Tuesday, April 23, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

MAXAMED DAAHIR AFRAX: HAL-ABUUR XUSUUS MUDAN IYO WAXQABAD MILGO LEH

W.Q. Mustafa Fayruus

Waa 09 Oktoobar 2021, hilaadaha waa sagaalkii fiidnimo oo rubuc la` waqtiga Bariga Afrika, waxaan ku jirnay gabaggabadii madal-aqooneedka zoomka ku baxda ee billaha ah ee ay qabato Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaligu; waxaa erayga gunaanadka jeedinayay Macallin Siciid Saalax. Waxaa soo dhacay taleefan/WhatsApp lagu sheegayo in Dr Maxamed Daahir Afrax naftu daysay daqiiqado ka hor. Intaan murugadu daboolin codkiisa, erayadii ugu dambeeyay Macallin Siciid waxay ahaayeen “… Innaa lilaah wa innaa ileyhi raajicuun… [madasheennii] mid murugay isu beddeshay…”. Fiidnimadiiba waxaa baraha bulshada daboolay murugada, baroordiiqda iyo tacsida ay is dhaafsanayaan Soomaalida dunida dacalladeeda ku kala firirsan.

Dr Maxamed D. Ifrax

Maantana waxaa innaga tegey “madhaafaankii suugaan-tiraabeedda Soomaaliyeed” iyo “u-hiilliyihii afka hooyo”. Ummadda Soomaaliyeed waxaa ka baxay haldoor xusuus mudan; waxaa ka jabay tiir u taagnaa afka, dhaqanka iyo aqoonta. Wuxuu ka daba tegey haldoor magac iyo muunadba lahaa oo geeridoodu innagaga nixisay bilo isu dhow. Eebbe Weyne haw naxariisto, qabrigana haw waasiciyo, hana ka mid dhigo kuwa kitaabkooda midigta laga siiyo, naxariistiisa waasaca ahna hawgu deeqo. Aamiin.

***

Haddaan dib u milicsanno sooyaalka marxuum Afrax, waxaa innoo soo baxaya tilmaan ah dadaal joogto ah iyo waxqabad miradhal ah. Wuxuu ahaa dadaal taxnaa muddo nus qarni ah oo raadeeyay qalinka iyo hal-abuurka suugaaneed ee Soomaalida. Wuxuu ku suntanaa waxqabad reebay dhaxal cilmiyeed mug leh oo loo aayi doono. Sidaas darteed, Maxamed Daahir Afrax wuxuu ka mid noqonayaa haldoorka dhumucda iyo dhererkaba leh ee markuu geeriyoodo, ay Soomaalidu isku samirsiiso “Ma dhimane wuu dhuuntay”.

Marxuumka xus iyo xurmo haw noqoto, innagana xusuus haynoo noqoto e, aan isku dayo inaan dulmar qodobbaysan ku tilmaamo waxqabadka iyo dadaalka nus qarniga ah ee aan marxuumka ku xusuusan doonno.

1. Jidbixinta Sheeko-faneedda Casriga ah “Novel”

Fanka sheeko-qoristu wuxuu ka mid yahay jaadadka ku soo biiray suugaan-tiraabeedda Soomaaliyeed kadib markii Far-Soomaalida si rasmi ah loo hirgeliyay 1972. Xilkii hal-abuurrada Soomaaliyeed waxaa ku biiray curinta sheekooyin la jaanqaadaya sheekada casriga ah ee dunida ka tisqaaday, waa nooca sheekada dheer ee loo yaqaan “novel” ama “رواية”, oo lagu Soomaaliyeeyo “qiso”.

Maxamed Daahir Afrax wuxuu noqday jidbixiyihii abaqaalay falkinta sheeko-faneedda casriga ah. Waxaa maskaxdiisa ka soo maaxday, qalinkiisuna xardhay sheekooyin ay ugu magic dheertahay Qisada Maana-faay ee caanka ah oo, ilaa maalinkaa maanta ah, calanka u sidda qisooyinka Soomaalidu akhrisato.

Maana-faay waxay si taxane ah ugu soo bixi jirtay Wargeyska Xiddigta Oktoobar 1979, iyadoo buug ahna waxaa la daabacay 1981, maalmahanna waxaa daawaha saaran daabacaaddeedii 5aad iyo turjumaaddeeda Ingiriisiga ah. Waxaa iyana safka ku soo jira turjumaaddeeda Carabiga.

Qisadan uu Afrax ku farayaraystay, ee bannaanka keentay hibadiisa iyo kartidiisa hal-abuureed, waxay ibafur u noqotay qoridda sheeko-faneed si buuxda u casriyaysan, mawduuc ahaan iyo farsamo ahaan labadaba; waxayna “suugaanta Soomaalida gaarsiisay maqaamkii ay ka mudneyd suugaanta caalamka”, sida uu qiray Bare Sare Andrzejewski, Soomaaliduna u taqaan Macallin Guush.

Qisada Maana-faay waxay godlisay maskaxda iyo qalinka hal-abuurka, waxayna u noqotay dhiirrigelin iyo ku-dayasho, amaba dheh “caraadin iyo xanxanteyn”. Siday qaarkoodba qireen, waxay raadaysay qalinka iyo qoraalka dhallinyaradii, shalay iyo maantaba, akhriskeeda fursadda u helay. Sidaas darteed, ayay fanka sheeko-curinta Soomaalida ugu tahay “xiddig la majeeerto”, mutaysatayna in loogu magacdaro “Horyaalka Sheeko-faneedda Soomaaliyeed”.

Maana-faay ka sokow, Dr Afrax wuxuu qalinkiisa ku xardhay sheekooyin shaacbaxay, oo ay ka mid yihiin: Guur ku sheeg (1975), Galti macaruuf (1980), Ambad, Ha imaan lahaydaa (1995), Talo-seeg (2007) ikk. Marxuumku wuxuu sheeko-qoridda ku bilaabay af Carabi, oo uu dhowr sheeko ku qoray. Markii qoridda Far-Soomaalidu taabbagashay ayuu Af-Soomaali u soo digarogtay, calankana u qaaday jidbixinta fanka sheeko-qorista casriga ah.

2. Bilaabidda Cilmiga Faaqidaadda Suugaanta

Sannadihii 1979-81 marxuum Afrax wuxuu bilaabay inuu wargeyskii Xiddigta Oktoobar ku qoro maqaallo gorfaynaya riwaayadaha iyo fan-masraxeedkii Soomaaliyeed, oo uu u faaqidi jiray suugaan ahaan iyo jilitaan ahaanba. Qoraalladani waxay jidbixin iyo gundhigba u noqdeen “Cilmiga Faaqidaadda Suugaanta” “Literary criticism” ama “النقد الأدبي”. Hase yeeshee, cilmigani ma sii horumarine wuu hagaasay, welina suugaanta Soomaalidu way ka arradan tahay quruxdii iyo qaayahii uu ku soo kordhin lahaa.

Uurkutaallada qabyadani ku haysay waxay ka muuqatay erayadii ugu dambeeyay ee aan is weydaarsanayna marxuumka, oo ahayd subaxii Axadda, 19/9/2021, saacado kahor intaan xanuunku ku soo boodin. Waxaan WhatsApp kaga wada hadalnay mawduucyada lagu soo bandhigayo madal-aqooneedda billaha ah ee Akadeemiye-goboleedka AfSoomaaligu qabanqaabiso. Waxaan u soo jeediyay “… in lagu casuumo maansayahan soo bandhiga maansooyinkiisa, laguna kabo xeeldheere la faaqida, sida qoraaguba u soo bandhigo buuggiisa lalana faaqido”. Waxay jawaabtiisu ahayd “Mustafow salaan iyo mahadcelin saaxiib. Fikraddu way fiicantahay maansoyahanno badanna waa la heli karaa laakiin faaqideyaal badan baan la heli karin, maadaama fanka faaqidaaddaba an ka arradannahay ummad ahaan. Yaad soo jeedin lahayd? Laga yaabe inaynu ka fekerno [mawduuca soo socda] Abwaan Axmed Aw Geeddi oo ay faaqidaan Rashiid Gadhweyne iyo Siciid Saalax, adiguna hoggaaminta iyo kabidda faaqidaadda ad qaadato?”

Buugaag iyo qoraal-cilmiyeedyo kala duwan ayuu Dr Afrax ka qoray faaqidaadda suugaanta, waxaa ka mida: Fan-masraxeedka Soomaalida: Raadraac Taariikheed iyo Faaqidaad Riwaayado Caan-baxay (1987), Maadeys: Faaqidaad Riwaayadihii ugu Caansanaa Masraxa Soomaalida (weli lama daabicin). Qoraal-cilmiyeedyadiisa ku kala qoran afafka Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriisiga, badidood waxay ku saabsanyihiin faaqidaadda suugaanta Soomaalida. Tan kale, bilaabidda faaqidaadda suugaanta Soomaalida ka sokow, ogaalkay, marxuumku waa xeeldheeraha innoo reebay qoraallada ugu badan ee faaqidaya suugaanta Soomaalida.

3. Hodminta Erayga Qoran

Dadaalka joogtada ah ee Dr Afrax uu ugu hiillin jiray afka iyo aqoonta waxaa kaalin muuqata kaga jiray hawlaha uu ku hodminayay erayga qoran. Waa dadaal ka muuqda min dhallinyarannimadiisii ilaa maalmihii ugu dambeeyay noloshiisa, ha noqdo dadaal uu shakhsi ahaan u sameeyo amaba midka uu ku abaabulo hay`adaha iyo xarumaha afka iyo aqoonta.

Markii Af-Soomaaliga la qorayba wuxuu bilaabay inuu soo saaro wargeys ku qoran Af-Soomaali. Magaalada Kismaayo ayuu ka bilaabay soo saaridda wargeyska “Codka Jubba”, oo ahaa bille ku soo baxa afafka Soomaaliga iyo Carabiga; wuxuu bilowday Noofembar 1972, wuxuuna soo baxayay ilaa 1975. Halkaa waxa ka muuqata in Dr Afrax ahaa “qofkii soo saaray wargeyskii ugu horreeyay ee Af-Soomaali ku soo baxa” kadib markii la hirgeliyay Far-Soomaalida 1972. Wargeyska Xiddigta Oktoobar ayaa xigay oo la bilaabay Janaayo 1973.

Markuu marxuumku tegey dalka Ingiriiska 1990aadkii, wuxuu markiiba ka hawlgalay soosaaridda Wargeyska Hal-abuur, oo ahaa wargeys xilliyeed isku hawla ururinta, lafagurka, faafinta iyo horumarinta suugaanta, afka iyo dhaqanka Soomaalida. Wargeyskan wuxuu ku soo bixi jiray afafka Soomaaliga iyo Ingiriisiga muddadii u dhexaysay 1993-2010, inkastuu hakad galay sannadihii 1996-2006.

Markuu ku soo noqday Geeska Afrika, hawlaha marxuumka waxaa si aada uga dhexmuuqday dhiirrigelinta akhriska iyo qoraalka. Shirweynihii 3aad ee Naadiga Somali-Pen, oo Jabuuti ku qabsoomay Febraayo 2006, wuxuu naadigu qorshe-hawleedkiisa ku darsaday in xoogga la saaro hirgelinta iyo faafinta dhiganayaasha ku qoran Af-Soomaaliga, ganacsatada Soomaaliyeedna lagu guubaabiyo inay maalgashadaan daabacaadda iyo suuq-gelinta buugtan. Wuxuu naadigu horseed ka noqday abaabulidda bandhigyada buugaagta, oo isugu jira carwooyin sannadle ah iyo bandhigyo gaara oo loo sameeyo buug la daabacay, ilaa ay ka hanaqaadeen bandhigyadani. Sidoo kale, wuxuu ka hawlgalay abaabulidda iyo kobcinta barnaamijyada “qalinka iyo qoraalka” ee ka baxa TV-yada iyo idaacadaha.

Markii la aasaasay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, guddoomiye Afrax hawlaha uu hortebinta siiyay waxaa ka mida kobcinta erayga qoran, waxaana sannadkii 2014 la daahfuray “Taxanaha Darsidda Afka iyo Suugaanta Soomaalida” oo ujeedkiisu yahay ururinta, darsidda, kaydinta iyo fidinta waxsoosaarka cilmiyeed ee AfSoomaaliga iyo hal-abuurkiisa suugaaneed; hiigsigiisuna yahay in sannadkiiba la soo saaro hal buug. Buuggii u horreeyay, oo ahaa buugga “Afmaal”, ayaa la daabacay 2015, kii labaad oo “haldoor” ahaana waxaa la daabacay 2018.

Intaasi waa qayb ka mida dadaallada marxuumka ee daarranaa hodminta Af-Soomaaliga qoran.

***

Kaddib markii uu burburku ku dhacay qarankii Soomaaliya, maamulkii dawladnimaduna burburay 1991, waxaa la burburay hay`adihii iyo xarumihii u xilsaarnaa u adeegidda iyo horumarinta Af-Soomaaliga. Sidaas darteed, dayac baaxad leh iyo dhibaato badan ayaa soo wajahday Af-Soomaaliga iyo adeegsigiisa. Dr Maxamed Daahir Afrax wuxuu u darbaday inuu kaalintaa wax ka qabto. Wuxuu abaabulay xarumo iyo hay`ado isu taaga u-hiillinta afka hooyo iyo hal-abuurkiisa suugaaneed; kana shaqeeya kobcinta iyo tayaynta adeegsigiisa. Waa dadaalka ay ku arooraan Madasha Hal-abuur, Naadiga Somali-Pen, Guddiga Af-Soomaaliga ee ACALAN iyo Akadeemiye-goboleedka AfSoomaaligu. Bal aan midba yara bidhaaminno.

4. Madasha Hal-abuur

Marxuumku wuxuu sannadkii 2007 Jabuuti ku aasaasay “Madasha Hal-abuur ee Dhaqanka iyo Isu-tebinta / Hal-abuur Centre for Culture and Communication”. Waa xarun cilmibaadhis iyo waxsoosaar uu u aasasay ururinta iyo faafinta “afka iyo dhaqanka” iyo abaabulidda hawlaha loogu adeegayo. Xaruntani waxay Wargeyskii Hal-abuur ka soo wareejisay London, waxayna soosaariddiisa dib u bilowday sannadkii 2007 kadib hakad dhowr sanno ah.

5. Naadiga Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed

Marxuumku wuxuu abaabulay aasaasidda Naadiga Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed, oo loo yaqaan “Somali-Pen”, oo London lagu aasaasay sannadkii 1997. Naadigani afar sanno kadib wuxuu soo saldhigtay geyiga Geeska Afrika, wuxuu ka hawlgalay Jabuuti, wuxuuna nasiib u helay garabka iyo gardaadinta madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Shirweynihii 2aad ee naadiga oo qabsoomay Juun-Juulaay 2003 waxaa si rasmi ah loogu go`aamiyay in Jabuuti noqoto xarunta naadiga. Naadigu wuxuu laamo ku yeeshay magaalooyinka Hargeysa, Jigjiga, Garoowe, Muqdisho iyo Nayroobi, wuxuuna sii ballaariyay laamihii uu ku lahaa qurbaha.

Aasaaskiisa ka sokow, marxuum Afrax wuxuu lafdhabar ka ahaa taabbagelinta naadiga Somali-Pen, wuxuuna guddoomiye ka ahaa ilaa Diisambar 2010. Shirweynihii 6aad ee naadiga oo qabsoomay Diisambar 2019, dadaalkiisii aasaasidda iyo taabbagelinta naadiga darteed, iyo weliba inuu yahay horseedka qalinleyda Soomaaliyeed, waxaa marxuumka lagu maamuusay inuu u noqdo guddoomiye-sharafeed.

Miraha Naadiga Somali-Pen ka dhashay waxaa ka mida aasaasidda Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, oo aan faahfaahin doonno.

6. Guddiga Af-Soomaaliga ee ACALAN

Soomaalida keliya maaha, dadaalka marxuumku wuxuu gaaray inuu hay`adaha caalamiga ah kala shaqeeyo u adeegidda Af-Soomaaliga, waxaa ka mida UNESCO (caalami) iyo ACALAN (Afrika).

Akadeemiyada Afrika ee Afafka – African Academy of Languages (ACALAN), oo ah xarun-cilmiyeed ka tirsan Ururka Midnimada Afrika/African Union, waxay sannadkii 2011 u hollatay dhisidda guddi xuduudaha ka talawsan oo u adeega Af-Soomaaliga. Marxuum Maxamed Daahir wuxuu isu taagay qabanqaabinta iyo abaabulidda guddigaa, oo loo yaqaan “The Vehicular Cross Border Somali Language Commission”. Guddigan waxaa magaalada Jigjiga, DDS, lagu taagay 13 Abriil 2011, waxaa guddoomiye loo doortay Dr C/Naasir Axmed Ibraahim, guddoomiyihii Jaamacadda Jigjiga ee xilligaa, halka Dr Maxamed Daahir Afraxna loo doortay xoghayaha guddiga. Marxuumku wuxuu dadaal geliyay sidii guddigani taabbagal u noqon lahaa, uguna adeegi lahaa Af-Soomaaliga.

7. Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA)

Sannadkii 2012 wuxuu ku beegnaa 40-guuradii hirgalintii Far-Soomaalida rasmiga ah oo dawladdii Soomaaliya ku dhawaaqday sannadkii 1972. Shirweyne lagu xusayay munaasabaddaa 40guurada ayaa lagu qabtay Jabuuti bishii Diisambar 2012, waxaana ka soo qaybgalay aqoonyahanno iyo waxgarad badan, oo ay ka mid ahaayeen dhowr xubnood oo ka sii noolaa guddigii Af Soomaaliga ee 1972, oo uu horkacayay guddoomiyahoogii Shariif Saalax Maxamed Cali iyo Xuseen Sh Axmed “Kaddare”.

Shirweynahan waxaa soo qabanqaabiyay Naadiga Somali-Pen, waxaana martigeliyay Dawladda Jabuuti. Murtidii shirweynuhu waxay ku soo ururtay in la yagleelo hay`ad cilmiyeed ama “Akadeemiyad” ka shaqaysa Af-Soomaaliga iyo suugaantiisa, kana dhexaysa “waddamada iyo gobollada” Geeska Afrika ee Soomaalidu degto. Diyaarinta hawshanna waxaa loo xilsaaray guddi farsamo sagaal qof ah, oo uu guddoomiye-ku-xigeen u ahaa Dr Maxamed Daahir Afrax.

Bishii Juun 2013, madaxweynayaal iyo wasiirro ka kala socda waddamada iyo gobollada Soomaalida ayaa Jabuuti isugu yimid; barqadii Arbacada ee 26 Juun, xaflad si weyn loo soo agaasimay ayaa lagu yagleelay hay`ad cilimiyeed heer gobol ah, loona bixiyay “Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga / Intergovernmental Academy of Somali Language (AGA)”.

Dr Maxamed Daahir Afrax waxaa loo doortay inuu guddoomiye u noqdo Akadeemiya-Goboleedka AfSoomaaliga. Wuxuu dusha u ritay siduu uga dhabayn lahaa, ugana miradhalin lahaa, himilada xarun-cilmiyeeddan cusub ee loo hanweyn yahay. Wuxuu ku dhaqaaqay taabbagelinta xafiis dhexe oo haga hawlaheeda, iskuna dubbaridka shaqada laamaheeda iyo guddiyadeeda ka kala hawlgelaya dacallada dunida. Xafiiskaa kmg oo Jabuuti ku yaallay, waxaa Muqdisho loo soo raray Febraayo 2015.

Markuu Muqdisho u soo wareegay, marxuumku wuxuu ka hawlgalay suurtagelinta dhisme ay Akadeemiya-Goboleedku yeelato, oo noqda xarunteeda dhexe. Wuxuu soo kacaakufaba dhismahaasi hadda wuxuu marayaa gabaggabo, muddo bilo ah kadib ayaa lagu hanweyn yahay inay u soo wareegaan xafiiska iyo hawlwadeennada AGA ee ka hawlgala Muqdisho.

8. Barbaarinta iyo Dhiirrigelinta Dhallinyarada

Marxuumku wuxuu ahaa barbaariye u heellan dhisidda iyo dhiirrigelinta dhallinyarada. Wuxuu ahaa xeeldheere lagu soo hirto, taladiisa iyo waayo-aragnimadiisana la weheshado.

Waxaa tusaale fiican u ah boqolaalka ama kummanaanka dhallinyarada ah ee ku barbaaray wacyigelintii iyo tababbaradii qoraal-curinta iyo sheeko-falkinta ee Naadiga Somali-Pen iyo Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaligu horseedka ka ahaayeen. Wuxuu hibo u lahaa “akhrinta” macdanta dadka, dhaadidda shakhsiyadda qofka iyo helidda hibada hal-abuureed ee qofka ku aasan. Wuxuu ugu deeqi jiray baraarujin, kobcin iyo dhiirrigelin, ilaa hibadaasi soo burqato, qalinkiisa iyo qoraalkiisana ka muuqato. Waxaa arrintan u sahlayay isagoo ahaa bulshay leh shakhsiyad macaan oo la dhaqankeeda aan laga xiisagoynayn.

Marxuum Dr Maxamed Daahir Afrax, Ilaahay haw naxariisto e, intaasi waa dulmar kooban oo ah dadaalladiisii daarranaa u hiillinta afka hooyo iyo hala-buurkiisa suugaaneed. Dhinaca kale, innagoon ku dheeraaneyn aan yar tilmaanno dadaalladiisii la xiriiray kaabidda dawladnimada Soomaaliya.

9. Kaabidda Dawladnimada Soomaaliya

Dadaalka marxuumku kuma koobnayn hawlaha afka iyo dhaqanka keliya; wuxuu lahaa dadaal kale, oo kaa garab socda, oo ku aaddanaa dawladnimada Soomaaliya. Dhallinyarannimadiisiiba wuxuu ka mid ahaa indheergaradkii Soomaaliyeed ee dareemay inay majarahabawday dawladnimadii Soomaaliya, una baahan tahay toosin iyo turxaanbixin intay goori goor tahay ee doontu hafan, qarankuna heermin.

Inkastoo ay tahay sheeko-faneed awaal ah oo ku aroorta nooca sheeko-bulsheed “social novel”, farriinteedana ay udub-dhexaad u tahay faaqidaadda dhaqanka bulshadu, haddana qisada Maana-faay waxay gorfaynaysaa siyaasadda iyo maamulkeeda, waa durbaan iyo qayladhaan ka dardaarwerinaya cawaaqib-xumada ka dhalan karta dawladnimada talaxumaantu mijaxaabinayso ee haadaanta ka sii dhacaysa. Waxaa qayladhaantan la qabay riwaayaddiisa “Durbaan Been ah iyo Dareen Garasho” ee soo baxday lana jilay 1979.

Soo ifbaxa Maana-faay wuxuu ku beegnaa markay dawladdii Kacaanku toban jirsatay. Waxay tilmaamaysaa in Kacaanka lagu hungoobay, uuna ka baaqsaday oofinta ballanqaadkiisii ahaa garabsiinta iyo daryeelidda da`yarta, danyarta iyo dumarka. Sheekadu waxay hoosta ka xarriiqaysaa in intaaba dayac iyo duruufo diloodeen, weliba qaarkood uu u raaco dulmi loo adeegsanayo awoodda dawladda. Dhowr sanno kadib, marxuumku wuxuu garawsaday in Kacaanku la ambaday dawladnimadii, deedna dareenkiisii toosintu wuxuu dan biday, oo u xuubsiibtay, halgankii mucaaradka…

Qisada Maana-faay (1979) waxaa ku mataansan, sida qoruhuba sheegay, buugga “Dal Dad Waayay iyo Duni Damiir Beeshay – Soomaliya dib ma u Dhalan Doontaa?” (2002). Labadan buug dunta isku xiraysaa waa dawladnimada Soomaaliya; Maan-faay waa digniin ka digaysa cudurrada ku sii goobanaya maamulka iyo dawladnimada dalka, oo uu hab hal-abuur iyo awaal ku soo tebinayo; buugga labaadna waa dhambaal hogatusaaleyn ah oo gorfaynaya dibuyagleelidda dawladnimada Soomaaliya.

Dadaalkani wuxuu soo marayaa hinqinta qarannimada iyo shirweynihii nabadeynta Soomaaliya ee Carta, sannadkii 2000. Dawladdii ka soo baxdayna wuxuu ka noqday xildhibaan iyo wasiiru-dawle. Dhowrkii sanno ee u dambeeyay noloshiisa, wuxuu dadaalka xaqiijinta hannaan dawladeed toolmoon kaga jiray Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegidda iyo Hirgalinta Dastuurka oo uu guddoomiye u ahaa laga soo bilaabo Juun 2015.

Dadaalkan marxuum Afrax ee ku aaddanaa dawladnimada Soomaaliya, wuxuu ahaa dadaal aan yareyn, waxaase shiiqiyay dadaallada afka iyo hal-abuurkiisa suugaaneed oo uu ka ahaa horseed mudhbaxay.

***

Bartamihii Sebtembar ayuu Maxamed Daahir safar isugu jira shaqo iyo hubin caafimaad “check-up” u tegey carriga Ingiriiska. Wuxuu ka degey London, wuxuu booqasho gaaban ugu sii gudbay Birmingham 17/9/2021. Saacadihii hore ee Isniinta 20/9 ayuu xanuun ku soo booday, loolana cararay isbitaalka. Labaatan maalmood oo lala tacaalayay kadib, fiidnimadii 09/10/2021 ayuu marxuum “Maxamed Daahir Afrax Yuusuf-Ereg” ku geeriyooday isbitaalka “St Thomas Hospital” oo dhaca bartamaha London (UK), halka uu hillaaddii 69 sanno kahor, waa sannadkii 1952, ku dhashay cadduunka deegaanka Jariiban oo dhaca bartamaha Soomaaliya. Galabtii Talaadada 12/10/2021 ayaa lagu aasay London, waxaana lagu sagootiyey janaaso ballaaran.

Marxuumku wuxuu ahaa haldoor maskaxmaal ah, oo ummaddiisa ugu adeegay dadaal milgo iyo muunadba leh oo soo taxnaa muddo nus qarni ah. Wuxuu ku astaysnaa inuu yahay “madhaafaankii suugaan-tiraabeedda Soomaalida” iyo “u-hiilliyihii afka hooyo”. Wuxuu innoo reebay waxqabad milgo iyo mugba leh; wuxuu raadeeyay qalinka iyo hal-abuurka Soomaalida; wuxuu karaankiis doonay in Soomaaliya yeelato dawlad hanata dadkeeda, oo daryeesha ummaddeeda. Run ahaan, kaalin mug leh ayuu banneeyay ; xilkuse wuxuu saaran yahay inteenna dhinacoogu dhulka ka sarreeyo ee weli ciidaminaysa, ileyn “raqba waa ku raggeede”.

Macasalaama Maxamed Daahir Afrax, waxaad u hoyatay hoygaagii rumaad “Ilaahay ha kuu naxariisto, oo ha kuu nuuro xabaasha”. Aamin

Mustafa Fayruus
Email: [email protected]

——————–

Mustafa Fayruus waa bare jaamacadeed iyo xeeldheere ka tirsan Machadka Cilmibaarista Soomaaliyeed (ISOS) ee Jaamacadda Muqdisho & Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA).


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.