Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Maamulka Somaliland oo Xabsiga Dhigay Sh. Maxamed Ismaaciil

Sh. MaxamedIsmaaciil

Hargeysa, Sida ay xaqiijisay gabadh uu dhalay, Sh. Maxamed Ismaaciil oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee caanka ah ayaa ay aroornimadii maalintii shalay ay xaruntiisa shaqo ee magaalada Hargeysa kala baxeen ciidamo ay ku sheegtay in ay ka tirsanyihiin dambibaadhista Somaliland.

Gabadha ayaa sidoo kala sheegtay in aanay ilaa hadda ka war hayn meel la geeyay iyadoo ay meelo badan ka fiiriyeen haseyesshee aanay ku guulaysan in ay ogaadaan halka lagu hayo aabbaheed.

Sheekha ayaa caan ku ah daaweynta dadka ay haleelaan cudurrada Jinka la xidhiidha isagoo xarun dadka noocaas ah lagu daaweeyo ku leh magaalada Hargeysa.

Sheekha Maxamed oo intii aan la qaban saxaafadda la hadlay maalintii Axadda, ayaa sheegay in isagoo magaalada Ceerigaabo u jooga nabadaynta beelo colaad ka dhex aloosnayd ay hay’adaha ammaanku ku amreen in uu si degdeg ah uga baxo magaalada isagan xaadiriyo hay’adaha ammaanka Hargeysa.

Sheekha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in uu filayo in arrinta lagu haystaa ay tahay dhawr cisho oo uu ku maqnaa magaalada Badhan oo uu dad ku soo daweeyay.

Ma aha markii ugu horreysay ee Sheekha xorriyaddiisa laga qaaddo iyadoo xilligii maamulkii Rayaale Kaahin sidoo kale xabsiga la dhigay ciqaab jidhdil ahna loo geystay sida ka muuqata video xilligaas laga duubay laguna baahiyay baraha bulshada.

Sheekha ayaan ilaa hadda wax dambi ah lagu soo oogin iyadoo islamrkaana aanay hay’adaha amniga Somaliland ilaa hadda wax war ah ka soo saarin xadhiga Sheekh Maxamed Ismaaciil iyo goobta ay ku hayaan midna.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.