Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

JABEEL (Maanso)

W.T. Idiris Maxamed Cali

Dave Chappelle

Dave Chappelle, majaajilaystaha Madow ee Maraykanaad, wuxuu qarka u saaran yahay in la faafreebo, hantidiisana bacaadka lagu liso, isagoo jooga dalkiisii hadal-furnaantu u xeerranayd. Netflix ayuu sanadkan, bishii Oktoobar shanteedii ka sii daayay barnaamijkiisii ugu dambeeyay ee ahaa, “Xiraha” – “The Closer”. Wuxuu isku dayay inuu dhaqanka dayrinta (cancel culture) ku soo afjaro.

Maaddaama oo la joogo samankii laabkahadalka, majaajilaystuhu wuxuu ku dadaalay inuu si qosol-qosol ah oo fudud dadka wax ugu sheego. Wuxuu ku arartay, “Ma habboona in qofka qutulyoonkiisa qiilqiil la geliyo”. Wuxuu dabadeed dhalliilay bulshooyinka Labeebka ee Caddaanka ah, isagoo tusaaleeyay siday Madowgii iyo Dumarkiiba uga hororsadeen xuquuqihii ay u soo halgameen.

Waa lagu xoomay, oo Twitter-ka (oo uu yiri, “Meel dhab ah maaha!”) iyo degello kaleba waa loo galay si cumaamadda looga tuuro. Immikadan haddaad magiciisa Google-garayso, hubaal waxa ugu horreeya eed aragtaa waa la dagaallankiisa. Dhaqanka dayrinta ee ku salaysan “Waxaad nacdaba nacabso” ayaa lagala hor tegay. In qudhiisa la dayrsho baa dadka qaarkii ka go’an.

Taase looma dul qaadan karo. Waayo, adba soo qoysaa ka dambaysa, siiba haddaad rabto inaad maanka ka hadasho. [Dave qudhiisu rag la dayrshay buu u dadaalayaa.] Balse waa iga su’aale: laabkahadalku illaa xadkee ayuu ka sii gudbi doonaa, marba haddii diin iyo garaadba ay meesha ka baxaan?

Tixduna waxay ku bilaabmatay:

1.     Dirkaba afkaar cillad huursan

2.     Jabeel daboolka ka qaadye

3.     Ma duul ayaa ka carooday?

4.     “Wuxuu ogaan dubbaheenna

5.     Waxaannu doonno nin maaga!”

6.     Ma is gilgileen durbadiiba?

7.     Siday ahayd dunideennu

8.     Dorraato tii ka horraysay

9.     Xusuuso Luud kuwi diiday!

10.  Sidaw xuquuq Dumar fooshay

11.  Hortii Madowgu u dooxmay

12.  Labeeb Caddaani durduurtay?

13.  Jabeel dabuubti wa taase

14.  Bal keen waxaad ku durayso

15.  Intaadan “Dayrsha!” ku qaylin

16.  Dareen garaadku sifaynin

17.  Asaanba Diintu hagaajin

18.  Degaandeggiisu halkeena?

W.T. Idiris Maxamed Cali

Emaial: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.