Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Isku Caanoshubkii Madaxweyne Mustafe Cagjar

Ereyada siyaasadeed ee xilligan macno beelay, sida fooshaxunna loo kufsaday waxaa ka mid ah Doorasho, Xor iyo Xalaal.

Waxaad arkaysaa meel wax la kala doortaaba aanay jirin oo lagu leeyahay doorashaa ka dhacday, kaaga daranta welibana si xor iyo xalaal ah ayay u dhacday, waxaana tusaale fiican innoo noqon kara wixii dhawaan ka dhacay deegaanka Soomaalida.

Haddaba yeelkeede, kulan shinbirayahaw heesa ah oo ay maanta isugu yimaadeen xildhibaannada cusub ee deegaanku, ayaa shanta sanno ee soo socota ay xilka madaxweynaha deeegaanka gacanta ugu taageen Mustafe Cagjar oo isagu kusime madaxweyne ahaa saddexdii sanno ee aan soo dhaafnay.

Xildhibaannadan oo dhammaantood ka tirsan xisbiga PP ee Abiya Axmed, marka laga reebo hal xubin madaxbannaan oo lagu qurxiyay, ayaa waxay ku soo baxeen doorasho ku sheegtii aanay cidi kula tartamin ee dhawaan ka qabsoontay deegaanka Soomaalida.

Xafladda caano-iskushubka Madaxweyne Mustafe Cagjar oo ahayd mid maalmihii ugu dambeysay ay aad ugu hawlanaayeen adeegayaashiisu, ayaa lagu bixiyay kharash badan oo shacabka tabaalaysan ee deegaanka oo xaalad macalluul iyo abaar la ildaran waxtar u noqon lahaa.

Xildhibaannada DDS

Xafladda oo si toos ah looga tebinayay TV- yada Soomaalida, ayaa xildhibaannada goobta fadhiya ay ahaayeen kuwo dhammaantood loo soo xidhay dhar isku wada eeg (uniform). Lebiska ragga ayaa ka kooban shaati cad, macawus, kabo sandal ah iyo cumaamad garabka la saarto, halka dumarkana ay xidhnaayeen dharka dhaqanka Soomaalida oo isku wada midab ah. Sida la sheegayo dharkan soo iibintiisa waxaa qandaraas lagu siiyay mid ak mid ah qaraabada dhaw ee Mustafe Cagjar, taasi oo ah runtii fadeexad iyo foolxumo weyn.

Cagjar iyo Shimalis

Martisharaf meelo kala duwan ka socday, ayaa iyana xafladda goobjoog ka ahaa. Martidan ayaa waxaa ka mid ahaa madaxweynaha deegaanka Oromiya oo isaga dhawaanahan la arkayay isagoo Cagjar ku soo dhawaynayo Garoonka Diyaaradaha Wiilwaal, si qiiro iyo kalgacal dheeri ahi ka muuqdana shafka shafka u saaraya oo aad mooddo wiil iyo aabbihii oo muddo dheer kala baaday.

Oromo Jacayka ka muuqda Mustafe Cagjar oo dhawaanahan sii labakacleeyay, ayaa dadka siyaasadda deegaanka xogogaalka u ahi tibaaxayaan in ay sabab u tahay Cagjar oo doorasho ku sheegtii Itoobiya ka dhacday ka dib ay seefta Abiy Axmed dulsaarnayd, haseyeeshee madaxweynaha Oromiya Shimalis iyo madaxda Xisbiyada Amxaaradu ku hagoogteen oo badbaadiyeen.

Haddaba madaxweyne Mustafe Cagjar, ayaa waxa uu goobta ka sheegay, shacabka deegaankana ugu bishaareeyay in madaxweynaha Oromadu uu u waddo dhismaha Dugsi sida uu hadalka u dhigay u dhigma Jaamacad oo Oramadu ka dhisayso Jigjiga.

Waxaa runtii wax laga xishoodo ah in qof madaxweyne sheeganayaa uu masrax isla soo taagto nin qayrkay ah, ayaa wax ii dhisaya, isaguse ma awoodi waayay haddiii ay jirto baahi dugsi in uu dadkiisa u dhiso, maxayse tahay ujeeddada ay Oromadu ka leedahay in ay dugsi Soomaali u dhisto iyadoo aan shaki ku jirin in meelo badan oo deegaankooda ah looga baahanyahay Dugsiyo.

Qabalaha Golmaayo

Hore ayaan u aragnay madaxda deegaanka Oromiya oo meelo ka mid ah deegaanka Soomaalida sida degmada Tulli Guuleed, ka taagay calankooda islamarkaana dhagaxdhigaya mashaariic, iyadoo aan waxba lagala socodsiin madaxda degmada iyo kuw deegaanka Soomaalida midna.

Waxay arrintu hadda u muuqataa in deegaanka Soomaalidu hoos tagay deegaanka Oromiya, madaxweynaha Oromiyana yahay midka ay hadda ka amarqaataan kabaqaadyada deegaanka Soomaalida ee Cagjar horjoogaha u yahay.

Sidaadarteed la yaab ma leh in aan aragno musharrax madaxbannaan oo shacabkiisii cod aqlabiyad ah ku doorteen degmada Tulli Guuleed, oo inta xaquuqdiisii iyo codkii shacabkaba la duudsiyo lagu beddelo shaksi ka soo jeedda deegaanka Oromada.

Musharax Faysal A. Ciise

Faysal Axmed Ciise waxa uu ahaa musharrixii helay codka ugu badan degamada Tulli Guuleed isagoo u taagnaa si madaxbannaan, haseyeeshee waxaa lagu bedelay nin Oromo ah oo aan xataa meesha la leeyahay waa laga soo doortay aan tegi karin.

Fadexadda codisdabamarinta ee lagula kacay Faysal Axmed Ciise ma ahan mid indhaha laga qarsan karo, waana taariikh madaw iyo caddaalad darro tii ugu xumayd oo lagu xasuusan doono maamulka Cagjar ee Oramadu maskaxda ka rimiso iyo shakhsiyaadkii uu adeegsaday ee ka soo jeedday degmada Tulli Guuleed.

W.Q. Khaliil Xasan


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.