Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

GOOONI ISU-TAAGGA SOMALILAND: MAROODI BAA MINANKA KU JIRA

W,Q. Maxamuud Cabdillahi Axmed

Maqaallo badan oo Ingiriisi ku qoran ayaa lagu baahiyey boggan WardheerNews ilaa maalintii (5tii Febrayo 2023) ee ay qaraxday colaadda Laascaanood. Qoraalladaasi dhinacyo badan bay ka eegeen colaaddaas, si ay u macneeyaan sababaha ka dambeeya dabka qarxay iyo axwaasha ku gadaaman sida: saamaynta loolanka istraataji-dhuleed ee Shiinaha iyo Maraykanka ee Geeska Afrika, is-ahaanta reernimo, marjaca taxanaha taariikhda daraawiishta, xuduudihii gumeysiga, sinnaan la’aanta siyaasaddeed iyo horumarineed ee deegaannada iyo dabcan gooni-goosiga Somaliland (SL). Waa ku mahadsan yihiin qorayaashu faalloyinka ay bixiyeen.

Anigu wax badan ku kordhin maayo arrimaha kore, waxaan se is-leeyahay waa muhiim in Af-Soomaali lagu weeleeyo taariikhda shaqaaqada socota. Waxa aan dareemay in aan far waaweyn lagu qorin, aadna loo ifin isirka Kowaad, siyaasadeed, ee colaaddu ku aroorto: gooni-goosiga Somaliland; marka laga reebo maqaalkii Dr Aweys.

Gooni-goosigu dhib kuma aha keliya beelaha darafyada (beelaha aan Isaaqa ahayn) ee waqooyiga dalka, wuxu dhib ku yahay beelaha Isaaq dhexdooda iyo sidoo kale Soomaali oo dhan. Tusaale ahaan, waxay dhegtaadu maqli, marar badan, madaxda maamulka Somaliland oo fagaarayaal kaga khudbaynaya xisbiga Waddani wuxuu diidan yahay gooni-isu-taagga ama sida ay hadalka u dhigaan waa Soomaali-weyn, macnihii waa xisbi u taagan midnimada jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee dhalatay 1dii Luuliyo 1960.  

Madaxweyne Muuse Biixi wuxu doorashadii madaxtooyada ee 2017 ku ololeeyey, kursigana ku koray, xisbiga Waddani gooni-isu-taagga Somaliland ma aaminsana oo Xamar ayaa laga taageeraa.  Taageerayaasha md. Biixi-na waxay, mar walba, taageerayaasha mucaaridka la daba socdaan eedaynta ah Soomali- weyn ayaa tihiin. Dhaleecayntaas joogtada ah waxa ka dhashay beelaha Isaaq oo qalbigoodu kala fogaado, dhexdoodana kala irdhooba.

Waxa kale oo warbaahinta ku soo noq-noqotay in marba dhallinyaro loo taxaabo xabsiyada iyadoo loo nisbayno inay bandhig faneed Xamar lagu qabtay ka qayb-qaateen. Dhallinyaro kalena waxa xoriyaddooda looga qaadaa shaati/labbis buluug ah iyagoo xidhan baa facebook-ga lagu arkay.

Dagaalladii riiqda dheeraaday ee ka dhacay waqooyiga (Isaaq dhexdiis) sannadihii 1994 – 1996, qab-qablayaal dagaal-na ay ka ahaayeen Biixi iyo Kaahin, xagga jiidda dagaalka, dadka badanina ku naf-waayeen, waxa dhiigga dadka lagu bannaystay qaybo bulshada ka mid ah (beelaha Garxajis) ayaa Soomaali-weyn ah, maantana waa dhiigga reer  Laascaanood. 

Ogow loolanka siyaasadeed ee maanta ka taagan Somaliland wuxu taariikhiyan ku arooraa dagaalladaas socday 1994-96 ee loo yaqaanay Maryo-Alool. Md Biixi maankiisa kuma soo dhacdo in shacabka laga bogsiiyo taariikhdaas mugdiga ah, illayn haddii kale wuu joojin lahaaye. Mar walba nabarkii ayuu xoqayaa.

Mudaharaaddadii ka dhacay magaalooyinka Somaliland qaarkood 18kii bishii Ogost 2022 ee dadku ku dhinteen, qaar badanina ku dhaawacmeen, boqollaal dhallinyaro ahna xabsiyada loogu guray, waxa wasiir Kaahin ku sababeeyey in Xisbiyada mucaaridku soo geliyeen Hargeysa iyo magaalooyin kale ciidan argagixiso ah oo Xamar ka yimi. Mar kale ayaa, haddana, gooni-goosi/isu-taag loogu qiil bannaystay dhiig muslim. Goodinta maamulka Somaliland ee ah bulshada qayb ka mid ah ayaa diidan gooni-isu-taagga waa hal-ku-dheg beenaad iyo tab ay ku kala qaybiyaan shacabka, kuna suuxiyaan dadka, si ay u sii wataan ku takrifalka awoodda dawladnimo. 

Waxa intaas dheer in shabacka beesha dhexe loo tuso in walaalahooda koonfureed ay yihiin cadwgooda, iyagoo xabaalaha ka soo qufa dilkii, burburkii iyo qaxii loo geystay 1988kii. Bal hadda qabsoo, Biixi iyo dawladdiisu waxay macaamil joogta ah oo maaliyadeed, siiba kaalmada caalamiga ah, la leeyihiin Dawladda Federalka Soomaaliya (DFS), waana sababta maanta wasiirkii hore ee maaliyadda DFS, mudane Beyle, maalin dhowayd loogu soo  dhoweeyey Hargeysa.

Mintidka gooni-goosigu, siiba madaxdoodu, waxay ku faanaan SNM baa dhalisay/keentay dawladnimada Somaliland, sidaa darteed-na ka mudan beelaha kale, taasoo faquuqda beeliha waqooyi ee aan iyagu taageerin SNM. Xataa waxay dhaleeco u soo jeediyeen dooddii professor Axmed Ismaaciil Samatar ee ahayad in maalinta Somaliland laga beddelo 18ka May, lagana dhigo 26ka Juun oo ah maalin ay wadaagaan shacabka waqooyi oo dhami.

Barnaamijkii siyaasdadeed ee ururka SNM kuma uu jirin gooni-goosigu. Xag-jir-nimada gooni-goosigu waxay keentay in ruug-cadaagii siyaasadda ee reer waqooyi, oo ay ku jiraan hoggaamiyaashii siyaaasadda SNM, inay ka haajiraan guryahoodii iyo eheladoodii.

Aan ku soo noqono Laascaanood. Dagaalka Laascaanood waxa loo qaaday, ka dib markii maamulka Hargeysa ogaaday in 5tiii Febrayo 2023 garaadadu ku dhawaaqayaan midnimada Soomaaliya. Iyana waa mar kale oo gooni-isu-taag lagu bannaystay dhiig muslim.

Maamulka Somaliland illaa hadda garan maayan cidda ay Laascaanood isku hayaan. Maalin walba sheeko cusub oo shaamareer dhalisa ayey la shir yimaadaan sida: DFS ayaa nala dagaalamaysa, Puntland ayaa na soo weerartay, argagisixo ayaa nala diriraysa, Daarood baa isu habar-wacday, Dawlad Deegaanka Soomalida ayaa nagu soo duulay.. Md Biixi jihadii baa ka luntay!

Dhowaan waxa Hargeysa iyo Burco ka dhacay dabbaal-degyo ay soo abaabushay madaxtooyada Hargeysa, kuwaas oo loogu damaashaadayo colaadda iyo dhiigga daadanaya ee ka aloosan Laascaanood; dhallinyaro ka diiqootay damiir xumadaas-na xabsiga ayaa loo taxaabay. Waxaan xasuustay tuducyo ku jiray maansadii Debedyaal ee M I Warsame Hadraawi:

Ma og-tahay degmadayada 

Dugsi keliya baa jira

Diric Keliya baa dhiga

Dersi baanu baranaa

Dulliga iyo beentiyo

Doqonniimo faankiyo

Qoqobkiyo dir-soociyo

inta laga diqoodiyo 

Dawarsigu uu ka kow yahay.

In shacabka lagu kala dir-sooco gooni-isu-taag doon iyo gooni-isu-taag diid, isla markaana dunida loo sheego shacabka Somaliland waxay 100% taageersan yihiin gooni-isu-taagga waa xisaab aan is-daboolayn iyo nifaaqa sida u yaal.

Gebo-gabadii, gooni-goosiga Somaliland, Soomaaliya oo dhan buu dhib ku yahay, shacabka Waqooyi oo dhan buu dhib ku yahay, siiba beesha Isaaq buu dhib ku sii hayaa. Ka dhigan maroodi minankii galay, laga dhaad qabo, la og-yahay inuu dhib yahay, isla markaana la is-inkirsiinayo.

Haddaba, ilaa si xor ah shacabka waqooyi uga doodaan sidii maroodiga minankii galay looga saari lahaa, maare loo heli maayo colaadda Laascaanood. Inta md Biixi taas diidan tahay-na caafimaad dhimay. Ilaah baan maganasanay. 

Wa Billaahi Towfiiq

Maxamuud Cabdillahi Axmed

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.