Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Religion
  • Slideshow

MA KA BIXI KARNAA DAGAALKA DIINTA KU SALAYSAN?

W.Q: CabiRaxmaan Cilmi Xaashi

Al Shabaab

Ururrada hubaysan ee Wahaabiyada/Salafiyada waxay maalin kasta xasuuqayaan shacabka Soomaaliyeed ayadoo Alle loogu dhawaanayo xasuuqaas. Waxay ku andacoonayaan in dadka Soomaalidu riddoobeen dhammaan, dhiiggooduna bannaan yahay. Sida maafiyada ayey qof kasta oo bulshada ka dhex muuqda waxay ku tooganayaan suuqa dhexdiisa. Inta badan waxaa dadka la sugaa markay salaadda kasoo baxaan, waxaana lagu toogtaa masaajidka hortiisa. Qaraxyada inta ku dhimata, ku dhaawacanta, ku agoomowda, ku rajowda ama ku gablanta iyagu tiro ma leh. Sidee ku dhacday in qof muslin ahi sidaa diin u arko? Sidee looga dhaadhiciyey dad muslimiin ah inay fal noocaas oo kale ah ugu kacaan iyagoo raba inay Alle ugu dhawaadaan? Waxaa cad inay adag tahay in kooxahaas millateri ahaan looga guulaysto maadaama ay diyaar u yihiin inay dhintaan ayagoo aaminsan inay jannada horay ka gelayaan markay dhintaan oo ay Alle darti naftooda u hureen.

Dagaal loogama guulaysan karo qof geerida doonaya. Tan kale, waa dhallinyaradii dalka iyo ubixii berri oo layntoodu dan ma aha. Sida keliya ee looga guulaysan karo waa iyadoo dadka, gaar ahaan dhallinyarada la wacyi geliyo, lana tuso wejiga runta ah ee diinta Islaamka. Waajibka ugu culus wuxuu saaran yahay culimmada diinta, waana iyaga cidda dadka ka wacyi gelin karta dhibaatadan. Culimmadu waa inay boogta dillaaciyaan oo aysan dusha ka dhayin.Waa in laga hadlaa waxa dadkani u dagaallamayaan iyo waxa ay daliishanayaan. Waa in runta hoose loo dhaadhacaa oo la isla fahmaa meesha fikirkani salka ku hayo iyo waxa sababay in dad badani u arkaan in kooxahani xaq u dagaallamayaan.

Culimmada aan maqlay oo isku dayey inay dadka uga digaan kooxahan waxay ku celceliyaan sida dhiigga dadka muslimiinta oo la daadiyaa u xun yahay, laakiin kama hadlaan fikirka Wahaabiyada/Salafiyada. Waxaa xusid mudan in aysan kooxahani dadka Soomaalida u arag inay yihiin muslimiin, waxayna qabaan inuu bannaan yahay dhiigga iyo hantida dadka aan kooxdooda ku jirin. Marka culimmadu ka digayaan daadinta dhiigga dadka muslimiinta ah wax u kordhin mayso kooxahan waayo ma qabaan inay dad muslimiin ah laayeen. Taasi waxay culimmada ku khasbaysaa inay hoos u daadagaan oo ka hadlaan waxa kooxahani aaminsan yihiin. Waa in laga hadlaa oo la is weydiiyaa; maxay kooxahani u dagaallamayaan?Muxuu yahay daliilkoodu, xaggeese ka yimid fikirkani?

Dadka Soomaalidu boqollaal sano ayey diintaan haysteene, maxaa is beddelay? Haddii aan dooddaan si cilmiyeysan loo abbaarin waxaa hubaal ah inaan kooxahan laga adkaanayn. Maanta dalkeenna culimmada ugu codka dheeri waa Salafiyo, waxayna meel kasta ku faafinayaan hadallo taageeraya kooxaha hubaysan fikirkooda iyo ujeeddadooda. Culimmadaas oo mararka qaarkood ka diga foolxumada daadinta dhiigga dadka, waxay haddana xayeysiinayaan waxa kooxahani u dagaallamayaan. Marka dhallinyaradu dhageysato wadaaddadan hadalkooda waxaa usoo baxaysa in dagaalka kooxaha hubaysani xaq yahay, inay ku biiraanna qumman tahay oo ay jihaad tahay.

Maxay haddaba u dagaalayaan kooxahani, xaggeese ka yimid fikirkani? Maxay la wadaagaan Salafiyada/Wahaabiyada aan hubaysnayn, maxayse kaga duwan yihiin?

Salafiyada/Wahaabiyada guud ahaan waxay qabaan in ciddii iyaga ku khilaafta fiqiga(shareecada ama ku dhaqanka diinta) ama caqiidada ay gaalo tahay. Iyagu waxay raacaan mad-habta Xanbaliyada, waxaan mad-habtaas ahaynna ma oggola fiqi iyo caqiido midna. Mad-habadaha sunniga ahi waxyaabo tiro badan ayey ku kala duwan yihiin xagga ku dhaqanka diinta sida salaadda, weysada, axkaamta soonka, sekada, guurka iyo dhaxalka. Iyagu diin uma arkaan cidda aan mad-habtooda raacin, hadday awood u leeyihiinna way laynayaan dadka mad-habadaha kale haysta. Xagga caqiidada way gaalaysiinayaan Ashcariyada iyo Matrudiyada, Muctasilana iskaba daa . Ashcariyadu waa mad-habta caqiidada ee ay culimmada sunnigu intooda badani haysteen, siiba Shaaficiyada iyo Xanafiyada. Daliilkooda ayey isku dhajinayaan iyagoon aqoon waxa dadka kale daliishanayo. Hadday xadiis ama Quraan daliishanayaan waxay u arkayaan in ciddii aan iyaga raacin diiddan tahay Quraankaa iyo xadiiskaas ay iyagu daliishadeen sidaa darteedna ay gaalo yihiin, dhiiggooduna bannaan yahay. Ma oga in dadka kale Quraan ama xadiisyo kale daliishadeen. Falkaas iyo dhaqankaas Wahaabiyada/Salafiyada loogama horreyn, muslimiituna waa is ixtiraami jirtey in kastoo wax la isku khilaafsan yahay.

Waxay kaloo u dagaalamayaan wax la yiraahdo «dawlad islaami» ah iyo in Quraanka dastuurka muslimiinta yahay. Waxay kaloo shirki iyo gaalnimo ku sheegeen in dadku sharciyo samaysto, baarlamaannadana waxay u arkaan gaalo dhiiggoodu bannaan yahay. Dawlad islaami ah waa khayaano la rabo in xukunka lagu qabsado magaca diinta, waayo dawladi waa cidda talada haysa. Dawlad islaami ah waxay noqonaysaa madax Alle xukunka u dhiibay oo aan laga hor imaan karin, mucaaradna lagu noqon karin. Waa sababta ciddii Alshabaab ama Daalibaan mucaarad ku noqota dilka loogu xukumay.

Dastuurku waa waxa kasoo baxa marka dadku wadatashado oo wada hadlo. Waxa lagu heshiiyo waxaa ka mid ah sharciyada siyaasadda iyo awood qaybsiga. Waxaa kaloo dastuurku qeexayaa cidda dejinaysa sharciyada dalka sida sharciyada ganacsiga dibedda iyo gudaha, sharciyada caafimaadka, waxbarashada, waddooyinka(cir,dhul iyo bad) iyo sharciyada kale ciidda ka badan ee dal ku dhaqmo. Dastuurrada muslimiinta waxaa ku jira sharciyo laga qaato diinta sida sharciyada qoyska, dhaxalka iyo ciqaabaha qaarkood. Waxaa sidoo kale dastuurradaas lagu xaaraameeyaa waxa diintu xaaraamaysay. Quraanku dastuur ma aha, waana ka weyn yahay. Dastuur waa axdi qaran dal u yaal oo sharciyo ah, Quraankana sharciyada ku yaal waa aayado aan badnayn, kitaabka intiisa kalena waa hanuunin iyo aragtiyaha waaweyn ee jiritaanka. Quraanka waxaa lagala bixi karaa aragtiyaha nolosha dadyowga, aragtida taariikhda aadmiga iyo aayihiisa dambe iyo sunnooyinka Alle ee jiritaanka. Aragtida Quraanka ee siyaasadda waxaa haga akhlaaqda suubban iyo wadatashiga. Sidaa awgeed musuqmaasuqa iyo xukunka oo xoog lagu qabsado waa cadowyada jiritaanka dadyowga marka la eego aragtida siyaasadda ee Quraanka. Sharciyada dastuurka intooda badani waa sharciyo aan diintu faragelin, dadkuna xor u yahay nooca ku habboon dalkooda, sida kuwa dhaqaalaha iyo waddooyinka. Salafiyada hubaysan iyo kuwa kale waxa keliya ee ay isku khilaafsan yihiin waa waddada loo marayo in xukunka gacanta lagu dhigo, waana sababta wadaaddada Salafiyadu ay u gaalaysiiyaan dadka kale laakiin aysan Shabaab u gaalaysiinnin.

Salafiyadu ma jecla magaca Wahaabiya sababtuna waa iyagoo ka cararaya in lagu sheego fikirkooda mid cusub. Dhammaan mad-habadaha muslimiintu, ha ahaadeen sunni, shiico, ibaadiya iyo Zaydiya waxay raacaan salafkii (saddexdii qarni ee ugu horreeyey), qolo gaar u sheegan kartaana ma jirto. Khilaafkii salafka ayaa mad-habado noqday.Imaamka fiqiga shiicada Jacfar Alsaadiq iyo imaamka ibaadiyaduba waa ka horreeyeen kuwa sunniga. Magaca Salafiya waa boor isku qarin iyo ka dhuumasho magaca Wahaabiya oo ah mid cusub isaga iyo fikirkiisuba. Gaalaysiinta muslimiinta iyo bannaysiga dhiiggooda, in Quraanka dastuur lagu sheego iyo «dawlad islaami» waa hawlo cusub oo Wahaabiyadu la timid oo aan looga horreyn, salafkiina ma aqoon waxaas.

Weerarka ay wahaabiyadu suufiyada ku qaadday iyagu ma bilaabin, waxayse iyagu ugu horreeyeen laynta suufiyada iyo dadka kale ee iyaga khilaafsan.

Culimmadu haddii ay doonayaan inay joojiyaan dhiiggaan lagu qubayo magaca diinta waa inay si hoose uga hadlaan fikirka wahaabiga iyo doodahooda. Shaqayn mayso in mar falalkooda la cambaareeyo, haddana la taageero waxa ay u dagaalayaan. Soomaalida dhib waxaa ugu filan musuqmaasuqa dhaqanka noqday, dagaal diineed hadduu inoogu darmana waa dabargo’a dadka la yiraahdo Soomaali, wax shaki ahna kuma jiraan. Qofkii Soomaali diinteeda iyo qarannimadeeda dan ka lihi waa inuu Musuqmaasuqa iyo Wahaabiyada af iyo addinba ula dagaalaa. Waxaan qabaa in koox wahaabiyada uga khatar badan muslimiinta aysan soo marin 1400-kii sano ee Islaamku jirey, haddii aan muslimiintu ka hortegin kooxdaanna diinta iyo dadkeeduba halis ku jiraan. Waa markii ugu horreysey taariikhda oo la arko dad badan oo diinta ka baxaya, sababtuna waa faafidda Wahaabiyada oo dhiig iyo nacayb ku wasakhaysay diinta, muslimiintana magaca ka dishay.

W.Q: CabiRaxmaan Cilmi Xaashi

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.