Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

QARNI KADDIB DUULAANKII INGIRIISKA 
& DUQAYNTII XARUMAHA DARAAWIISHTA

Qaybtii 2aad

W. Q. Mustafa Fayruus

Sidaan qaybta koowaad kaga soo hadalnay, Boqortooyada Ingiriisku waxay qorshaysay in muddo 12 bilood ah ay ku soo afjarto Daraawiishta, waxayna ku soo qaaday weerar cir, bad iyo dhul isugu jira Janaayo 1920.

Daraawiishtii waxaa isugu darsamay dagaal baaxad leh oo aysan filayn, hub cusub (diyaaradaha dagaalka) oo argagaxa leh oo aysan aqoon, niyadjab gudaha ah oo hore ugu habsaday, iyo Soomaalida ku xeeran oo aan bixinayn.

Talo farahay ka baxday! Daraawiish badani naftooday la carareen, tiro madaxdii abaanduulka ahina way dhinteen. Daraawiish waxaa laga qabsaday Xarumihii Sanaag iyo Nugaal oo ay Taleex ugu dambeysay.

6. Is Urursigii Daraawiishta

Xaruntii Taleex kaddib, Daraawiish waxay u kacday Koonfur Galbeed, waxay sii mareen Wardheer, oo ay xaruni ugu taalay, bishii May 1920 ayay isugu tageen xaruntii Qorraxey oo ku taalay togga Faafan. Daraawiish wixii ka haray halkaa ayay dib isugu urursadeen, ayna bilaabeen abaabul hor leh!!

Abaabulkani wuxuu lahaa laba dhinac; dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo Sayidku waraaqo iyo ergooyin u kala diray Ingiriiska iyo Talyaaniga; dhinaca kalena waxaa jiray hindise ah in Ingiriiska dagaal lagu rogaal celiyo.

Daraawiish waxay isku dubbarideen guuto Ingiriis ku rogaalcelisa. Guutadii oo heegan ah, ambabaxna diyaar u ah, ayaa Daraawiishtii waxaa ku habsaday cudurrada faafa ee ay ka mid yihiin furuq (smallpox) iyo duumo/malaariyo. Waxaa halkaa ku le`day dad badan oo ay ka mid ahaayeen madaxdi Daraawiishtu, intii soo hartayna waxay noqdeen in jiifta oo aan ciidamin karin. Waa dhibaatada Sayid Maxamed ku tilmaamay gabaygiisii “Dardaaran” markuu lahaa: (5)

“Dabro cudura duumo iyo furuq, waxa dadkii xaaqay”

Dhanka kale, Ingiriis wuxuu ogaaday in Daraawiishi weli dhaqan tahay, dibna isu urursanayso, isuna abaabulayso. Waxaa kaluu maqlay cudurka ku habsaday. Ku darsoo, muddadaa qoraallo ay labada dhinac is dhaafsadeenna wax tanaasul ahi Daraawiish kama muuqan.

Sidaas darteed, wuxuu Ingiriis goostay inuu dhiciseeyo dib isu abaabulkan. Wuxuu soo kiciyay kooxo Soomaali ah; wuxuuna, isagoo Xabashidana oggolaansho ka haysta, ku boorriyay inay soo dhacaan xoolaha Daraawiishta ee xilligan cid difaacda aan haysan!

7. Jabiddii Daraawiishta & Geeridii Sayid Maxamed

Soomaalidii waxay weerar ku ekeeyeen xaruntii Daraawiishta ee Qorraxey dhamaadkii Luulyo 1920. Markan Daraawiishi talo iyo tabar midna ma hayso, sidaas awgeed, si fudud ayay colkii ku taabeen xoolihii kuna kaxaysteen Daraawiishta. Maalintaa geelii “Hagoogane” la baxay ayaa Daraawiish laga qaaday. (6)

Mar labaad ayaa halkaa Daraawiishi ku naafowday, noqdeenna “cayr waxay cunaan aan haysan”, ninba meeshuu naf bidayna u cararay.

Sayidka iyo qiyaastii boqol qof oo la socdaa waxay afka saareen Galbeed iyo buurta Iimey, oo ay gaareen Oktoobar 1920. Webiga ayay dhanka shishe ka mareen, ka tallaabiddiisana khasaare naf iyo maalba leh ayaa ka soo gaaray. Xaaladdaa waxaa innoo sawiraya saddexdan meeris ee Sayid Maxamed:

“Dangaraaradii nagu dhacdiyo, webi dabaashiisa 

Inkastoo daleel nala dhigaan, doocna nagu cayman 

Duuflaalladii naga hadhow, dan iyo xeeshiinna!!”

Waa markuu Cali Dhuux ku diganayay ee lahaa: 

“Waa lagu digtaa duul hadduu, kuu darraan jiraye

Bal dayooy wadaadkii wa kaa, sii dabayshadaye!”

Waa xaaladda uu Aw Jaamac Cumar Ciise cinwaanka uga dhigay “Jabiddii Daraawiishta” [b.298].

Laba bilood kaddibna Sayid Maxamed Cabdille Xasan xanuun caadi ah ayuu ugu geeriyooday Iimey qiyaastii 21 Diisambar 1920… Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo.

Waxaa halkaa ku dhamaaday halgankii Daraawiishta.

8. Gabaggabo 

Duulaanka ugu dambeeyay Ingiriisku wuxuu u qorsheeyay muddo 12 bilood ah, wuxuuse ku soo afjarmay muddo saddex toddobaad ah. Sarkaal Ingiriis ahi wuxuu ku tilmaamay “dagaalkii ugu kharashka yaraa abid” [the cheapest war in history], waxaa ku baxay keliya €77,000 Giniga Istarliinka.

Aragtidayda, la yaab ma laha in muddo labaatameeyo maalmood ah lagu soo afjaro cududdii Daraawiishta ee labaatanka sanno la loodin la`aa, Ingiriiskuna si fudud u taabo libin degdeg ah oo qiime jaban ugu kacday. Maxaa yeelay, way adkayd in natiijadan laga baaqsado, dhowr arrimood awgeed:

1. Adeegsiga diyaaradaha dagaalka, oo ahaa hub cusub oo aysan Daraawiishi hore u aqoon. Diyaaradahani waxay qiime tireen QALCADAHA, oo ahaa difaaca ugu weyn ee ay Daraawiishi haysatay, waxayna u rogeen bartilmaameed muuqda oo si sahal ah loo beegsan karo. Diyaaraduhu waxyeellada bamka ay ridayeen waxaa ka darnaaday argagixii ay beereen ee dad iyo xoolaba ay dideen.

2. Dagaal ballaaran oo dhinacyo badan leh, oo aysan filayn lagagana soo qaaday cir, bad iyo dhul intaba; loona diiday inay madaxa kor u qaadaan. Laba toddobaad gudahood ayaa lagu weeraray qalcadihii ay ku lahaayeen min Mirashi (Sanaag) ilaa Taleex (Nugaal).

3. Xarumo joogto ah, oo ay Daraawiishi dhisatay iyadoo ka faa`iidaysanaysa xaaladda nabadda ama nabad-ka-warqabka ah ee ka dhalatay heshiiskii Ilig ee 1905 iyo xaaladdii DD1. Waa xarumo dhisan oo wada ah degaanka dadweynaha, fariisinka xoolahooda, iyo xerada ciidanka ee ay ku yaalaan qalcadaha difaaca iyo kaydka sahayda & saanaddu. Sidaas darteed, waxay noqdeen bartilmaameedyo waxyeellada loo geystaa ay Daraawiish dhan walba ka wiiqayso. Ingiriisku wuxuu beegsaday xarumihii, intaan qalcadaha iyo ciidanka dhaawac buurani soo gaarin, waxaa argagax la yaacay dadweynihii iyo duunyadii.

4. Niyadjabkii Daraawiishta ee hore ugu habsaday, oo ka dhashay sababo is biirsaday, sida: muddada halganka oo dheeraatay, arrinta “XUJOOBIDDA” oo Daraawiish badan lagu laayay, qaarkoodna si foolxun loo dilay; taasoo Daraawiishta kale ay aad uga calool xumaadeen, hoggaankoodana ka calool go`een. Tani waxay keentay in markii dagaalku bilowdayba ay badidoodii Daraawiish isaga tagaan.

5. Colaadda u dhexaysay Daraawiishta iyo Soomaalida ku xeeran, ha noqdaan saldanadaha xeebaha ka jiray ama dadweynaha kale ee miyiga fog degan. Ingiriiska (iyo Talyaaniba) colaadan way uga faa`iidaysteen dagaalkan. Dhirbaaxada ay taasi Daraawiish u geysatay waxaa soo koobaya labadan meeris ee ka mid ah gabaygii “Dardaaran”:

“Dulkuneefle kaan soo ag maro, duullan ka horgeyska

Dan la’aan waxay nagu faleen, darab nijaaseedku!!”

Dhinaca kale, is urursigii iyo dib isu abaabulkii Daraawiishi ku taamaysay waxaa wiiqay cudurrada faafa ee ku habsaday xaruntii Qorraxey; waxaana soo afjaray duulaankii ay Soomaalidu ku ekeysay dhammaadkii Luulyo 1920, geeridii Sayidkuna gebi ahaanba baalkaa way soo laabtay.

Ugu dambeyntii, Daraawiishtu waxay qayb ka ahaayeen halgankii gumaysidiidka hubaysan ee Soomaalidu kala hortagtay isticmaarka, sida: dhaqdhaqaaqii Biyomaal, Sheekh Xasan Barsane ikk. Halganka hubaysan, oo culayskiisu socday rubucii koowaad ee qarniga labaatanaad, wuxuu ahaa wejiga koowaad ee gumaysidiidka; halka wejiga labaadna uu ahaa halgankii siyaasadeed ee gobannimodoonka ee hanaqaaday DD2 kaddib.

Halganka hubaysan ee ugu dheer, uguna ballaaran, wuxuu ahaa HALGANKII DARAAWIISHTA, oo socday muddo 22 sanno ah, 1898-1920, la halgamayay dawladihii Ingiriiska, Talyaaniga iyo Abasiiniya, Ingiriiskuba ha ugu badnaadee. Halgankani waa taariikh ummadeed lama illaawaan ah, oo xus iyo xusuus, iyo in lagu faanaba, innaga mudan!!

Tilmaamo

5) Gabayga “Dardaaran” la magac baxay, waa gabaygii ugu dambeeyay ee Sayid Maxamed tiriyo ee inna soo gaaray. Wuxuu tiriyay muddadii koobnayd ee uu Iimey joogay. Gabaygani wuxuu xambaarsan yahay warbixinta dhibaatadii ka soo gaartay duqaynta iyo qaxa, cadayn mawqif iyo oddorosid waxyaabaha isticmaarka laga fili karo.

6) Geelan “Hagoogane” waxaa loogu bixiyay: kibir ayuu la hagoogtay ninkii colka la socday ee geelaa saami ka heley, ninkii colkaa ka haray markuu arkay saaxiibbadii saamiga ay heleen ee uu isagu ka qadayna ciil bu la hagoogtay, Daraawiishtii laga dhacayna caloolxumo ayay la hagoogatay.

Mustafa Fayruus
Email: [email protected]

Mustafa Fayruus waa qoraa, cilmibaare iyo bare jaamacadeed ka tirsan xarumo cilmiyeed dhowr ah.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.