Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Maxamed Daahir Afrax: Halyay Ka Baxay Ummadda Soomaaliyeed

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

Dr Afrax

Ugu horreyn bahda WadheerNews waxay iyagoo ka tiiraanyaysan halkan tacsi uga dirayaan, qoyskii, ehelkii, asxaabtii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, geerida naxdinta leh ee Qoraa sare Prof. Maxamed Daahir Afrax oo maanta ku geeriyooday magaalada London. Waxaan Ilaah uga baryaynaa in uu Marxuumka Jannooyinkiisa ugu deeqo, qoyskiisii iyo guud ahaanba ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.

Alle ha u naxariistee Prof. Afrax waxa uu ahaa aqoonyahan, abwaan iyo qoraa madaale ah oo ay adagtahay in uu Soomaali u soo baxo qof kaalintiisii buuxin kara.

Waxaa uu ahaa aqoonyahan wakhtigiisa iyo aqoontiisa u huray badbaadinta, tayaynta iyo horumarinta afkeenna hooyo, dhaxal muuqdana uga tagey ummaddiisa.

Waxaan mar kale leenahay Ilaah ha u naxariisto Dr. Maxamed Daahir Afrax, dhammanteenna samir iyo iimaan Alle ha innaga siiyo.

Aamiin.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.