Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Kursiga Golaha Shacabka ee Gobollada Waqooyi (Somaliland) ee R/Wasaare ku- Xigeenka loo doortey ma sax baa?

W.Q. Cismaan X. Maxamed 

Doorashada Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi ( Somaliland) ee la soo gabagabeeyey 30 Sebtember 2021, waxay u dhacday si daahfuran oo ay dadku raali ka ahaayeen.  Qofkasta oo rabay in uu isu sharaxo kursi ma dhicin in laga horjoogsado. Sidoo kale waxaa doorasho xalaal ah oo daahfuran ka dhacday Dawlad Goboleedka Hirshabeele. Doorashadii Aqalka Sare ee ka dhacay Dawlad Goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland, waxay ahaayeen boob cad oo aan geed loogu soo gabban, haba ugu sii darnaadeen Puntland iyo Jubbaland oo iyagu qaab jujuub ah wax walba ku meelmariyay.

Doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi (Somaliland) waxay ku billaabantay  daahfurnaan , xor iyo xalaal, waxayna ku dhammaan doontaa si la mid ah tii  Aqalka Sare  ee Gobolladda Waqooyi (Somaliland) Xor iyo Xalaal.

Waxaa la yaab ku riday dadkii arrimahan la socday markii Xil. Xuseen Carab Ciise uu dacwad ku furay Xil. Mahdi Maxamed Guuleed maalin ka dib markii labadan mudane  la doortey 1dii Nofember 2021 Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Qoraalkan waxaan ku duljoogsanayaa arintan kursiga kaliya ee muranka la galiyey.

  1. Xil. Mahdi  Maxamed Guuleed (Khadar) (HOP #239)
  2. Xil. Biixi  Imaan Cige  

Runtii waa laba mudane oo ku soo baxay si caddaalad iyo Daahfurnaan ka muuqato. Waa laba shakhsi oo aqoon sare leh oo Baarlamaanka Soomaaliya anfacaya, laguna doortey cod aqlabiyad sare ah. Intaa waxay ku sii darsadeen waa laba nin oo akhlaaq iyo xishood Ilaahay ku manaystey.

Xuseen Carab & Mahdi Guuleed

Haddaba waxaa yaab len in Xil. Xuseen Carab Ciise oo horey ugu fadhiyey kursigan (HOP#239) Baarlamaankii 9aad iyo 10aad uu Dacwad u gudbiyey 2/11/2021 Guddiga Xalinta Khilaafaadka, taas uu ka dacwoonayey sida  loo maamulay doorashada  kursiga (HOP#239). Nuxurka Dacwadda Xil. Xuseen Carab Ciise waxay ahayd sidan:

  1. In kursigan (HOP#239)  jufadiisu si gaar ah u leeyihiin  oo ay isa soo sharixi karaan jufadiisu kaliya oo aanu jufo kale Isku soo sharaxi Karin.
  2. In Guddiga Maamulka Doorashooyinka Soomaaliland si bareer ah ay ugu diideen in uu isu diwaangaliyo kursigan (HOP#239).

Haddaba markii Guddiga Xalinta Khilaafadaka ay baareen Dacwadda uu Xil. Xuseen Carab Ciise ka soo gudbiyey  sida loo maamulay kursigan (HOP#239), waxay taariikhdu markay ahayd 8/11/2021 soo saareen go’aan kama danbaysa ah oo nuxurkiisu yahay sidan:

  1. In aanu jirin muwaadin xarunta Guddiga Doorashada Dadban ee Gobollada Waqooyi yimi muddadii ay socotay diiwaangalintu  kursigan (HOP#239)  oo laga horjoogsaday.
  2. Dhammaan Salaadiinta Beesha Ciidagale ee ah Saxeexayaasha beesha ay isku raaceen in kursigan (HOP#239) ay leedahay beesha Dhamal Adan sanadka 2020/21.
  3. In hannaanka loo maamulay doorashada kursigan (HOP#239) uu ahaa mid sax ah oo waafaqsan habraacii loo dajiyey Doorashadda Dadban ee 2020/21.

Taariikhda Kursigan oo kooban

Korsigan taariikhdiisu intii la abuuray Baarlamaan  Soomaaliyeed ka dib Dawladii dhexe ee Kacaanka waxay ahayd sidan:

  1. Baarlamaankii Carta iyo Embageti oo bar ah – Waxaa ku fadhiyey  Eng. Yusuf Gaydh oo jufadiisu ahayd Gaashaan Buur, Reer Mataan oo tagey Koonfurta Suudaan.
  2. Col Qalinle – ayaa badaley oo ah  Gashaan Buur Reer Mataan oo ku dhintay waddanka Uganada isaga oo seminar ku jirey, kana tirsanaa Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka.
  3. Dhimashadiisa ka dib waxaa kursigu la siiyey Xaaska Col. Qaline  horraantii 2012  oo aan ciidagala ahayn balse Habar yoonis ahayd si ay agoonta uga biilato.
  4. Baarlamaankii 9aad markii la abuurayey Md. Xuseen Carab Ciise oo ahaa R/Wasaare ku- Xigeen Xukuumadii  Dr. Cabdiwali Gaas ayaa sameystey Odeyo u suurtagaliyey in uu isagu isku qorey kursiga. Waana markii ugu horreysey ay jufadiisu korsi Ciidagale qabato. Baarlamaankii   10aad Odayadii uu sameystey ayaa marlabaad ku celiyey   Xil. Xuseen Carab Ciise  oo    Reer Iidle ah.
  5. Baarlamaanka 11aad Xuseen Carab Ciise inadeerkii   Axmed Maxamed Ibrahim (Abwaan)  ayaa Aqalka Sare kursi ay ku fadhiday Jufada  Dhamal Adan qaatey, sidaa darteed ayaanu Xuseen Carab ciise  xaq ugu lahayn Kursiga Golaha Shacabka maadaama qoondadoodi sanadkan ay Aqalka Sare tagtey oo ina adeerkii ugu fadhiyo.
  6. Baarlamaanka 11ad   Kursiga (HOP#239) waxaa si xalaal ah ugu guuleystey Xil. Mahdi Maxamed Guuleed oo ah   Dhamal Adan oo kursigoodii Aqalka sare sanadkan 2020/21 ay qaateen Jufada Xil. Xuseen Carab Ciise oo Reer Iidle ah.

Gunaanad

Dacwada Xil. Xuseen Carab Ciise ku furay Kursiga loo doortay R/Wasaare ku-Xigeenka Md. Mahdi Guuleed, waxay ay noqotay mid wax weyn u tartay xalaalnimada doorashadiisa. Guddiga Xalinta Khilaafaadka, Guddiga Doorashadda Dadban ee Gobolada Waqooyi (Somaliland) iyo cuqaashii saxeexayaasha ee beesha Ciidagale, ayaa isku raacay in Xil. Xuseen Carab Ciise dacwaddiisu aanay habayaraatee haysan wax sharciyad ah. Go’aankaasi waxuu meesha ka saaray damacii aan xaqiiqada ku dhisnayn ee Xil. Xuseen Carab Ciise.

Qof kastaa waxuu beerto ayuu goostaa. Xil. Xuseen Carab Ciise isaga oo R/Wasaare Ku-Xigeen ah ayuu boobay Kursiga oo uu sameystey Odey soo qora, si isaga aan loola tartami karin. Boobkaas waxuu waday Baarlamaankii 9aad ilaa 10aad. Maanta Illaahey waxuu ina tuseyn in R/Wasaare Ku- Xigeen Md. Mahdi uu kursiga (HOP#239) si xalaal ah ku heley isaga oon dulmin walaalkii Xil. Xuseen Carab Ciise.

Ninbaa waxuu yiri “ Danbiga aan galay in uu Illaahay iga gudi waan ogaa, laakiin dabo ayuu dabo ku gudi ma filayn”.   Aniguna waxaan leeyahay   “ Danbigaan  Xil. Xuseen galay in uu Illaahay ka gudi waa ogaa, laakiin danbiga R/Wasaare ku – Xigeen galay ayuu R/Wasaare Xigeen ku gudi isma lahayn.”

W.Q. Cismaan X. Maxamed
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.