Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

QARANKII DIBJIRAY (Q.1aad)


W.Q. Cabdullaahi Xaaji Saciid

Guure wuxuu ahaa wiil si wanaagsan loo barbaaray oo fahmo badan. Kasmada wanaagsan wuxuu ku darsaday awood jidheed. Mar kuu soo kacaamaayay cunug kasta oo ku dhasha deegaankiisa isagaa lagu gardaadin jiray. Gaashaan-qaad markuu noqdayna hooya kastaa waxay ku hamiyi jirtay in ay gabadheeda ku darto. Intaa waxa u dheerayd, wuxuu ku koray deegaan barwaaqo ah oo Alle u dhammaystiray shanta maal adduun.

Markuu soddon gu’ buuxshay Guure waxa uu kasoo dhacay geed dheer oo uu rabay in uu dhuxul ka shido, wuxuuna ka   jabay bawdada. Dhawr jeer oo la isku dayay in la kabo, way kabmi wayday lugtii xaaladdiisuna way ka sii dartay marba  marka ka dambaysa. Inkastoo dhaawaca Guure daawo iyo dabiib kasta lagu dayay, haddana daawo si dhab ah u dhayda boogtiisa wali lama helin.

Guure markuu laxaadkiisa qayb ka mid ah waayay, carruurtiisiina way dibjirtay, arladayna u kala yaacday. Halka, qaarkood ay gaadheen, heer ay dafiraan in ay awlaadii Guure yihiin. Kuwa yaacay mar ka laga tago, intii Guure goshiisa ku hadhayna naf kuma noola oo iyagaa isku fooggan. Dhari dab looma saaro, hoy iyo hu’ ay dhaxanta ka dugsadaan ha sheegin. Waxay ku nool yihiin baaho iyo qaadhaan dariska iyo shisheeyaha ay ka tuugsadaan. Maalinta la waayo qaadhaankaas, soon aan ajar lahayn ayaa ku waajiba. Diif iyo darxuma aawadeed dubka iyo diirka ayaa isku dhagay, baahi awgeed way beer barareen se cid dhag jalaq u siisaa ma jirto. Waxay noqdeen looma ooyaan!

Nimcooyinka Alle Guure ugu deeqay waxa ka mid ah taranka, ha tarmee caruurtiisii waxay u kala baxday qaar umul raac u dhimmata, in baddaha ku le’da, in abaaraha iyo cudaraddu galaaftaan iyo in dhexdooda is gumaada. Kuwii intaa kasoo hadhayna beerka iyo boggaa isku dhaggay oo waxay la ildaran yihiin dhibaatooyinka kor ku xusan. Rajada kaliyay qabaana waa in ay dalka ka hayaamaan. Cawa dhalad, waxay u arkaan ruuxa hela fursad uu wadanka kaga cararo.

” Nafi oradbay kugu aamintaa”

Guure inkastoo uu naafo noqday haddana quruxdii iyo jamaalkii dushiisay wali ka muuqdaan. Cadawga Guure oo kula coloobay garaadkiisa sarreeya, hubqaadkiisa quman iyo deegaanka barwaaqada ah ee Alle ku unkay. Markan waxay fursad u heleen in ay si toosa iyo si dadbanba usoo weeraraan. Horay carruurtiisa baho ugu qaybiyeen. Maanta se waxay joogtaa in ay mukhaadaraad iyo maandooriye ku daldalaan. Guure laftiisu wuu qayilaa oo horuu u baabay, cidna dan kama le isaga oo wuu dhaafay qulataynkii biyuhu ku nijaasoobayeen. Habaar iyo duco midna uma baahna. Quus buu joogaa. Warwarka ugu wayni waa dhanka carruurta, Inkastoo carruurta bahda waawayn oo uu curadku u kow ka yahay qabatimeen balwadda, hadda cida loo baqayaa waa gadaalla dhaladka.

Guure ceebba badan ayuu leeyahay, ceebtiisa ugu waynse waa cirwayni, haba iska cirwaynaadee waa caajislaw aan ogalayn xoogsi. Xeeladda kaliyaw yaqaan waa dawarsi. Haba dawarsadee, wuxuu soo dawarsaday ma kaydsado. Isla maalintaas ayuu dabka saaraa. Wuu ka qayilaa, waliba qaadka kiisa u qaalisan oo xataa kuwa sadaqada siiyay aynna cunin ayuu cunaa. Wajaqihiisa kale waxa ka mid ah, Guure waa sigaar yacab, xabbadda sigaarka marka uu laba naqas ka jaro horuu ka tuuraa. Isla labo daqiiqa kidibna mid kaluu shidaa xarrago iyo isla wayni wax ay ka tahay ba.

Guure waxa kaluu bartay saamaleelka iyo habeen qayilka. Siduu u qayilaayo mararka qaar cadceedaa u soo baxda. Markaasuu gurigiisa aadi maayee hoteelka ugu dhaw galaa.

Waxa lagu xantaa Guurihii laangadhaha ahaa ee naftiisa iyo carruurtiisa dayacay. Guure se taa liddigeeda wuxuu isku yaqaan caaqilkii hubqaadka wacnaa ee mar lugta ka murgocday. Marka saaxibbadii waydiiyaan waxa ka qaldan lugtiisa, wuxuu ugu jawaabaa isagoo kalsooni ka muuqato ” gobi way liicdaaye ma jabto” Saaxibbadiina iyagoo ku dheeldheelaya waxay ugu jawaabaan ” Guuraw gobtu ma dhutido”.

Haba iska siniqsadee hadduu Guure baylahdiisa ku toosaayo jiisnimadiisa cidba ma dareenteen….

Lasoco qaybta 2aad…..


WQ/ Cabdullaahi Xaaji Saciid

Halkan ka akhriso qorama kale oo uu qoraagu qoray

Tusmadii Warmahaye: Sheeko gaaban


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.