Tuesday, June 28, 2022
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Siciid Jaamac Xuseen“Faras”- Haldoor Ku Dayasho Mudan

Odhaahda TifaftirkaWDN: Waxaa dhawaan bishan June 8-dii ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska Ustaad/qoraa Siciid Jaamac Xuseen oo ahaa saaxiib dhow ee WardheerNews, iyo shakhsi ku sifoobay wanaag, dad la dhaqan, aqoon, dadaal iyo waayo-aragnimo shacabka Soomaaliyeedna uga tagay dhaxal iyo dhiganayaal wax ku-ool ah. Shaki kuma jiro in geerida Qoraa Siciid Jaamc ay ka dhigan tahay tiir udub-dhexaad ah oo ka dumay bahda qalinleyda Soomaaliyeed kaalintiisan ay yartahay cid buuxin karta. Haddaba WardheerNews wax ay mar kale idinla wadaageysaa qoraalkan oo ay ku bahoobeen wax garad badan oo aqoon u lahaa Ustaad Siciid Jaamac, oo intii uu noolaa bishii Abril, 2020 ka qoray sooyaalkii ay soo wada mareen Ustaad Siciid, oo aanu jeclaysanay in aanu mar labaad la wadaagno akhristayaasha WardheerNews.
———

Waxa sharaf iyo qaddarin noo ah in aanu qormadan ku maamuusno Macallin, Haldoor, Qoraa iyo Hal-abuur aad ugu weyn guud ahaan ummadda Soomaaliyeed- waa Ustaad Siciid Jaamac Xuseen. Sidaa darteed waxa aanu idinla wadaageynaa qoraallo kooban oo dad badan oo mug ku leh Soomaali, oo ay Siciid  wadashaqeyn iyo isbarasho dhexmartay, ay aragtidooda iyo mahadhooyinka ay kala kulmeen Siciid ku soo gudbin doonaan.  Waxaan rajaynaynaa inaad wax badan ka dhugan doontaan aragtida kala duwan ee qorayaasha  maqaalkan – Haldoor Ku dayasho mudan.

————-

Siciid Jaamac – Erayo kooban

W/Q Dr. Maxamed Daahir Afrax

Aan kuu ilmeeyee
Horta dhimo af maahee
Ifkaan kaaga baahnahay
Wax yaroo aqoonsi ah.
Abwaan Gaarriye, Alle Naxariistii Janno ha ka waraabiye.

Ustaad Siciid Jaamac Xuseen

Meerisyadan aan ka soo amaahday afarreey jiifto ah oo uu – geeridiisii ka hor – ku kaftan-dhableeyey Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye (AUN) waxaa maanta i xusuusiyey Bahda Wardheernews tallaabo nooceedu dhif nagu yahay oo ay dhawaan isu xil-saareen. Laga soo billaabo 2017-kii wuxuu damiirkoodu ku dhaqaajiyey inay dadka ku baraarujiyaan qiimaha iyo waxtarka haldoorka bulshada, inta ay wali ifka joogaan, halka la caadeystey in keliya wanaaggooda la tilmaamo waqti aan ammaani waxba u tarayn (geeridooda ka dib) sidii uu ka afeeftay Abwaan Gaarriye.

Waxay ku billaabeen Dr Georgi Kapchits oo ah khabiir Ruush ah oo Af Soomaaliga qoran iyo suugaantiisa ku soo biiriyey dhaxal aad u qaali ah.

 Imminkana waxay ila socodsiiyeen in ay sidii si la mid ah akhristeyaashooda ugu baraarujin doonaan qofka uu yahay iyo qiimaha uu ummadda ugu fadhiyo Siciid Jaamac Xuseen. Waxay i weyddiiyeen inaan erayo kooban Siciid uga tilmaan-bixiyo, wallow ay isu kay qaban la’dahay “Siciid Jaamac wax ka dheh” iyo “erayada soo koob!”

Qalinka ayaan ka baqayaa in uu xarga-goosto marka Siciid Jaamac la xusuusiyo. Haddaba waa afeefe, qalinku hadduu taraaraxo uga garaaba sababtu inay tahay nooca qofka uu yahay ina Jaamac Faras iyo qotadheerida aqoonta uu u leeyahay Ina Daahir Afrax!

Siciid Jaamac Xuseen “Siciid Gucmudi” shaki kuma jiro in uu yahay haldoor kudayasho mudan. Igama aha waa saaxiibkaaye ammaan ugu eexo, balse waxay iga tahay “runta Ilaah baa kugu jecel”. Eex igama ahee waa oraah ka soo maaxatey aqoon dheer iyo u fiirsi badan. Muddo nus-qarni gaareysa ayuu Siciid Jaamac ii ahaa waxa Af Carabiga lagu tilmaamo الدرب رافيق (jaalkayga jidka dheer). Jid dheer oo qodax iyo qaniinyo badan ayaan isla soo jibaaxnay, ka soo bilow Muqdisho iyo toddobaatannadii qarnigii labaatanaad; Addis Ababa iyo horraantii siddeetannada; Cadan iyo nuskii dambee isla siddeetannada; London iyo sagaashannadii; ka dib iyo goobo teelteel ah oo ay ka mid ahaayeen Jabuuti iyo Hargeysa; markaan kala fognahayna kala war-helid joogta ah ayaan juhdi-wadaag ku ahayn. Juhdigaas aan isku biirsaneyney iyo jidkaas qodxaha badan ee aan isla soo jibaaxayney wuxuu naga ahaa raacdayn hiigsi sama-doonnimo – Waxay nala ahayd, ama aan is moodsiineyney inaan nahay sahanka samaha guud (common wellbeing).

Murtida Soomaalida waxaa ka mid ah “qofka ma baran kartid ilaa aad jid la marto ama jabad la degto ama jidiin la cunto”. Sciid Jaamac intaba waan isla soo marnay, waana halka uu ka soo maaxdey marag-furkii an ku tilaamayey ‘haldoor kudayasho mudan”; sama-talis saxar-diid ah; indheer-garad aqoon-dhaari ah; ikhyaar akhlaaq suubban lagu mannaystay; aftahan aan laga daba hadlin, lagana daalin kaftankiisa murtiyeysan. Waxa aan ku ‘tilmaamayo kaftanka murtiyeysan’ waa mid ka mid ah hibooyinka Siciid Jaamac lagu mannaystay. Dadka badankoodu marka ay hadlayaan ama wax qorayaan laba ayay u kala baxaan. Qof maadeeya uun oo hadalkiisa lagu qoslo (jaajaale) iyo qof murti qayaxan iyo fikrado wanaagsan kugu kordhiya laakiinse kuugu soo tabiya si mutuxan ama culus oo aan dufan kahayn.

Siciid Jaamac wuxuu ka mid yahay inta yar ee awoodda u leh iyagoo murti iyo aqoon kuu faai’deynaya inay haddana kuugu soo tabiyaan si macaan oo kaftan iyo maad lagu khafiifiyey, marka uu hadlayo iyo marka uu qalinka qaatoba. Marka aad akhrinayso qoraalladiisa sannadahan dambe iska soo daba burqanayey waxaa ku hor imanaya Siciid oo kuu sheekaynaya! Marka la iska sheekaysanayona asagoon ku talagalin ayaa mar walba waxaa sheekadiisa ka soo dhex burqanaya aqoontii uu cimrigiisa dheer ka soo dhitaynayey akhris-jeclida uu saaxiibka koowaad ka dhigtay buugga iyo dhiganayaasha la midka ah. Siciid wuxuu nasiib u yeeshay in uu afaf kala duwan aqoon dheer u yeesho wixii lagu qorayna dhuuxo, sida Carabiga (oo uu reer Cadmeed u ahaa), Ingiriiska oo uu wax ku bartay iyo AfSoomaaliga oo ah afkiisa hooyo.

Siciidow, saaxiib, ha nagu dhibsan inaan adigoo wali ifka taxtaxaashaya kaaga hadlayno hab Soomaalidu u barteen in looga hadlo oo keliya qof aakhiro ku maqan, halka ummadaha kale karaameeyaan oo abaal-mariyaan haldoorkooda inta uu noolyahay, si ay ugu noqoto dhiirrigalin, una ogaado inay dadkiisu qaddarinayaan dadaalkiisa. Ogoobe hab-dhaqankeenna loo bixiyey “xabaala-ammaan” waa kii uu ka dacwoodey Gaarriye, waana kan ay ka gilgisheen bahda Wardheernews, anna aan uga garaabay walibana ku bogaadiyey!

———————————

Saciid Jaamac Xuseen: Aqoon iyo Hal-adeyg

W/Q. Rashiid Sheekh Abdillaahi(Gadhweyne)

Soomaali aad u tiro badan baa Siciid Jaamac u taqaan aqoonyahan iyo qoraa ku caan ah curinta sheekada gaaban iyo maqaalada fiirada dheer leh. Kuwo gooni ka ahi waxa ay ku barteen waqti dheer oo ay waayaha nolosha la wadaageen; waa se laba ay kuwo ku saaxiibeen kuwo na ku kala guureen. Waa na sida isbaratada dadku badi ba ku dambayso.  Anigu labada, waxa aan ka mid ahay kuwo hore.  Sidaas darteed baan ugu dhiirranayaa in aan ereyo ka idhaa shakhsiyadda Saciid Jaamac Xuseen.

Sannadkii 1970kii, baannu markii u horraysay, ku kulannay xafiis magaciisu ahaa ‘Xafiiska Xiriirka Dadweynaha’(Mar dambe na waxaa loo baxshay Xafiiska Siyaayasadda ee Golaha Sare ee Kacaanka). Waxaa uu Xafiiskaasi, goortaas degganaa oo uu qayb kaga jiray Masraxa Ummadda ee Muqdisho (Mogadishu National Theatre). Waxa uu Saciid ka mid ahaa hawlwadeennada xafiiskaas oo uu kaalin togan ku lahaa.  Nin kale oo aannu muddo dheer saaxiibbo ahayn bay asaga hortay isbarteen; ka dib na asagaa isu kaanno keenay.  Ammin malaha, saacad ahayd ama ka yar, baannu halkaas ku wada sheekaysannay. Laga bilaabo goortaas ayada ahayd, illaa maanta xiriirkayagu waa joogto.

Saciid Jaamac Xuseen waxa aan ku bartay dhawr sifaale oo ay yar tahay dadka cid kulansatay. Waxaa ka mid ah ildheeri, indheer-arag, ogaal hayn, degganaansho iyo hal-adayg. Xilliga adag bay intu ba tijaabo galaan oo ay qofkii leh ka muuqdaan. Bilowgii Kacaankii Siyaad Barre, dadweynaha tirada badan waxaa laabkicin jiray halkudhegga dhalaalaya iyo heesaha qiirada leh. Dad se gaar ah oo qaarkood aqoon sheeganayeen, danaysi iyo cabsi baa dhinaca Siyaad Barre u riixay. Kuwo kale oo aan yarayn na qabyaalad baa kacaan iyo kacaandiid ka kala dhigtay. Saciid Jaamac waxa uu ka mid ahaa tiro yar oo aan labadaas mid na ahayn. Kooxdan taageeradoodu, bilowgii Taliska Siyaad Barre, waxa ay ka ahayd mabda’ iyo aragti.  Ammin yar dabeed se, markii waagu dharaaroobay ee ay runi run timid, mabda’ iyo aragti bay kaga tageen oo taageeradoodii ku la noqdeen. 

Halkan ka akhriSiciid Jaamac Xuseen“Faras”- Haldoor Ku Dayasho Mudan

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2022 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.