Tuesday, April 23, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Gorfeyn Buug: Dhibaatada dastuuriga ee ilbaxnimada Islaamka laga soo bilaabo dagaalkii Cali iyo Mucaawiye ilaa maanta oo la joogo Guga Carabta: Q1-aad

W/Q: Saalim Siciid Saalim

Hordhaca Buugga

Caalimkii Muslimka ugu horeeyay ee ka hadla in dhibta ugu wayn ee Muslimka haysataa tahay arrin la xiriirta sharciyadda xukunka, waxa uu ahaa caalimkii waynaa ee Shahristaani oo ku sheegay buuggiisa (الملل والنحل) in “khilaafka ugu wayn ee muslimiinta ka dhex dhacay ama halka sartu ka quruntay uu yahay khilaafka la xiriiira xukunka, uusana jirin wax ka wayn oo muslimiiintu dhagta dhiiga isugu dareen oo aan ka ahayn arrinta xukunka”[1].

Sidaas awgeed dooddaha ay culumada iyo aqoonyahanka muslimku ka samaynayaan arrintan, waa mid mar walba taagnayd oo aqoonyahanka muslimku u tibaaxeen siyaabo kala duwan.

Haddaba, iyada oo qayb ka ah dooddahaas horay usoo socday, ayaa Dr. Muhamed Al-Mukhtaar Al-Shanqiidi, oo ah mufakir iyo macalin jaamacadeed oo kasoo jeeda dalka Muritaaniya, waxa uu dhawaan soo daabacay buug wata cinwaanka sare ku xusan. Buugga waxaa daabacay xarunta ama Madasha xiriirka Carabta iyo adduunka oo fadhigeedu yahay Dooha, Qadar.

Buuggaan waxaa hordhac u sameeyay Mufakirka caanka ah ee reer Tuunis Raashid Al-Gannuushi, oo ka sakaw inuu yahay ruugcaddaa muddo wax ka qorayay siyaasadda Islaamka, haddana ah siyaasi hogaamiya Xisbiga Al-Nahda ee dalka Tuunis oo lagu tiriyo mid afkaarteedu ku qotonto Islaamka. Gannuushi isaga oo ka faaloonaya ahmiyadda kitaabka waxa uu tibaaxay in buuggu yahay mid indhaha u furaya muslimiinta, si ay ula jaanqaadaan waqtiga ay joogaan, una noqdaan kuwa ilbaxnimada dunida waxna ka barta, waxna ku soo kordhiya, oo aan noqon sal-madoorshe.

Gannuushi waxa uu kula talinayaa aqoonyahanka muslimiinta, gaar ahaan culumada inay akhriyaan buugga, si uu ugu noqdo aqoon kororsi ku aadan arrimaha siyaasadda Islaamka iyo tusmeeye loo maro samaynta isbedel dhanka siyaasadda iyo hannaanka maamulka ka hirgala dunida Islaamka. Wuxuuna ku tilmaamayaa arrimaha siyaasadda iyo xukunka meesha ummaddu xilliyo hore ka bukootay ama dhaxantu kasoo gashay.

Gannuushi waxa uu tilmaamayaa in qoraaga buugga uu dooddihiisa u maray hab dhexe oo ka duwan dooddaha ay kala wataan Cilmaaniyiinta doonaya in ay Islaamka ka fogeeyaan hardanka Ibaxnimada iyo dooddaha kooxaha ku riyoonaya khilaafada Islaamka. Kuwaasi oo moodaya in shareecadu tahay barnaamij isaga diyaarsan in horay laga fuliyo, iyaga oo iska indhatiraya ka faa’iidaysiga khibradaha iyo aqoonta ummaddaha kale ee fikirka siyaasadda. Taas oo u baahan in wax laga dheegto, gaar ahaan dhanka hay’adaha dawliga ah iyo habraacyada maamul (bogga 15aad).

Buugga waxa uu ka koobanyahay 609 bog oo u kala baxa arar, gogoldhig iyo saddex qaybood. Saddexda qaybood waxay usii kala baxdaaa lix cutub iyo gunaanad.

Qoraaga buugga oo ka hadlaya nuxurka buuggiisa waxa uu tiibaxayaa in:“ Buuggu yahay cilmi baaris iyo gorfeyn ku aadan dhibaatada dhanka dastuuriga ah ee ku habsatay Ilbaxnimada Islaamka, iyada oo halbeeg looga dhigayo nusuusta Islaamka, mawduuc-na looga dhigayo sooyaalka taariikhda Islaamka, himiladuna tahay sidii muslimiintu uga bixi lahaayeen dhibaatada siyaasadeed ee haysata” (bogga 17).

Qoraagu waxa uu aaminsanyahay in ahmiyadda gaarka ah ee daraasaddu ay tahay inay timi xilli kala guur siyaasadeed oo xanuun badan uu ka jiro caalamka Islaamka, uuna wali taaganyahay waxa loo yaqaan guga Carabta  (Arab spring), oo kasoo curtay dalka Tuunisiya. Wuxuuna qoraagu u arkaa Guga Carabta fursad lagu sixi karo khaladaadkii dhanka xukunka ee dhacay, laga soo bilaabo qarnigii koowaad ee hijriga (bogga 99aad). 

MARJACA, BAAXADDA IYO HABKA CILMI-BAARISTA

Qoraaga buuggu Dr. Muxamed Mukhtaar Al-shanqiidi, waxa uu xusayaa in mushkiladda la doonayo in xal ama jawaab loo helo ay tahay farqiga u dhexeeya Qiyamka (values) siyaasadda ee Islaamka oo yagleeli kara nidaam Islaami ah oo caddaalad ku dhisan. Kaasi oo la jaanqaadi kara hadba goobta iyo waayaha la joogo, iyo xaqiiqada ama waaqica taas ka hor imaanaya, ee ah in qiyamkaas noqdeen kuwa hoos u dhaca, sababo la xiriira duruufaha taariikheed iyo raadaynta dawladddihii waawaynaa ee la ologga ahaa Jasiirada Carabta uga tageen Siyaasadda Islaamka. Waxaana hubanti ah in soo nooleynta qiyamka siyaasaseed ee Islaamka, boor ka jafidda iyo dar-dargelinta awooddaha ku dahsoon ay tahay dariiqa kaliya ee Muslimiintu ay meesha isaga qaadi karaan, aadanaha kalena wax ku tari karaan waxna kula qaybsan karaan (bogga 38).

Si mushkiladaas  xal looga gaaro, qoraagu waxa uu tibaaxayaa in ujeedada daraasaddu tahay in laga baxo u af-duubnaanta fahanka ama fiqhiga ku samaysmay xilli Muslimka lagu maamulayay afkaar laga soo dheegtay hab maamulkii dawlidihii waa waaynaa ee ologga la ahaa Muslimka/ Taas oo ay raacdo in si aan gabasho lahayn, xushmadi ku jirto  loo qiimeeyo fahanka am fiqhiga culumada ee ka hadlaya siyaasadda Islaamka iyada oo loo barbardhigayo waxyiga,  oo aan laga dhigayn fahanka culumada ee siyaasadda Islaamka mid wada saxan oo ay khasab tahay in lagu dhaqmo.

Halkan ka akhri- Gorfeyta Buugga: Dhibaatada Dastuuriga ee Ilbaxnimada Islaamka

W/Q: Saalim Siciid Saalim

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.