Puntland oo ku qabatay xeebta Bareedo markab hub siday xili ay jiraan Xiisado Siyaasaddeed

Puntland oo ku qabatay xeebta Bareedo markab hub siday xili ay jiraan Xiisado Siyaasaddeed

Boosaaso (WDN)- Markab xamuul oo wata Calanka jasiiradda Komoro, isla-markaana lagu magacaabo Sea World oo la sheegay in uu siday hub iskugu jira baabuurta Gaashaaman iyo gaadiidka gurmadka, ayaa ciidamada Illaalinta Xeebaha (Puntland Maritime Police forece-PMPF) ee Puntland ay ku qabteen waxkhti uu ku sugnaa xeebta Bareedo. 

Markabka ayaa la sheegay markii uu ku soo dhawaaday xeebta in ay arkeen dad Kaluumaysato ah, kuwaasi oo soo wargeliyay ciidamada PMPF, kuwaasi oo baaadhitaan ugu tegey markabka.

Shixnada hubka ayaa la sheegayaa in laga keenay dalka Turkiga, islamarkaana ay u socotay Muqdisho.

Wax wara oo rasmi ah wali kam soo bixin dhinaca dowladda Federaalka iyo Puntland, iyada oo warar badan sheegayaan in hubkaasi uu markabku  siday Dowlada Federaalka halka kuwa kalena sheegaayaan in leeyihiin dad ganacsato ah.

Markabka ayaa la sheegayaa in ka gadaal Puntland u ogolaatay in uu sii wato safarkiisa Muqdisha.

Arintan ayaa dhalinaysa su’aallo hor leh oo ku saabsan hubinta hubka loo dhoofiyo Soomaaliya, gaar ahaan xilliyada ay jiraan xiisaddaha siyaasaddeed iyo kuwa amni ee u dhexeeya dawladda dhex iyo maamul goboleedyada ama iska horimadyaada maleeshooyinka iyo qabiilladu.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.