Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxda Ugu Saraysa Goleyaasha Itoobiya oo La Doortay Iyo Wax Soomaali ah oo Aan Ka Dhexmuuqaan

Abiy Axmed

Addis Ababa, Haweenayda madaxweynaha ka ah dalka Itoobiya Sahle-Work Zewde, ayaa furtay kulanka wadajirka ah ee labada aqal ee baarlamaanka dalka Itoobiya iyadoo ay ka maqan yihiin mudanayaasha ku meteli lahaa deegaanka Soomaalida, maadaama aan weli natiijada doorashadii dhawaan ka dhacday deegaanka Soomaalida si rasmi ah loogu dhawaaqin.

Yeelkeede, kulankan ayaa Ra’iisal wasaaraha karaamadu ka duushay ee dalka Itoobiya Abiy Axmed, shan sanno loogu caleemo saaray in uu hoggaamiyo dawladda Itoobiya, halka afhayeenkii hore ee golaha wakiilada shacabka (HoPR) Tagesse Chafo oo ka soo jeeda Deegaanka shucuubta Koonfureed mar kale loo doortay xilkaas. Sidoo kale waxaa ku xigeenka afhayeenka golaha wakiilada shacabka loo doortay Lomi Bedo oo ka soo jeedda deegaanka Oromiya iyadoo hore u ahayd afhayeenka Baarlaamnka Deegaanka Oromiya.

Dhanka kale golaha fadaryshinka (HoF) ayaa afhayeen u doortay Agegnehu Teshager oo isagu ahaa madaxweynihii hore ee Axmaarada, halka ku xigeen loo doortay Zehara Ahmedo oo ka soo jeedda deegaanka Canfarta.

Doorashada maanta ka dhacday dalka Itoobiya ayaanay habayaraatee ka dhex muuqan wax Soomaali ahi, inkastoo Soomaalidu tahay marka xagga tirada la fiiriyo qawmiyadda saddexaad ee dalka Itoobiya.

Kusime Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo adeeegayaashiisa ayaa iyagu si ka fiirsasho la’aan ah isku dhextuuray xisbiga PP ee Abiy Axmed samaystay iyagoo ku doodaya in hadda wixii ka dambeeya ay fadhiisan doonaan miiska lagu go’aamiyo arrimaha masiiriga ah ee dalka Itoobiya islamarkaana ay saamayn ku yeelan doonaan.

Haddaba shacabka Soomaaliyeed ayaa hadda isweydiinaya waxa ku dhacay raggii miiska wadahalka fadhiyay iyo meesha ay ka baxday saamayntii ay sheegayeen.

Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata in dawladda Itoobiya aanay wax tixgelin ah siin dadka Soomaalida ah ee ay gumaysato iyadoo ay ka saamayn badanyihiin qawmiyado yaryar sida Canfarta.

Aqoonyahan ku sugan magaalada Addis Ababa oo arrintan ay WDN wax ka weydiisay, ayaa jawaabtiisa ku soo koobay, ” xataa haddii xilka ugu sareeya Itoobiya qof Soomaali ah loo magacaabo kolna waxtar kuma soo kordhinayo shacabkiisa, markaa haddii ay joogaan iyo haddii ay ka maqanyihiin waa isku mid ee malaha maqnaanshaha ayaaba inoo fiican halkii ay magac ahaan uun u joogi lahaayeen”.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.