Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Faahfaahin ku saabsan qarax maanta Muqdisho ka dhacay

Muqdisho (WDN)- Saraakiisha Amaanka gobolka Banaadir ayaa faahfaahin ka bixiyey qarax galabta ka dhacey xaafadda Taleex ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ka dhashay mooto bajaaj ah.

Ciidamada Amninga ayaa  sheegay in qaraxu ka dhacay gudaha mootada, oo qaraxyadu saarnaayeen, waxaana ay qarxeen dhowr jeer oo kala duwan mana jirto cid khasaare ay kasoo gaartey marka laga reebo kooxihii saarnaa mootada. 

Booliska ayaa xaqiijiyay in khasaare uusan jiran, aan ka ahayn shaqsiyaadkii qaraxyada ka dambeeyay ee watay, waxayna xaqiijiyen in ay gacanta ku dhigeen wadihii mootoda bajaajta  iyo agab kale oo wali aan qarxin isla markaana ay wadaan baaritaanno dheeraad ah, dibna ay kasoo sheegi doonaan wixii faahfaahin ah ee  kusoo kordha Qaraxaasi.

Qaraxyada inta badan ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa waxaa geysta kooxda Alshabaab oo dagaal kula jirta dowladda federaalka iyo hay’addaha gacanta siiya ee la shaqeeya, waxaana aalaaba dhibaatadu ku dhacdaa dadka rayidka ah ee ku sugan goobaha qaraxyadani ka dhacaan.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.