Tuesday, March 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow
  • Talk of the town

Soomaalida iyo Lahjadda Maayga

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan X. Xasan

Afka ama luqaddu waa shay muhiim u ah isku xidhka bani’aadanka. Afku waa ka suurtogeliya in qofba qofka kale u gudbiyo fikirka, argtiyaha iyo dareenka uu qabo. Waa waxa lagu aqoonsado bulsho amase kala duwa bulshooyinka adduunka. Sidoo kale afku waa midka  xambaara dhaqanka ummaddi leedahay.

Qiyaastii maanta dunida waxaa lagaga hadlaa ilaa 6,500 oo af iyadoo afafka Ingiriisiga, Mandarin (Shiinaha), Hindiga, Isbaanishka iyo Carabigu yihiin kuwa tirada ugu badani ku hadasho sida ay u kala horreeyaan.

Af soomaaligu waxaa uu ka mid yahay afafka Afro-Aasiya laanta Kushitiga isagoo bah-wadaag la ah afafka Oromada, Canfarta iyo kuwo kale.

Qowmiyadda Soomaaliyeed inkastoo ay deggantahay waddamo kala geddisan oo xuduudo u dhexeeyaan haddana waxa guud ahaanba mideeyaa waa afka Soomaaliga.

Haddaba sida ku xusan Cutubka 1aad ee Dastuurka jamhuuriyadda F. Soomaaliya qodobkiisa 5-aad Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa Af-soomaaliga (Maay iyo Maxaa tiri), af Carabigana waa luqadda labaad. Taas oo ka dhigan in af Soomaaligu ka koobanyahay labada lahjadood ee Maay iyo Maxaa tiri.

Mar haddii ay haddaba labada lahjadoodba yihiin af Soomaali oo aanay ahayn laba af oo kala geddisan, maxaa khasbaya in dastuurka lagu xuso waa su’aal qofka maskaxdiisa ku soo dhici karta. Maxaase ku jaban haddii lagu soo koobo af Soomaaligu waa afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda F. Soomaaliya!. Jawaabta akhristaha ayaan u dhaafay.

Haddaba lahjadda Maayga oo lagaga hadlo qaybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya inkasto ay khubarada ku xeeldheer af Soomaaligu sheegaan in ay in ka badan 70% ay ereyada iskaga mid yihihiin lahjadda Maxaa Tiri, haddana way adagtahay in uu fahmo qofka Soomaaliga ah ee aan aqoonta u lahayn lahjaddaasi Maayga.

Taas ayaa sababta in dadka qaarkii ay u arkaan lahjadda Maayga af gaara oo ka geddisan lahjadda maxaa tiri, halka kuwo kalena ayba ka sii badbadiyaan oo dadka Maayga ku hadla ay ku sheegaan qawmiyad gaar ah.

Si kastaba ha ahaatee waxaan shaki lahayn haddii aanad aqoon u lahayn lahjadda Maayga in aad turjubaan u baahanaysid marka aad ku sugantahay goob lagaga hadlayo lahjaddaas.

Dhanka kale dadka ku hadla lahjadda Maaygu waxay fahmi karaan kuna hadli karaa lahjadda Maxaa Tiri ee Soomaalida badankeed ku hadasho. Halkaas waxaa inooga biniinixaya, in lahjadda Maxaa tiri ay tahay mid qof walba oo Soomaali ahi meeshuu doono ha joogee uu fahmi karo kuna hadli karo.

Haddaba beryahan dambe waxaa soo badanaya dadka Soomaaliyeed ee meelaha fagaarayaasha ama warbaahainta qaybaheeda kala geddisan ku soo bandhiga fikirkooda ama waxyaabaha ay rabaan in ay la wadaagaan shacabka Soomaaliyeed ku soo gudbiya  lahjadda Maayga.

Waxaad arkaysaa goobo shirar aqooneed oo Soomaali oo dhan ku sugantahay oo qof doonaya in uu dadkaas wax u sheegaa uu ku hadlayo lahjadda Maayga. Nasiib darro waxaa laga yaabaa 90% dadka goobta joogaa in aanay waxba ka fahmin hadalka qofkaas halkaasna ay ku lunto farriintii uu gudbinayay qofka hadlayaa.

Sidoo kale waxaad arkaysaa qof TV ama goob fagaare ah ka hadlaya dad wax weydiinaya iyago ku hadlaya lahjadda Maayga, iyadoo ay dhici karto qofkaas ay wax weydiinayaan in aanay uba bilownayn lahjaddaasi oo aanu fahmi karin.

Haddaba qofka noocaas ahi muxuu korodhsaday oo aan ka hayn Maay baan ku hadlay, mar haddii farriintiisiiba aanay gaadhin dadka uu la hadlayay ee goobta ku sugnaa. Si farriintaadu u noqoto mid gaadha dadka aad ugu talo gashay miyaanay habboonayn in aad ugu gudbiso lahjadda ay dadkaasi fahmayaan.

Haddii aad la hadlayso dadka ku dhaqan deegaannada lagaga hadlo lahjadda Maayga waa sax inaad ugu gudbiso farriintaada lahjaddaas, haseyeeshee marka aad rabto in aad Soomaali oo dhan la hadasho waa arrin maan-gad ah in aad af maay ku hadasho haddii aanu turjubaan ku agtaagnayn.

Lahjadda ‘ Maxaa tiri’ dan ummadeed iyo duruufo taariikheed ayaa keenay inay noqoto mid guud haanba deegaannada Soomaalida sida Jamhuuriyadda F. Soomaaliya, Jabuuti, Waqooyi Bari Kenya iyo Deegaanka Soomaalida Itoobiya intuba ay ku hadlaan, qaarkoodna dhinaca maamulka dawladda iyo waxbarashada loo adeegsado.

Sidaadarteed, afka rasmiga ah ee dalku waa kan taariikh ahaan u hirgalay ee inna midaynaya ummad ahaan, qaran ahaan iyo dowlad ahaanba. 

Maadaama waayadan dambe laga dayrinayo guud ahaanba mustaqbalka afka Soomaaliga, waxaa lagamaarmaan ah in dadaal loo galo sidii loo badbaadin lahaa afkeenna, loona sii hormarin lahaa Maay iyo Maxaa tiri midkuu doonaba ha ahaadee.

Dhammaanteen waxaan nahay Soomaali, af Soomaaliguna waa afkeenna hooyo lahjadduu doono ha ahaadee. Sidaa darteed waxaa habboon in madal walba lahajaddii musnaasib ka ku ah lagaga hadlo, maadaama aanay suurtogal ahayn in ereyada af Soomaaliga aynu 4.5 ku qaybsanno.

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.