ibn Al Haytham (965-1040M) oo ku daah-furay buuggiisa “kitaab al-manaadir” cilmiga muraayadaha (optics) iyo Nasir Al-din Al Tusi (1201 -1274M) oo su’aalo badan ka keenay in dhulka yahay xuddunta meerayaasha (geo-centric), qorayna buugga “al-tadhkir fi cilmi al-haya” loona tarjumay Laatin Q.12aad. Ogow, saynisyahannada Kepler, Copernicus, Newton, William Harvey waxay u qaamaysan yihiin saynisyahannada muslimiinta ahaa ee kutubtooda loo tarjumay Laatin (Carabi – Laatin).

Runtii waxa la dhihi karaa cilmigu ma gaareen heerka uu maanta joogo la’aanta xarakadii tarjumadeed ee ka shidantay Baqdaad Q.8aad-10aad iyo tii ka dambaysay ee Toledo iyo Qurduba (Andulus) iyo Sicilia (Italia) qarnigii 12aad iyo 13aad. Haseyeeshee, kutubadan kore waxay caan baxeen, ku fideena Yurub, casrigii fufka (renaissance) ee Q.16aad. Lecture 3 (uci.edu)

Haddaba casrigan maanta ah ee qarniyadan 20aad iyo 21aad lama kala tarjunto keliya deraasadaha cilmi baarista, ee xataa waxa la wadaagaa buuggaagta jaamacadaha iyo dugsiyada. Xasuustayda, waxaan soo qaban karaa buuggii aanu ka dhiganay xisaabta kalkolada kuliyadda handasada ee Gaheyr, Jaamacdda Ummadda Soomaaliyeed, oo la odhan jiray Puskinov Calcolo differenziale e integrale Vol. 1-2 (editoririuniti.it), kuna qornaa afka Talyaaniga, waxa laga soo tarjumay af Ruush. Waxa kale oo saaxiibaday i xasuusiyeen buuggii joometriyada aanu ka baran jirnay ee Efimov Libri Geometria analitica | IBS oo isna laga soo tarjumay afka Ruushka (Talyaani – Ruush)

Xagga kutubta loo tarjumay af Soomaaliga waxa rakada sare saaran culimada iyo wadaaddada Soomaliyeed. Anigu, ogaalkay, waxaan soo qaban karaa kitaabka Quraanka kariimka ah ee ay fasireen culimo uu hormuud u ahaa Sheekh Maxamuud Maxamed Cabdi. Ilaah ha ka abaal siiyo dhamaantood. Waxa kale oo internet-ka iyo makatabadaha aad ku arki kutub diini ah oo laga soo tarjumay Carabi sida Riyaadul Saalixiin (alimuse.com), Xusnul Muslim, Afartanka Xadiis ee Saxiixa ah iyo kuwo kale. Ilaah ha dhawro dadka kutubta dhaxal-galka ah u dhaafaya jillalka dambe.

Waxa isna jira buug dunida ka caan ah, luqado badanna loo tarjumatay, ee la yidhaa “Where There is No Doctor (Halka Dhakhtar Joogin)”; asal ahaanna uu Dr David Warner ku qoray Spanish. Waxa buuggaas badhtamihii 1980-yada u tarjumay Soomaali qurbojoog Axmed X. Cabdilaahi oo cilmiga farmasiyaha ku bartay Ingiriiska. Waa buug anafacaya caafimaadka miyiga iyo danyarta magaalo, una baahan in mar kale la daabaco. Ilaah ha ka abaal siiyo Axmed X. Cabdilaahi.  

Qarniyadan 20aad iyo 21aad waxay dunidu aqoonta ku kala qaadataa afka Ingiriisada, sidaa darteed waa in dhallinta la baraa Ingiriisi iyo Carabi (luqadda diinta islaamka), haseyeeshee waxa mudnaanta ka leh horumarinta afka hooyo (Soomaali) oo cilimiga maadiga ah iyo ka diiniga ah ba si sahal ah dad badani wax ugu baran karaan. Kolkaa waa lagama maarmaan in la helo kutub faro-badan, maadi iyo diini ba, oo ku qoran af Soomaali. Waxa la odhan karaa waa waajib in kutub badan loo tarjumo Soomaali; waana xil saaran dadweynaha, qorayaasha, mushtaraka, haya’adaha madaniga ah iyo maamulada/dawladaha Soomaalida. Waa in af Soomaaligu u gudbaa heerka tarjumadda.

Waan ka dhaad qabaa caqabadaha ina horyaala sida: inaysan jirin dawlad iyo jaamacado taageera dadka wax tarjuma iyo gancasato damaanad qaada daabacaadda kutubta la soo tarjumo. Laakiin casrigan dijitalka ah waxa ku filan in lagu baahiyo baraha internert-ka. Xannibka ugu weyni, malahaygii, waa inaanu jirin dad leh xirfadda tarjumadda ee maadooyinka iyo takhasusyada tirada badan ee cilimiga; laakiin bilawga ayaa ka akida.

Haddaba si af Soomaaligu u noqdo luqad mug oo xambaari kara sayniska, farsamada, aqoonta bulshada iyo culuumta diinta, waa in la helo kutub badan oo ku qoran af-Soomaali oo khuseeya laamaha cilmiga. Biyo sacabadaada looga dhergaa.

Wa billaahi towfiiq

Maxamuud Cabdillahi Axmed

Email: [email protected] 

———————-

Tixraaca maqaalka

  1. Pathfinders: The Golden Age of Arabic Science by Jim al-Khalili – review | Science and nature books | The Guardian
  2. (PDF) Arabic Translation from Bait Al-Hikma to Toledo School of Translators: Key Players, Theorization and Major Strategies (researchgate.net)

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.